Waa Kumaa Sheekh Abu-Dalxa, Maxaadse Ka Taqaanaa Qisadiisa Jaceyl?

Sheekh Abu-Dalxa

Xigashada Sawirka, Villa Soomali

    • Author, Abdijaliil Osman
    • Role, BBC News Somali
    • Reporting from, London

Culimada mar walbo waxaa ay laf-dhabar u yihiin mujtamaca waxaa ayna ka qeyb qaataan hagidda bulshada si loo helo bulsho dhaqan ahaan iyo diin ahaan intuba dhameystira.

Sheekh Abuu Dalka oo magaciisa rasmiga ahi yahay Sheekh Maxamuud Sheekh Xassan Aadan waxaa uu kamid yahay culimada Soomaalida ee iyagu u istaagay hagaajinta bulshada gaar ahaan xalinta iyo wacyi gelinta lammaanaha si loo dhiso qoys wanaagsan oo ay ku barbaaraan carruurta.

Balse waa kumaa Sheekh Abu-Dalxa maxaadse kala socotaa qisada jaceyl ee ku saabsan noloshiisa, sidee ayuusa ula taliyaa bulshada qeybaheeda kala duwan?

Sheekh Maxamuud Sheekh Xassan (Abu-Dalxa) waxaa uu sanadkii 1967-kuu ku dhashay magaalada Godey ee deegaanka Soomaalida, halkaas oo uu kusoo qaatay noloshiisa inta hore. Waxaa uuuna waxbarashada asaasiga ah ku qaatay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya gaar ahaan xaafada Madiina oo uu dugsi quraanka ka galay.

Intii uu Muqidho ku noolaa sheikh Abu-Dalxa waxaa ay xidhiidh wadaag noqdeen marwada u dhaxda sheekha ee Suleekha Ismail Faarax (Umu -Dalxa, halkaas oo uu ka bilowday xidhiidhkooda iyo nolal ku dhisan ku dhisan jaceyl ixtiraam iyo duco sidda uu BBC-da u sheegay.

Sidee Ayuu Ku Baxay Magaca Abu-Dalxa?

Sheekh Maxamuud

Xigashada Sawirka, Social

Magaca Abu-Dalxa ayaa waxaa bixintiisu laheyd xaaskiisa Suleekha Ismaaciil Faarax sida uu sheekh Abu-Dalxa BBC-da u sheegay, lammaanahan ayaa xidhiidhkooda bilaabay sanadka markuu ahaa 1989 xiligaa oo ay isaga iyo marwadiisu ku wada noolaayeen magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Sheekh Abu-Dalxa ayaa sheegay in xilliga haasawaha ay wada bilaabayeen isaga iyo xaaskiisa aanay jirin isgaadhsiinta casriga ah ee maanta la haysto, isla markaana ay adeegsan jireen warqado iyo Cajallado si ay isaga warqabaan oo ay nolosha ugu wada munaashaqoodaan.

“Magaca waxaa bixisay billawgii haasaawaha marwadeyda sharafta leh Umu-Dalxa , iyadoo waagaasi lagu wada haasaawi jiray warqado laysu qoro iyo cajallado laysu duubo” ayuu yidhi Sheekha

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

“Waxaa aan ku wada nooleyn degmada Madiina ee magaalada Muqdisho ana oo markaasi wada dhigan jirtay hal dugsi quraan, laakiin si aan xidhiidhka u joogteyna waxaa aan isu diri jirnay warqado iyo iyo cajallada,” ayuu BBC-da u sheegay sheekh Abu Dalxa.

Kaddib markii ay bilaabatay saasaanta colaada ee lagu riday dowladdii madaxweyne Maxamed siyaad Barre dabayaaqadii sideetameeyaddii, lammaanahan ayuu xidhiidhkoodu waxaa soo wajahay kala fogaansho aan la saadaalin. balse intii aanay kala geyn colaadihii dalka waxaa ay dhigteen wax ay ku tilmaameen axdigii guusha kaas oo ugu danbeyn badbaadiyey xidhiidhkooda.

“Waxaan gaaadiid ka saaray iyada iyo qoyskeeda E-x Contrrol Afgoye 1991, balse inta aanan gaariga saarin waxaa aan dhiganay axdiga aad u miisaan cuslaa kaa oo sabab u noqday in aanu maanta noolasha ku midowno” ayuu yiri.

“Waxaa aan weydiiyay intii aanan gaariga saarin maxaa kaa balan ah waala kala qaxayaaye? waxay tidhi waxaa iga ballan ah laba wakhti un inaan guursado, wuu guursaday markaan maqlo ama wuu dhintay labada xaaladooda ayunbaan ku guursan ee adna maxaa kaa ballan ah? Waxaan idhi ballankaaga ayaa ii ballan ah ,” ayuu BBC-da u sheegay.

Wixii ballankaa ka danbeeyay Sheekh Abu-Dalxa ayaa u qaxay dalka kenya gaar ahaan magaalada Garissa halka gabadhii uu haasawaha kala dhaxeeyayna ay u qaxday dowlad deegaanka Soomaalida.

Waxaa uu galay madarasatu Salaam oo ku taala Gaarissa, muddo ka dibna waxaa uu u wareegay waddanka Suuriya si uu waxbarashadiisa u sii wato.

Sheekha ayaa sidoo kale uga sii gudbay suuriya dalka Ruushka sanadkii 1993 halkaas oo uu in mudo ah ku noolaa.

“Maalintii aan Ex-Control Afgooye gaariga ka saaray ayaa iigu danbeysay, wax xidhiidh intaa kaddib maanan laheyn, noolal iyo geeri midna kuma ogeyn iyadduna igub ogeyn, balse mid walbo waxaa uu ilaalinaayay axdigii iyo ballankii aan wada dhiganay”. Ayuu yidhi Sheekh Abu-Dalxa oo ka warramaayay noolashiisa.

Badanaa waxaa dhacda in lammaanhuhu aanay ilaalin axdiga balse Abu Dalxa ayaa sheegay in aanay isagu wax walwal ahi ku hayn in uu axdigaa burbura mudaddii ay marwadiisu kala maqnaayeen.

“Wax cabsi ah igama hayn armuu axdigaa burburaa, waayo waxaa aan labadayaduba ogeyn, shaqsiyada hadba qof kale” ayuu raaciyay.

ixii balankaa ka danbeeyay Sheekh Abu-Dalxa ayaa u qaxay dalka kenya gaar ahaan magaalada Garissa halka

Markii ugu horeysay lammaanahan ayaa dib u wada hadlay dhammaadkii sanadkii 1993 xilli ay Umu-Dalxa Nairobi timi, halkaa oouu xidhiidhkoodu dib markale ugu billowday.

“Waxaa aan Nairobi u dhigay fariimo badan oo aan ugu dhiibay dadkii isu kiin yaqiinay, si ay iila soo xidhiidhiyaan haddii ay timado Nairobi oo ay taleefoon hesho a.” Ayuu yidhi

Sheekh Abu-Dalxa ayaa xiligaasi ku sugnaa dalka Rushk.

“Markii uuu Taleefoonka isoo dhacay waxay iiga dhigneyd wax aan la qiyaasi kareyn, waxaa ay iiga dhigneyd in ay nooshahay marhore, waxaa ay iigga dhigneyd in xidhiidhkii aanay doorin oo uu halkii yahay” ayuu sheegay.

Sheekha oo eegaaya haasawaha sanadahan danbe ayaa sheegay in isaga iyo marwadiisu ay marwalbo ka wada hadli jireen maslaxada qoyskooda iyo sidii ay ku dhisi lahaayeen guri wada jir ah.

“Waxaa aan marwalbo ka wada hadli jirnay wax wax tar u ah noolasheenna, mustaqbalkeenna iyo kan ubadkeenna, waxaa aan isweydiin jirnay qofwalbo waxa uu dhibsada iyo waxa raali geliya waxaanu aheyn dad ku wada haasawa waxa ay diintu raali ka tahay,” ayuu yidhi.

Wixii intaa ka danbeeyay dhamaadkii sanadkii 1993 sheekh Abu-Dalxa ayaa usoo guuray dalka Denmark halkaa uu markale dib ugu bilLaabay noolashiisa.

Si looga miro dhaliya sheekha ayaa horaantii sanadkiii 1994-kii ehelkeeda ka doontay Suleekh Ismailciil,markaa uu uu sheegay in uu si rasmi ah u miro dhalay axdigii iyo xidhiidhkii dhexdooda u yaalay.

Waxaa uuna bilaabay wixii intaa ka danbeeyay in uu u ku dedaalo si ay u wada nooolaadaan isla markaana ay u rumeeyaan riyadoodii Aabonimo iyo Hooyonimo.

Sanad kaddib sheekh Abu-Dalxa iyo marwadiisa ayaa 27 april sanadkii 1994 ayaa dib ugu midoobay dalka Denmark halkaas oo ay ugu bilaabatay noolal wada jir ah.

“Dareenkeygu ma aheyn in la cabbiri karro, waxa aan dareemay waxa uu axdigu yahay iyo waxa ay ka dhigan tahay in dib loola midoobo qof aad jeclaatay”. Ayuu BBC-da u sharxay.

Sheekh Abu-Dalxa oo dib u xuusanaaya waayihii warqadaha iyo cajaladaha lagu wadaagi jiray xidhiidhka ayaa sheegay in marwadiisu ciiwaanka warqadaha kusoo qori jirtay “Ku socota” Abu-Dalxa isna uu ugu jawaabi jiray “Ku socota” Umu-Dalxa, halkaana uu ka dhashay maxabadda iyo in ay bixisa marwadiisa magacaasi.

“Illah ayaa ugu danbeyntii aqbalay ducadii 4 sano kaddib waxaa dunida kusoo biiray horaankii 1995 “Dalxa” kaas oo dhabeeyay magacii ahaa (Abu-Dalxa iyo Umu -Dalxa)” ayuu hadalkiisa raaciyay sheekha.

Lammaanahan oo hadda ku nool dalka Turkiga sheegay ayaa qaba in ay muhiim tahay in la ilaaliyo axdiga iyo in waxwalbo lagu saleeyo diinta Islaamka.

Arimaha Qoyska iyo Barbaarinta Carruurta.

Sheekh Abu-dalxa

Xigashada Sawirka, social

Marka laga yimaado qisada jaceyl ee sheekh Abi-Dalxa, sheekha ayaa tobankii sano ee u danbeysay waday dacwado la xidhiidha wanaajinta qoyska iyo barbaarinta carruurta.

Waxaa uu baraha bulshada iyo majlisyada kale ku gudbiyaa muxaadarooyin la xidhiidha arimaha qoyska iyo sida loo toosin kara mustaqbalka ummada isaga oona muxaaradooyinkiisu ay aad u jecel yihiin da’yarta Soomaalida.

“waxaa aan gutaa waajibaadkeyga iga saaran hagidda mujtamaca”. Ayuu BBC-da u sheegay.

Sheekha ayaa bixaya talooyin la xidhiidha sida ay lammaanuhu u dhisan karaa guri kala danbeyn leh oo waxtar u leh guud ahaan ummada.

“Qoysku waa asaaska ama lafdhabarka bulshada, waana mu,assasadii ugu horaysay ee bini’aadamka dunida laga abuuray, waxayna kasoo farcameen Aabeheen Aadam iyo Hooyadeen Xawaa marka haddii uu hagaago qoysku bulshadu way hagaagi, dawladu way hagaagi,xumaantu way yaraani, cudurada faafa ayaana sidoo kale yaraan kara”. Ayuu sheekh Abu-Dalxa yidhi.

Sheekh Abuu-Dalxa ayaa sheegay in markii uu arkay burburka qoysaska Soomaalida uu sii badanaaya uu go’aansaday in uu dhexday u xidhta badbaadadooda.

BBC-da ayaa weydiisa Sheekha habka uu ula taliyo dadka soo weydiista talooyinka qoyska, lammaanaha khilaafka dhexyaala iyo sidoo kale dadka raba in ay dhistaan guri ay ku nastaan iyo noolal waarta, waxaa uuna ku jawaabay.

“xidhiidhka lamaanuhu waa xidhiidh bashar ee ma ahan xidhiidh malaa,ik, waa la,isku dhacaa , waa lawada hadlaa,waa la,is qanciyaa wixii qaldama, indhaha ayaa laga laabtaa wixii adkaada waayo qof walba wuxuu leeyahay ceebo badan ilaahay SWT ayaan ceeblahayn”.

Waxaa kale oo uu sheekhu tusaale ka bixiyay tusaalaha qoyska wanaagsan ee loo baahan yaahy in ay dhisaan dhammaan mujtamaca Soomaalida.

“Qoyska waxaa ka dhaxeeyo hogaan-wanaag, ismaqal, kala danbayn, ixtiraam, jacayl,wada tashi, isutanaazul, iscafin , gudashada waajibaadka, raaligalin Rabbi , ilaalinta ,xuduudda iyo sharaciga Allaah SWT” ayuu yidhi.

Waxaa kale uu sheekhu ku waaniyay waalidiinta Soomaalida in ay dhammaan iska kaashadaan barbaarinta carruurta, haddii ay lammaanuhu kala tagaan xitaa.

Waxaa uu ugu baaqay raga Soomaalida in haddii ay furaan xaasaskoodu aysan furin ubadkoodu isla markaana laga wada tashada barbaarinta carruurta.

“Waa in lammaanuhu tusaan ubadaka jacayl,istiraam iyo kalsooni. Haddii uu ninku furo marwadiisa waa in aanu sidoo kale goyn carruurtiisa,”ayuu raaciyay.

Sheekh Abu-Dalxa iyo marwadiisa Umu-Abu-Dalxa oo hadda haysta 8 carruur ah ayaa sheegay in aanu guul gaadheen noola haddii aanay marwadiisu garab istaagin marxalada badan oo nolasha ah.

Waxaan weydiiyay su’al ah suurtagal ma ahaan laheyd in aad gaarto guulaha aad maanta joogto haddii aanay xaaskaagu garabkaaga taagneyn? Waxaa uuna igu soo celiyay sua’al ah, Hooyo la’aan ma noolaan laheyd adigu?

Sheekha ayaana intaa raaciyay

“Hooyo la’aanteed sida aanan loo noolaan karrin ayaay u adag tahay in loo badbaado oo loo guuleysto xaas wanaagsan la’aanteed, Waxaa aad u baahan taahy qof aad la tashato,wehel kuu ah saaxib kuu noqda, indhaha aad ku laabto oo aad sirta ku qarsato, marka aniga Umu-Dalxa la’aanteed noolal ma gaadheen,” ayuu hadalkiisu kusoo gabogabeeyay Sheekha.