Afar arrimood oo saameyn doona dagaalka Ukraine 2024

Ciidamada Ukraine

Xigashada Sawirka, AFP

Ka dib markii uu qabsaday ajendaha wararka caalamiga ah muddo ku dhow laba sano, dagaalka baaxadda leh ee Ukraine wuxuu sii socon doonaa 2024. Laakiin waxay u badan tahay inuu u dhaco si ka duwan sidii hore.

Waxaan halkan ku eegi doonnaa afar arrimood oo saamayn doona dagaalkan 2024ka.

Lacagta

Awoodda Ukraine ee iska caabbinta Ruushka bilowgii duullaanka bishii Febraayo 2022 ayaa dad badan ka yaabisay waxayna noqotay mid ka mid ah sababaha saaxiibbada caalamiga ah ee waddanku u bilaabeen bixinta hub badan.

Sannadka 2024 tani waxay u badan tahay inay is beddesho, maaddaama dhaqaalo la siin lahaa la hakiyay.

Gudaha Maraykanka, gargaarka Ukraine waxa uu u baahan yahay in loo codeeyo oo Congress-ka ay u codeeyaan waxaana halkaasi isku haya Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga. Xirmadan milatari oo qiimaheedu dhan yahay $61 bilyan ayaa dib loo eegi doonaa ilaa horraanta bisha Janaayo.

Midowga Yurub, heshiis dhaqaale oo dhan $55 bilyan ayaa sidoo kale ku xiran - gorgortan adag oo u dhexeeya mid ka mid ah xubnaha midowga, oo ah dalka Hungary, iyo dalalka kale ee midowga ballaaran. Hungary ayaa si toos ah ula safatay Ruushka, si ka duwan Midowga Yurub intiisa kale, waxayna doonaysaa in dhammaan gargaarka Ukraine la joojiyo.

Hubka

Askari qori haysta

Xigashada Sawirka, AFP

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dib u dhaca ku yimid bixinta gargaarka dibadda ayaa hoos u dhigaysa awoodda Ukraine ay ku siin lahayd ciidankeeda hubka, taasoo keentay in Kyiv uu sare u kaco welwelka islamarkana dhanka kale ay kalsoonida Moscow sii korodho.

Shirkii jaraa'id ee sanadlaha ah, ee madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu sheegay in dhismaha milatari ee dalkiisa uu sii xoogaysanayo halka waxa uu ku tilmaamay "Kyiv raacitaanka xorta ah" ee reer galbeedka ay u badan tahay "in ay dhaqso u dhamaato".

Dhamaadkii sanadka isaga oo la hadlaya warbaahinta, madaxweyne Volodymyr Zelensky wuxuu qirtay in xaaladdu ay adag tahay, laakiin wuxuu rejo ka muujiyay in arrinta gargaarka milatari la xalin doono dhawaan iyo sidoo kale in Ukraine ay awood u yeelan doonto inay kordhiso soo saaridda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taas oo caddaynaysa inay muhiim tahay arrintan dagaal.

Bishii November midowga Yurub ayaa sheegtay in aysan ka dhabeyn karin balanqaadkeedii ahaa in ay siiso hal milyan oo madfac oo ah nooca 155-mm Ukraine bisha March 2024.

Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in mid ka mid ah sababaha weerarka rogaal-celiska ah ee Ukraine uusan u billaaban xilli hore ay tahay hubanti la'aanta. Wareysi ay dhawaan BBC-da siiyeen, millatariga Ukraine waxa ay ku sheegeen in ay ku qasban yihiin in ay tashiilaan dhaqaalaha iyo rasaasta madaafiicda ee ay adeegsanayaan.

in aysan haysan rasaas ku filan waxay la macno tahay in reer Ukraine laga yaabo inay ka tanaasulaan dhul badan. Hadda Ruushku wuxuu maamulaa qiyaastii 17% dhulka Ukraine.

Ukraine waxay ku qiyaastay in dagaalku ay uga baxday dhaqaale dhan 150 bilyan oo doolar. Sannadka 2024 waxa ay qorshaynaysaa in ay ku kharash garayso ciidankeeda $43.2 bilyan. Miisaaniyada militariga ee Ruushka ayaa lagu qiyaasaa in ay gaareyso 112 bilyan oo doolar.

Madaxwayne Putin

Xigashada Sawirka, Reuters

Dadka

In la helo ciidamo ku filan waxay caqabad ku noqon doontaa labada dhinac.

Kahor Febraayo 2022, dadka Ukraine waxay ahaayeen ku dhawaad ​​​​44 milyan oo qof.

6 milyan oo ree Ukraine ah ayaa lagu qiyaasay inay ka baxeen dalka inkastoo qaar badan la qiyaasayo inay dib u soo laabteen. Boqolaal kun oo kale ayaa ku barakacay gudaha dalka sababo la xiriira duullaanka Ruushka iyo weerarada joogtada ah, halka Kumanaan shacab ah la dilay.

Isu keenidda iyo tababarka ciidamo cusub ayaa ah mid ay caqabad ka jirto. marka al eego amarka militari ee degdega ah ragga jira da'da 18 ilaa 60 jir ayaa laga mamnuucay in ay dalka ka baxaan.

Dhawaan, wasiira gaashaandhiga Ukraine Rustem Umerov ayaa sheegay in laga yaabo in loo baahdo in Kyiv ay dib ugu yeerto ragga reer Ukraine ee ku nool dibadda dalkaasi si ay ciidamada ugu biiraan.

Dalka Estonia ayaa sheegay in Kyiv ay gacan ka siin doonto sidii loo soo qori lahaa ragga reer Ukraine ee ku Estonia.

Iyada oo Ruushka ay ka hub iyo dad badan yahay Ukraine islamarkana tirada dadka Ruushka ay dhan tahay ku dhawaad 144 milyan , ayaa hadana khasaaraha ka soo gaaray dagaalka socday 2 sano waxaa uu ahaa mid balaaran.

Qaar badan oo ka mid ah ciidankoodii ugu wanagsanaa ayaa sidoo kale la dilay, sida kuwa ciidamada cirka , kuwaas oo tababarkoodu uu yahay mid kharash badan oo qaatay sanado.

Ilaa hal milyan oo Ruush ah ayaa lagu qiyaasaa in ay dalka isaga baxeen kadib duulaankii Ukraine iyo abaabulka guud ee lagu dhawaaqay. Maamulka Ruushka ayaa miciin biday in ay qortaan maxaabiista iyo muhaajiriinta aan sharciga haysan si ay u buuxiyaan tirada ka dhiman ciidamadooda.

Caasimadda Kyiv ayaa waxaa soo gaaray burbur

Xigashada Sawirka, Getty Images

Khasaaraha militari ayaysan si buuxda u shaacin labada dhinac balse waxaa lagu qiyaasay ugu yaraan tobanaan kun oo dhanka Ukraine ah.

Dhinaca Ruushka, laanta Ruushka ee BBC-da ayaa soo diyaarisay liis la xaqiijiyay in la dilay oo ka mid ahaa militariag Ruushka, kuwaas oo dhamaadkii December 2023 ay kor u dhaafeen 40,000 oo qof.

Sirdoonka Maraykanka ayaa dhawaan daaha ka qaaday warar sheegaya in khasaaraha Ruushku, ama la dilay ama la dhaawacay, uu noqon karo 315,000 oo qof.

Daalka Ukraine

Waxa ay ka welwelsan tahay Kyiv waa waxa loogu yeero "daalka Ukraine" - hoos u dhaca ku yimid dareenka iyo taageerada dadweynaha ee wadamada ay ku xisaabtamaan taageeradooda.

Doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Netherlands iyo Slovakia ayaa durbaba keenay in taageerada la dhimo. Slovakia ayaa joojisay xirmo gargaar oo baaxad leh oo ay siin jirtay Ukraine, halka Netherlands laga yaabo in aysan u soo diri karin diyaaradaha F-16 ee muddada dheer oo hore ay ballan qaaday.

Dalka Mareykanka, iyadoo doorashada loo qorsheeyay November 2024, ku soo laabashada Donald Trump ee Aqalka Cad ayaa laga yaabaa inay la macno tahay isbeddel dhab ah oo ku aaddan siyaasadda Ukraine iyo Ruushka.

Ra'yi uruurin laga sameeyay Mareykanka ayaa muujinaya in tirada dadka aaminsan in Washington ay aad u caawineyso Ukraine ay ka korodhay 21% ilaa 41%. Midowga Yurub, siddeed ka mid ah 27 waddan, dad badan ayaa ka soo horjeeda in gargaarka la siiyo Ukraine.

Ukraine iyo Ruushka labaduba waxay sii wadi doonaan raadinta taageerada dalalka ku yaalla Koonfurta caalamka sanadka cusub. Dhaqan ahaan, wadamo badan oo Bariga Dhexe ah, Laatiin Ameerika iyo Afrika ayaa saaxiib la ahaa Moscow, iyaga oo ka soo horjeeday Maraykanka. Tan iyo markii uu bilowday duulaanka baaxadda leh, Ruushku wuxuu isku dayay inuu xoojiyo boosaskiisa, halka Ukraine ay ka shaqeysay inay saameyn ku yeelato.

12 bilood e ugu dambeeyay, Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa booqday Afrika 4 mar, isaga oo booqasho ku tagay 14 wadan .

Wasiirka arrimaha dibadda ee ukraine Dmytro Kuleba ayaa booqday sagaal wadan laba booqasho oo uu ku tagay Afrika . Ukraine waxay ku dhibaato kala kulmi doontaa inay ka hortagto saameynta Ruushka ee Afrika, halkaas kooxda calooshood u shaqeystayaasha Wagner waxay ahaayeen qalab wax ku ool ah oo lagu xoojinayo saameynta Ruushka.

Dhamaadka dagaalka

Ukraine

Xigashada Sawirka, APTN

"Sidee buu ku dhamaan doonaa dagaalkan?" waa su'aasha ay siyaasiyiin iyo khubaro badan isku dayeen inay ka jawaabaan.

Ukraine waxa ay sheegtay in kaliya xornimo buuxda oo laga qaato gumeysiga Ruushka oo dib loogu laabto xudduudaha caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ay soo afjari doonto colaadan.

Kyiv ayaa ka digtaya in tanaasulka loo sameeyo Ruushka ay dhiirigelin doonto dhul kale oo aan ahayn Ukraine oo keliya, laakiin kuwa kale ee qaybaha kale ee adduunka ah. Ruushku waxa uu sheegay in uu dagaal balaaran kala dhaxayo reer galbeedka, ayna ka go’an tahay in ay dagaalka sii wadaan.

Uma badna inuu dagaalka dhammaado 2024, dagaalkani wuu sii socon doonaa, iyadoo safka hore ee adag, khasaare dheeraad ah oo dhimasho iyo burbur ah uu ka dhici doono Ukraine, halka iyo go'doon dheeraad ah iyo dhibaato dhaqaale ay soo food saartay Ruushka.

Iyadoo dagaalka Gaza aan la xalin iyo khatarta meelaha kale ay soo baxayso, ayaa dagaalka Ukraine waxaa uu noqon doonaa mid aan sidaai diiradda loo sii saarin , inkastoo baaxad wayn ay ku leedahay nidaamka siyaasadeed ee adduunka iyo dhaqaalaha adduunka ee 2022.