Madaxweyne doonaya mushaar kordhin iyo Madaxweyneyaasha afrika ugu mushaarka badan

Arif Alvi

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Arif Alvi

Madaxweynaha Pakistan, Arif Alvi, ayaa ka codsaday wasaaradda maaliyadda ee dalkiisa in loo kordhiyo mushaarka uu qaato. Warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha oo loo gudbiyay Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in sida sharcigu dhigayo mushaarka Madaxweynaha Pakistan uu ka badan yahay hal rubbi kan uu qaato Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka.

Sidoo kale, mid ka mid ah shaqaalaha xafiiska madaxtooyada ayaa BBC-da u sheegay in uu xaqiijinayo warqaddan, “Tani maaha mid madaxweynuhu doonayo, laakiin sharciga ayaa keenaya in mushaharka madaxweynuhu uu hal rubi ka badan yahay mushaharka garsooraha, taas oo muujineysa in xilka madaxweynaha awgeed uu noqdo kan ugu sarreeya dowladda".

Mushaharka Madaxweynaha Pakistan waxa lagu bixiyaa sharci soo baxay 1975-tii, kaas oo wax laga beddelay 2018-kii.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in Mushaarka Garsooraha la kordhiyey 5-tii sano ee u dambeysay labo jeer, taasina ay keentay in Mushaharkiisu uu ka badan yahay Mushaharka Madaxweynaha, iyadoo arrkinkaasi uu noqonayo mid sharciga baalmarsan, waana sababta hadda keentay codsigan.

Madaxweynaha Pakistan ayaa codsigan diray xilli ay ka harsan muddada sharciga ah ee xilkiisa madaxtinimada dhowr maalmood oo kaliya. Haddii codsiga Madaxweyne Arif Alvi la aqbalo, waxa la siin doonaa mudnaanta wixii ka dambeeyay 2021-kii.

Waxaa xusid mudan in dib u eegistii 2018-kii ee Xeerka Mushaharka Madaxweyne Mamnoon Hussain, Mushaharka Madaxweynaha lagu kordhiyey 765,000 rupees.

Hase yeeshee marka la eego xaaladda dhaqaale ee Pakistan, codsigan ayaa la dhaleeceeyay.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedka madaxtooyada, wakhtigan madaxweynaha Pakistan waxa uu mushahar ahaan u qaataa 846,550 rupees, taas oo uu doonayo in loo kordhiyo laba jibbaar.

Pakistan

Xigashada Sawirka, Social Media

Marka aynu eegno hoggaamiyeyaasha Africa waxa ay kamid yihiin kuwa sida aadka ah loo doonayo in wax laga ogaado dakhligooda iyo mushaarka ay qaataan.

Dhab ahaantii, qaar badan oo ka mid ah hogaamiyayaashan ayaa loo maleynayaa inay yihiin shaqsiyaad aad hodan u ah oo qaata lacag badan sababtoo ah in ay awoodaan.

Tani waa sababta ay siyaasiyiin badani ugu dagaallamaan ilkaha iyo cidiyaha si loogu doorto hoggaamiyeyaasha dalalkooda kala duwan xilliyada doorashada.

Isticmaalka xogta laga helay mareegaha dalka iyo xogta hay'adaha ay ka midka yihiin Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo CIA World Factbook, halkan waxaa aan ku eegi doonnaa dhowr hoggaamiye oo afrikaan ah iyo mushaarkooda.

Paul Biya, $620,976

Paul Biya

Xigashada Sawirka, Google

Paul Biya waa siyaasi reer Cameroon ah oo madaxweyne ka ahaa Cameroon tan iyo 6-dii November 1982. Waa madaxweynaha labaad ee ugu xukunka dheer Afrika, waa hogaamiyaha ugu da'da weyn ee aan boqorka ahayn ee adduunka, iyo madaxa dowladda ugu da'da weyn Afrika.

Boqor Maxamed VI, $488,604

Maxamed VI

Xigashada Sawirka, Google

Boqorka Marooko Mohammed VI waa boqorka hadda ee Morocco. Waxa uu kursiga ku fariistay 23-kii July 1999-kii markii uu geeriyooday aabihii, Boqor Xasan II.

Miisaaniyada maalinlaha ah ee qasriga uu ku shaqeeyo waxa ay Forbes ku sheegtay in ay tahay $960,000 taas oo ay bixiso dawlada Marooko.

Ramaphosa

Xigashada Sawirka, Google

Cyril Ramaphosa, $223,500

Matamela Cyril Ramaphosa waa ganacsade iyo siyaasi u dhashay dalka Koonfur Afrika, waxa uu ahaa madaxweynihii shanaad ee Koonfur Afrika, wuxuuna xukunka hayaa tan iyo sannadkii 2018-kii, sidoo kale waxa uu madax ka ahaa Congress-ka Qaranka Afrika tan iyo 2017-kii.

Waxa la og yahay in uu ka mid yahay dadka ugu qanisan Koonfur Afrika, isaga oo hantidiisa lagu qiyaaso. in ka badan 450 milyan oo dollar waxaanahantidiisa lagu qiimeeyay majaladaha dhaqaalaha sida Forbes Africa iyo Bloomberg.

Yoweri Museveni, $183,216

Yoweri Museveni

Xigashada Sawirka, Google

Gen. Yoweri Kaguta Museveni waa mid ka mid ah madaxweynayaasha ugu cimriga dheer qaaradda Afrika iyo caalamkaba, waxa uu dalka Uganda madaxweyne ka ahaa muddo 34 sano ah, waxaana sanadahaasi uu soo xareeyay dhaqaale badan.