Jaceylkii waallida ahaa ee ay dumarkan u qaadeen rag Muslimiin ah iyo halkii uu ku dambeeyay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waraaqo dhexda loo galay oo ay dumar Spain u dhashay u direen rag Marookaan ah tobnaan sano kahor ayaa shaaca ka qaaday taariikhda xiriir ceeb loo arkayay xilligii gumeysiga.
"Goormaad kusoo laabaneysaa Spain?" Ayaa codsi quus ah loogu qoray warqadda, waana astaan muujineysa sida ay muhiim ugu ahayd Carmela.
"Ii sheeg inaadan eegeyn haweenka kale," ayay kasoo qortay Granada sanadkii 1944.
Balse ninka erayadaasi ay ku socdeen weligii ma uusan arag oo ma akhrin warqadda. Warqaddii jaceyl ee caalamiga ahayd ee Carmela ma aysan gaarin halkii ay ku wajahneyd ee Marooko.
Taas beddelkeed, waxay ku dhex aasmatay keydka Spain, keyd aan la fileyn oo ay ka buuxaan boqollaal farriimo jaceyl oo u dhaxeeyay haween Spain u dhashay iyo rag Marookaan ah.
Waraaqahan oo la qabtay intii u dhaxeysay sanadihii 1930meeyadii iyo 1950meeyadii, ayaa muujinaya xirirro jaceyl oo mamnuuc ahaa.
Muddo tobnaan sano ah, maamulkii gumeysiga Spain ee ka talinayay Marooko ayaa la wareegay dhammaanba halkii ay iimeyladu kusoo dhacayeen.
Sanaadiiq ay ka buuxaan erayo jaceyl: "waan kuu waalanayaa… waxaan kuu ahay sida ri’ oo kale," ayay haweeney kasoo dirtay Valencia.
Qaarkood waxaa ku jiray sawirro. Sawirradan oo lasoo dhex geliyay warqadba warqaddii ay ka dambeysay, waxaa ka buuxay haween doonayay inay jaceylkooda ka dheer xusuusiyaan sida ay u ekyihiin. Mid baa soo dirtay sawir ay baaskiil kaxeyneyso, sawirro aan loo meel dayan oo muujinayay nolosheeda maalinlaha ahayd.
Dhammaantood si habsami leh ayay maamulladu ugu dhex rideen baqshad, kaddibna way illaabeen intii ay ku howlanaayeen dukumentiyada maamulka.
Waxaa ka buuxsantay bus ilaa ay markii dambe heleen ayna soo bandhigeen aqoon-yahannada Josep LluísMateo Dieste iyo Nieves Muriel García.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Warqad waliba waxaa laga dheehan karaa xiriir qaangaadh ahaa, balse mid walba waxay inoo sheegeysaa caqabadaha ay xiriirradaasi wajahayeen.
Saraakiisha Spain ayaa isku dayayay wax walba oo ay xiriirradaasi uga dhigi kareen kuwo aan suurtogal ahayn.
Amar soo baxay sanadkii 1937 ayaa lagu yiri: "Sharci guud ahaan, guurarka dhex mara saraakiisha Marooko iyo haweenka Spain waa in laga hortagaa."
Tan iyo sanadkii 1912, Spain ayaa sheegatay qeyb ka mid ah Marooko, taasoo dalka u kala qeybisay labo.
Dagaalyahannada kasoo jeeda qowmiyadda Berber ayaa kasoo horjeestay, waxaana ka dhashay dagaalkii dheeraa ee dhiigga badan uu ku daatay socdayna 1921 iyo 1926, kaasoo ay ka dhalatay in ciidamo uu horkacayay Abdelkrim al-Khattabi ay cagta mariyaan ciidamada Spain. Dowladda Spain ay kordhisay tirada ciidamadeeda Marooko waxayna shaqaaleysiisay kumannaan Marookaan ah oo ciidamadeeda ka mid noqday.
Sanadihii 1930meeyadii intii ku teedsaneyd waqooyiga dalkaas, laga soo bilaabo xeebta Atlaantik ee Asilah ilaa ku dhowaad xadka Algeria dhanka bari, waxaa maamulaysay Spain iyadoo caasimad ay u ahayd Tetouan.
Waxay ahaayeen saldhigyadii militari ee gayigan halka uu sanadkii 1936, Gen Francisco Franco ka bilaabay afgembigii dowladdii Jamhuuriga ahayd, uuna ka billowday Dagaalkii Sokeeye ee Spain.

Iyadoo dagaalku uu sii socdo, si kedis ah ayay kumannaan rag Marookaan ah oo ku jiran milatariga Spain loo diray badda Spain si ay uga barbar dagaallamaan ciidamada Franco.
Marka laga soo tago militariga, arday, ganacsato iyo shaqaale kale ayaa sidoo kale ku biiray waxayna ku dambeeyeen inay ku noolaadaan agagaarka dalkaas, magaalooyinka iyo sidoo kale xaafado miyi ahaa.
Marka la isku soo wada duubo, si ka duwan meelo badan oo uu gumeystihii Yurub heystay, tan waxay keliya Spain qudheeda u jirtay masaafo dhagax laga soo tuuri karo.
Meel walba oo ay aadaan, ragga Marookaanka ahi way la kulmayeen haweenka Spain.
Magaalada Salamanca, haweeney lagu magacaabo Concha ayaa la kulantay Nasar, oo ahaa sarkaal Marookaan ah oo meel u dhow xaruntiisu ahayd.
Iyadoo jaceyl waalli ah u qaadday, ayay madaxdiisii u dirtay codsi ah inay guursan karto sanadkii 1938. Balse sida ay qabeen maamulkii gumeysiga Spain, xiriirka noocaas ahi gebi ahaanba mamnuuc buu ahaa.
Way u caroodeen Concha, oo ay ku tilmaameen haweeney da’ ah, "foolxun oo u buuran sida jeerta".
Waxay ka shakiyeen in Nasar uu keliya muujiyay inuu daneynayo iyada sababtoo ah Concha waxay lahayd guri, taasoo ahayd wixii kiciyay "jaceylkiisii foolkaanada ahaa".
Amaro rasmi ah ayaa lasoo saaray oo ad adag si looga hortago xiriirradan "iyadoo aan si toos ah loo mamnuuceyn", sida kii soo baxay 1937.
Dabcan, maaddaama xukuumaddii Franco ay ku tiirsaneyd daacadnimada saraakiisha Marooko, xiriirradaasoo kale si toos ah uma aysan mamnuucin. Taas beddelkeed, waxay soo saareen qodobbo kale oo ay uga dhigi kareen waxaan suurtogal ahayn.
Aalaaba, waxay sidoo kale ninka Marookaanka ahi ka mamnuuci jireen inuu galo Spain, taasoo xiriirkooda ka dhigeysay mid aan suurtogal ahayn.

Sanadkii 1948, warqad ayaa laga qabtay Carmen oo ay kasoo dirtay Zaragoza kuna wajahneyd jaceylkeedii Abdeselam oo Marooko ku sugnaa. Maamulkii ku sugnaa Tetouan ayaa durba labadooda ka mamnuucay inay isu gudbaan.
Warqadda, ayay Carmen uga war bixisay gabadhooda, oo haatan kori lahayd iyadoo aan aabbaheed arkin. Saraakiishu dan kama gelin ilmaha.
Maxay tahay sababta ay xiriirradaan ugula dhaqmayeen qaabkaas naceybka ah?
Jawaabta waxaa qeyb ka ah fekerkii asal-raaca ahaa ee keligii taliska.
Dowladdii Franco ayaa ahayd mid si adag u xakameyneysay dhaqdhaqaaqa haweenka iyo inay shaqo helaan.
Waxau sidoo kale dhowrayeen Madhabta Kaatooligga, sababo diin dartoodna, haweenka guursada ragga Muslimiinta ah waxaa loo arkayay kuwo "diintooda lumiyay".
Balse sababta keliya ee ugu weyn waxay ahayd waxa ay saraakiishu ugu yeereen "prestigio de raza", "mansabka isirka".
Si xukunka gumeysigu usii socdo, Spain waxay ku qasbaneyd in loo arko mid ka sarreysa Morooko.
Maaddaama dowladdu u arkeysay in guurku yahay mid ay raggu ka sarreeyaan dumarka, guur walboo ka dhex dhaca wuxuu dumarka Spain ka dhigayay inay ka hooseyso ninka Marookaanka ah.
Haddii tan la ogaadana, waxay hoos u dhigeysaa aasaaska caadiga ah ee sarreynta gumeysiga.
Markii ay Marooko xor noqotay sanadkii 1956, dowladdii Tetouan way burburtay keydkeediina waa la iska illaaway.
Waxay intooda badan ku dambeeyeen meel u dhow Madrid, si la mid ah taariikhdii gumeysiga Spain ee Afrikana waa la iska illaaway.
Balse inkastoo dhowaan lasoo bandhigay waraaqahan, sheekooyinkooda ayaan sidaas looga war heyn, keydkan muddada dheer la iska illaawayna si qoto dheer uma muujinayo dhammaan siraha ku duugan.













