Yaa dilay fanaanka 'geeridiisa' kadib lagu arkay Soomaaliya?

Xigashada Sawirka, Getty Images
War cusub ayaa kasoo kordhay kiiska fanaan Tupac Shakuur oo ku dhawaad soddon sano kahor la sheegay in lagu dilay Mareykaka. Nin ay saaxiibo ahaayeen oo kiiska loo xiray toddobaadkii ayaa shalay la horkeenay maxkamad ku taal magaalada Las Vegas.
Ninkan oo lagu magacaabo Duane Keith Davis, oo caan ku ah “Keffe D,” ayaa looga shakisan yahay dilka fanaankan, mar la sheegay in lagu arkay Soomaalida geeridiisa kadib. Maxkamada ayaa dib u dhigtay dhegeysiga dacwadaan laba toddobaad si difaaceyaasha eedeysanaha ay codsadeen.
Geerida fanaankan la yiraa Tupac Shakuur ayay dad kala duwan shaki u geliyeen siyaabo kala duwan. Warar warbaahinta reer galbeedka ku faafay ayaa sidoo kale tibaaxay in Shakuur lagu arkay Soomaaliya 'dilkiisa' kadib iyada oo laga dhigayo in uu halkaas ku dhuumanayo.
Laakiin dilka Tupac Shakur oo dhacay ku dhawaad 30 sano kahor weli lama xallin. Toogashada ayaa dhacday Sebtembar 1996-kii, xilli Shakur uu ka soo baxayay ciyaar feerka ah oo ka dhacday Las Vegas. Waxa uu saarnaa gaari uu waday madixii hore ee ninka soo saaray cajalada Diiwaanka Dhimashada oo lagu magacaabo Suge Knight markii uu gaari kale agtooda ka soo baxay oo uu rasaas badan ku riday dhinaca rakaabka ee gaarigooda.
Dhawaan, Booliiska Magaalada Las Vegas ayaa baaritaan ka fuliyay guri ku yaal Henderson, Nevada, taasoo qayb ka ah baaritaanka socda oo la xiriira dilka Shakur. Guriga waxaa iska leh Paula Clemons, oo ah xaaska Duane Keith Davis, oo sidoo kale loo yaqaan "Keffe D." Davis waa nin horay u sheegay in uu arkayay sida ay wax u dhaceen, waxaana la rumeysan yahay inuu adeer u yahay Orlando Anderson, kaasoo muddo dheer looga shakisanaa inuu ku lug lahaa dilka Tupac Shakur.
Amarka barista ayaa waxay Boolisku ku baadigobayaan cadeymaha suurtagalka ah ee la xiriira dilka Tupac, sida dukumiintiyada gacanta lagu qoray ama kuwa Kombyuutarka lagu qoray, iyo qoraallada ku saabsan bandhigyada telefishinka, aflaanta iyo muqaalada la giliyay bartaYouTube-ka ee laga sameeyay geerida Tupac Shakur.
Waxyaabaha laga soo helay hoygaas ayaa waxaa ka mid ahaa aaladaha elegtarooniga ah iyo nuqul ka mid ah xusuusta Davis oo faahfaahinaysa nolosha burcadda waddooyinka iyo dilka Shakuur.
Tupac Shakur waxaa uu ahaa shaqsi saamayn leh

Xigashada Sawirka, 1996 ayaa la dilay tupac shakur
Wuxuu iibiyay in ka badan 75 milyan oo cajalado ah, wuxuuna jilay filimaan dhowr ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Muusiggiisu waxa uu ka tarjumayay caro ku wajahan saboolnimada iyo rabshadaha uu soo maray jiilkiisa. Dhimashadiisa ayaa keentay in su’aalo badan laga jawaabo waayo, taageerayaashuna waxay raadinayaan jawaabo ilaa hadda.
Waxaa uu kusoo koray nolol adaag. Sida uu ku cabiray heesihiisa qaarkood.
Shakur hooyadii, Afeni Shakur, waxay ahayd Black Panther iyo dhaqdhaqaaqe siyaasadeed. Waxa uu ku koray isaga oo aaminsan in aabbihiis uu ahaa nin daroogada ka ganacsada oo loo yaqaanay legs oo u dhintay wadne xanuun markii uu Tupac ahaa 15.
Ka dib, markii Shakur uu ku jiray cisbitaalka ka dib toogashadii New York ee lagu dhawaacay, nin Black Panther hore u ahaa oo lagu magacaabo Billy Garland ayaa ugu yimid sariirtiisa si uu ugu sheego inuu yahay aabihiis dhabta ah. "Waxay ahayd inaan halkaas joogo," Garland ayaa ii sheegay. "Waxaan rabay kaliya si uu u ogaado in aan danaynayo.”
Shakuur waxa uu soo weynaaday isaga oo u malaynayay in aanu aabbe lahayn, waana mawduuc uu ku soo noqday ereyadiisa. Waxaan xusuustaa isaga oo arrinkaas kala hadlay maalin kale isaga oo jooga gurigiisa oo ku yaalla Wilshire Boulevard.
si aan ugu dhawaaqo inuu yahay aabihiis dhabta ah, "Waxay ahayd inaan halkaas joogo," Garland ayaa ii sheegay "waxa aan rabay in aan ogeysiiyo in aan daneeyo ." maadama uu wilkeyga yahay.Mararka qaar erayadiisa heesaha ayuu kumiijin jiray arrinkan.
In kasta oo uu wakhtigu sii dheeraaday, amarkii baarista ee dhawaan soo baxay waxa uu abuuraya rajo ah in caddayn cusub la soo saari karo, taas oo iftiiminaysa duruufaha ku xeeran dilka Shakuur.
Tageerayaashiisa oo weli jawaabo raadinaya
Sida laga soo xigtay xusuusta Davis oo ay dhawan boolisku guriga xaaskiisa baareen, wuxuu sheeganayaa inuu yahay mid ka mid ah labada markhaati ee ka badbaaday toogashada Shakur. Marqaatiga kale waa Knight, kaasoo wade ka ahaa gaariga uu la socday Shakuur xilliga uu dilka dhacayay.
1998-kii wareysi uu siiyay warbahinta BET, Davis wuxuu sheegay inuu ku fariistay kursiga hore ee gaari kale, kaasoo garab istaagay gaariga Shakur, markii rasaas laga soo riday kursiga dambe. Markii la weydiiyay aqoonsiga qofka keebka ka dhex jiiday afarta nin ee gaariga, Davis wuxuu ku jawaabay inuu ilaalin doono macluumaadkaas, isagoo tixraacaya "code of the streets." ‘’xeerka burcadda waddooyinka’’ Waxa uu si fudud u sheegay in rasaastu ay ka timid kursiga dambe.
Tupac Shakur horay ayuu u saadaliyay in uu loo dilo doono si la mid ah qaabka uu hadda u dhintay

Xigashada Sawirka, MOMENTS IN TIME
Shakuur ayaa 1994-tii yiri. “Waan ogahay in aanan weligay sii noolaan doonin. Waan ogahay inaan ku dhiman doono rabshad.”
Shakuur ayaa lagu toogtay Las Vegas Sebtembar 7, 1996, isagoo ka soo baxay ciyaar feerka ah oo ka dhacaysay hotelka MGM Grand ee Las Vegas Strip.
Shakuur ayaa si xun loo dhaawacay, waxaana uu dhintay lix maalmood ka dib isagoo 25 jir ah, inkastoo aragtiyo iyo mala-awaal kala duwan, weli ma jirto cid loo maxkamadeeyay dilkiisa.
Mas'uuliyiinta ayaa xilligaas sheegay in Shakuur uu ahaa bartilmaameedkii loogu talagalay toogashada taasoo ugu dambeyntii keentay in la dilo.
Baaritaanka dilkiisa ayaa wali soo jiidanaya xiisaha dadweynaha, iyadoo dadku ay si weyn u sugayaan horumar kasta oo ugu dambeyntii keeni kara xiritaanka dhacdadan naxdinta leh.
'Waxaa lagu arkay Soomaaliya 'dilkiisa kadib' isaga oo isqarinaya'
“Waxaan ku arkay Tupac Shakur iyo Yaki Kadafi Soomaaliya, ka dib dhimashada la sheegay inay dhinteen,” ayuu yiri Suldaan Mahdi sida lagu qoray wargayska Daily Star.
“Labadaba waxaan arkay ayagoo nool. Gaari ayaan ku dhex jiray, iyagana waxay u socdeen dhanka aan ka imid. Kadafi ayaa tilmaan gacanta ka bixinayey,” ayuu yiri Suldaan Mahdi.
Inkastoo uu ninkaas sheegay inuu arkay Tupac oo nool, misna ma jirin cid kale oo sheegta nolosha fanaanka, ama xaqiijin karta hadalka Suldaan Mahdi.
Kadafi ayaa la arkay isagoo ka laad-laada jaranjarada dabaqa seddexaad ee dhisme ku yaalla New Jersey laba bilood ka dib geerida Tupac.
Kiiska Tupac Shakur waxaa ku gadaaman warar aan la xaqiijin karin, waxaana ka mid ah inuu weli nool yahay oo lagu arkay Afrikada bari 20 sano ka dib geeridiisa.
Ninkii la joogay Tupac habeenkii uu dhimanayey ayaa isna qaba in laga yaabo inuu weli nool yahay.
Suge knight, aasaasaha Death Row, oo lagu waraystay dokumentari la yiraahdo Who shot biggie and Tupac? ayaa waraysiga ku yiri “markii Pac uu dhintay, waaba haddii uu dhintaye …”
“Habeenkii markii aan ka soo baxaynay isbitaalka waan qoslaynay waana kaftamaynay” ayuu yiri Suge Knight. “Uma jeedo sabab qof fiicnaa uusan u fiicnaan” ayuu sii raaciyey.













