Daraasad: Noocyada Jaceylka ee jirkaaga ku laran iyo sida ay u kala awood badan yihiin

love

Xigashada Sawirka, Getty Images

Baarayaal cusub ayaa isku dayay inay wax ka ogaadaan jirka bani’aadamka iyo dareemaha la xiriira ee muujinaya dhinacyo badan oo jaceylka ah iyo culeyska u uku leeyahay jirka iyo maskaxda.

Baarayaasha Jaamacadda Alto oo ku taalla dalka Finland ayaa adeegsatay xog laga sooq aaday qiimeyn lagu sameeyay boqollaal qof.

Warbixin ayaa laga uruuriyay dadkan oo ku aaddan ilaa 27 khibrad oo jaceyl ah.

Tusaale ahaan, daraasaddan jaceylka waxaa ku jirtay jaceylka roomaantigga ah, kan galmada, kan loo hayo waaliddiinta, saaxiibbada, dadka kugu cusub, deegaanka, kan Ilaahay iyo kan naftaadaba.

Waxaa sidoo kale dadkan la weydiiyay inay jirkooda ka dareemeen noocyo kala duwan oo jaceyl ah iyo nooca awoodda ay u dareemeen jir ahaan iyo maskax ahaanba.

Natiijada ayaa muujisay in noocyo kala duwan oo jaceyl ah laga heli karo jirka iyadoo qaar ay daciif yihiin qaarna ay xooggan yihiin.

Daraasadda ayaa lagu daabacay joornaalka Philosophical Psychology (Falsafadda Cilmu-nafsiga).

waalid

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Dareen xooggan oo jaceyl ah ayaa laga dareemay jirka," ayay yiraahdeen baarayaashu. Tani waxaa lagu ogaaday jawaabaha ay bixiyeen haween da’yar ah oo waxbarashada sare dhiganayay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Iyadoo tani aysan ahayn wax yaab leh, waxaa mudan in meel lagu xarriiqo in dareemaha jaceylka ee la xiriira xiriirrada dhow ay yihiin isla kuwa aadka loo dareemo," ayuu yiri faylasuufka Partelli René, oo door weyn ka cayaaray daraasadda iyo uruurinta natiijooyinka. ‘

Qiimeynta ayaa ka qeyb galayaasha waxaa lagu weydiinayay inay midabeeyaan qaabka jirka bani’aadamka si ay u sheegaan qeybta uu ka unkamo dareenka jaceylka iyo sida ay ugu dareemaan si kala duwan maskax ahaan iyo jir ahaanba, sida ay ugu raaxeysteen dareenkan iyo sida uu ula xiriiro taabashada.

Ugu dambeynii, waxaa la weydiiyay inay cabbiraaan dhowaanshaha u dhaxeeya noocyada jaceylka.

"Noocyadaas jaceyl ee gaar ahaan isu dhow waxay leeyihiin dareen galmo iyo mid roomaantik ah. ‘

"Dhammaanba noocyada jaceylka ayaa aad looga dareemaa madaxa, balse waxay xooggoodu ku badan yihiin qeybo kala duwan oo jirka ah," ayay baarayaashu yiraahdeen. Qaar waxay saameeyaan xabadka, halka qaarka kalena laga dareemo jirka oo dhan."

jaceyl

Xigashada Sawirka, Getty Images

Saameynta laga soo bilaabo wadnaha ilaa maskaxda

jaceyl

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Waxaa sidoo kale xiiso lahayd in la ogaado in xiriir xooggan uu ka dhaxeeyo awoodda jir ahaan iyo maskax ahaan ee dareenka iyo dareenka qofku degganaanta ku dareemo. ‘

"Hadba inta uu fiican yahay dareenka jaceylka ee jirka, waa hadba inta ay maskaxdu dareento isla markaana ah mid lagu raaxeysto. ‘

"Marka aan dareenno jaceyl yar, xiisaha laabta laga dareemo ayaa si tartiib tartiib ah usii daciifaya. ‘

Dabcan tan waxaa sabab u ah jaceylka loo qaado dadka kugu cusub wuxuu u baahan yahay in laga fekero. Waxaa sidoo kale sabab u noqon kara in dareen qurux badan u uku jiro madaxa.

"Waa inuu jiraa baaritaan dheeri ah," ayuu yiri René. ‘

René ayaa sidoo kale sheegay in "kala duwanaanshaha dhaqanka ay sidoo kale door muhiim ah ka cayaarto jaceylka." ‘

"Haddii daraasadda laga sameyn lahaa meel dadka diinta leh ay aad ugu badan yihiin, jaceylka Ilaaha ayaa ahaan lahaa mid awood leh. Si taa la mid aj, dadka ayaa jaceylka ugu badan u dareemi lahaa carruurtooda.“