Waa kuma ninka lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay dilkii Tupac Shakur ee gacanta lagu soo dhigay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Booliiska Mareykanka ayaa ku eedeeyay hoggaamiye koox burcada oo hore in uu ka dambeeyay dilkii sanadkii 1996-dii loo geystay fanaankii Tupac Shakur, taasi oo ah guul laga gaaray kiis in muddo ah socday oo wali ay natiijadiisa sugayeen shacabka.
Halyeyga hip-hop-ka ee reer New York ayaa lagu riday afar xabadood isagoo 25 jir ah kadib weerar baabuur oo ka dhacay Las Vegas.
Jimcihii, xeerbeegtida weyn ee Nevada ayaa ku soo oogay Duane "Keffe D" Davis, 60, hal dacwad oo dil ah loona adeegsaday hub.
Booliska ayaa sheegay in uu qorsheeyay toogashadan dhimashada dhalisay kadib markii wiil uu adeer u yahay uu ku lug lahaa dagaal uu lala galay Shakur xilli uu ku sugnaa goob khamaar lagu dhigto.
Davis ayaa laga soo qabtay meel u dhow gurigiisa Las Vegas subaxnimadii hore ee jimcaha, waxaana uu kasoo muuqan doonaa maxkamad maalmo gudahood. Booliiska Las Vegas ayaa baahiyay sawirkiisa.
Greg Kading, oo ah dambi baare howlgab ah kana tirsanaa booliska Los Angeles isla markaana sanado badan ku qaatay baaritaanka dilka Shakur, ayaa wakaaladda wararka ee Associated Press u sheegay in uusan la yaabin xarigga Mr Davis.” "Ninkii ugu dambeeyay ee lagu helay" kiiska.

Xigashada Sawirka, LAS VEGAS METROPOLITAN POLICE DEPARTMENT
Maxkamada dhexdeeda, dacwad ooge Marc DiaGiacomo ayaa ku tilmaamay Mr Davis hoggaamiyihii hore ee kooxdii loo yaqaannay South Side Compton Crips ee burcadda wadada inuu yahay "taliyaha soo bixiyay amarka lagu dilay Shakur.
Shir jaraa'id oo uu qabtay gelinkii dambe ee jimcihii, sarkaal boolis ah oo lagu magacaabo Jason Johansson ayaa sheegay in ku adkaysiga ciidanka ee baaritaanka uu "ugu dambeyntii xog ka helay", ka hor inta uusan sharraxin waxa horseeday horumarka laga gaaray kiiskan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa uu sheegay Orlando Anderson, oo ah tuhmanaha wiil uu adeer u yahay iyo Shakur uu dhex maray dagaal ka dhacay goob lagu ciyaaro wax yar ka hor inta aan la toogan fannaanka 7-dii Sebtembar sanadkii 1996-dii, kadib dhaawac kasoo gaaray toogashadaas ayaa waxa uu ku dhintay isbitaalka maalmo kadib.
Mr Johansson ayaa weriyeyaasha usoo bandhigay muuqaallo ay kaamirada ammaanka ee hoteelka duubtay kuwaas oo muujinaya Anderson oo la garaacayo. Waxa uu sheegay in taasi ay ugu dambeyntii keentay in la toogto Shakur xilli uu gaarigiisa ku sugayay leyrarka haga waddooyinka.
Sarkaalku waxa uu intaa ku daray in ay si deg-deg ah u caddaatay in tani ay tahay fal dembiyeed la xiriira gaangiska, waxaana muuqatay in kiiskan marar badan dib loo eegay.
Laakiin waxay ahayd ilaa 2018-kii, markii xog cusub ay soo shaacbaxday, taasi oo keentay in kiiska "dib loo soo celiyo".
Mr Johansson ayaa sidoo kale xusay in Mr Davis in uu si gaar ah ugu sheegay warbaahinta in uu ku jiray gaarigii ay rasaasta lagu dilay fannaanka ka dhacday.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Isla shirkaa jaraa'id, Sheriff Kevin McMahill oo qiiro ka muuqato ayaa sheegay in "27 sano, qoyska Tupac Shakur ay sugayeen caddaalad".
"Waxaa jiray dad badan oo aan rumaysnayn in dilka Tupac Shakur uu muhiim u ahaa waaxdan booliiska. Waxaan halkan idiinka sheegayaa, xaalladdaasi ma ahayn mid fudud."
"Hadafkeena ka ciidan ahaan had iyo jeer waxa uu ahaa inaan la xisaabtanno kuwa mas’uulka ka ah dilka gacan ka hadalka ah ee Tupac," ayuu sheriff ku daray.
Shakur, oo magaciisa masraxa loo qaabeeyey 2Pac, ayaa soo saaray albumkiisii ugu horeeyay 1991-dii.
Waxa uu yeeshay magacyo kala duwan oo lagu ammaanayay lana xiriiray fankiisa, iyadoo dhimashiisa ay ka dhalatay hadal heyn badan.
Waxa uu iibiyey in ka badan 75 milyan oo rikoorro ah adduunka oo dhan, isaga oo ku raaxaysanaya guusha heesihiisa is bedelka cusub ee u curtay waayihiisa fanka.
Waxa kale oo uu guul ka helay jilliinka filimada sida Juice, Poetic Justice, Above The Rim, Gridlock'd iyo Gang Related.
Bishii June ee sanadkan fanaanku waxa uu helay xiddig kadib dhimashadiisa oo ka helay Hollywood Walk of Fame.












