Xaaska madaxweynaha Ukraine: "Aniga iyo ninkeygu waqti iskuma helno"

Olena

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Olena Zelenska ayaa seygeeda hore ugu waanisay inuusan madaxweyne noqon

Wareysi gaar ah oo ay siisay, BBC-da marwada koowaad ee dalka Ukraine Olena Zelenska ayay kaga sheekeysay saameynta dareenka leh ee dagaalka uu ku yeeshay qoyskeeda.

"Tani waxa laga yaabaa inay tahay xoogaa danaysi ah, laakiin waxaan u baahanahay ninkeyga, ma ahan keliya in uu noqdo qof taariikh gala, laakiin waxaan ugu baahanahay garabkeyga," ayay tidhi.

Waxay sidoo kale ka hadashay sidii ay meesha uga baxday waqtigii ay qoyskeedu wada qaadan jireen.

"Laakiin waan sii xoogeysaneynaa, waxaan leennahay dul aan ku xamilno culeysyada nafsi ahaan iyo jir ahaanba. Waxaana hubaa inaan si wadajir ah u maarayn doono marxalladaan," ayay raacisay.

Markii Ruushku duullaan ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022, Olena Zelenska ayaa muddo bilo ah ku qaadatay goob qarsoodi ah si ay ugu baaqsato saameynta jidheed ee colaadda, waxaana goobtaasi ku wehelinaayay carruurteeda.

Waxay ku tilmaantay xaaladdeeda shucuureed bilowgii duullaanka mid ay ku nooleed"dareen joogto ah oo argagax leh". Muddo kaddib , Olena ayaa garwaaqsatay in ay " lagama maarmaan tahay" inay is dejiso oo ay bilowdo la noolaashaha "waayaha soo wajahay".

Ukraine

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kaddib markii ay dhuumaalaysi ka soo baxday sannadkii hore, dagaalka ayaa halakeeyay noolasha qoyska qoraa iyo majaajileysta hore, waxayna tan iyo markaas u safartay adduunka si ay ula kulanto madaxda caalamka.

Shaki kuma jiro khasaaraha uu dagaalkaasi u geystay iyada iyo qoyskeeda, si lamid ah malaayiin reer Yukreen ah, waxaa ayna la qiirootaa marka wax laga weydiiyo carruurteeda.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Olena Zelenska ayaa u sheegtay BBC. "Lama nooli ninkeyga, qoyska waa ay kala maqan yihiin, waxaan haysanaa fursad aan isku aragno, laakiin ma ahan wakhti nagu filan. Wiilkaygu wuxuu u xiisay aabbihiis."

Hubanti la'aanta amniga iyo ku noolaanshaha colaadda ayaa sidoo kale saameyn xagga niyadda ah ku reebtay carruurteeda, sida ay sheegtay.

"Waa ay i xanuunjinaysaa in aan arko carruurteyda oo aan wax qorshe ah sameysan, da'daas oo kale, dhalinyarada ayaa u baahan qorshe. Gabadhaydu waa 19 jir. Waxay ku riyoon jirtay safar dibadda ah, dareen tamashleyn, hadda, ma haysato fursad noocaas ah. Ayaay tidhi Olena Zelenska.

Intii aan ku gudo jirnay wareysiga, ayaan maqalnay dawan digniin u ahaa duullan hor leh, waxaa ay joojisay wareysiga, iyada oo si sabar leh ku sugaysay inta uu dhammaanayo. Tani waa nolol maalmeed dadka reer Yukreen dalkooda oo dhan.

Sido kale aad ayey ula socotaa Olena in ay safka hore kaga jirto liiska bartilmaameedyada Kremlin-ka iyada, ninkeeda iyo carruurteeda.

Marwada koowaad iyo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ahaa saaxiibbo ilaa waayahoodii dugsi sare iyaga oo kasoo wada shaqeeyay koox majaajilo jisha, Zelensky ayaa ahaa jilaa halka iyaduna ay aheyd qoraa.

Hadda, waxa ay dib u celineysaa xusuusteeda, waligeedna kuma riyoon in ninkeedu noqdo “qof sameyn doono taariikh-da uu maanta galay”, iyada oo sheegtay in ay u xiistay oo ay u baahan tahay in uu ninkeeda garabkeedu soo istaago.

Olena Zelenska

Olena Zelenska ayaa sheegtay in madaxweyne Zelensky, uu leeyahay kartida rabitaanka, dhiirranaanta, iyo hoggaamin uu kaga gudbo marxalladdan dagaal".

"Waan rumaysanahay isaga, waanan taageersanahay, waxaan hubaa in uu leeyahay karti uu kaga gudbo marxalladdaan, waan dareen sanahay in xilli adag aan ku jirno, waa qof dhabar adeyg badan, dhabar adeeggiisu waa wax aan hadda u baahannahay dhammaanteen” ayaay raacisay hadalkeedu.

Shaqadeedii ugu dambaysay ee marwada koowaad waxay diiradda saartay sidii ay dadka reer Ukraine uga caawin lahayd inay ka gudbaan saamaynta nafsaaniga ah ee dagaalku ku reebay, waxaanay isu diyaarinaysaa inay martigeliso shir-madaxeed ka dhaca Kyiv kaas oo diiradda lagu saari doono caafimaadka maskaxda iyo adkaysiga qofka. Jilaa iyo qoraa Ingiriis ah Stephen Fry -oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha caafimaadka dhimirka ayaana kala shaqeyn doono hirgelintiisa.

"Runtii waxaan rajeynayaa inaan qof dhiirrigelin karo, qof rajo ama talo siin karo, ama aan ku muujin karro tusaalahayga, aan noolaano, aan shaqeyno, horay-na u socono," Olena Zelenska ayaa tidhi.

"Cidna ma ogaan karto waayaha sugaaya, qofna ma qiyaasi karo in qarniga 21aad, dagaal noocan oo kale ah ka qarxi doono bartamaha Yurub, Dagaal dhiig ku daatay. Markaa anigu marna uma malaynayn in aan marxalladan dhex istaagi doon." Ayaay hadalkeeda raacisay

“Dadka reer Ukraine ma xaqiijin karaan waxa berri ama mustaqbalka uu xambaarsan yahay, laakiin waxay leeyihiin rajo. Ayay tiri Olena