Turkiga oo Ruushka kala hadlaya arrin Soomaaliya saameyn ku leh

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu u maleynayo inay suurtogal tahay soo celinta heshiiska qamadiga ee Badda Madow kaasoo gacan ka geystay in qamadiga Ukraine la geeyo suuqyada, kaddib wada hadallo uu maanta la yeeshay Madaxweyne Vladimir Putin.
Ruushka ayaa heshiiskan ka baxay bishii July - sanad kadib markii ay dhexdhexaadiyeen Qaramada Midoobay iyo Turkiga - isagoo ka cabanaya in dhoofinta cunnadiisa iyo bacrimiyeyaasha ay soo wajaheen caqabado.
Erdogan, oo hore door muhiim ah uga cayaaray ku qancinta Putin inuu ku adkeysto heshiiska, QM ayaana isku dayeysa inay Putin ku qanciso inuu heshiiska ku laabto.
"Turkiga ahaan, waxaan aaminsannahay inaan gaari doonno xal muddo gaaban," ayuu Erdogan yiri isagoo ku sugnaa hoteelka saaran Badda Madow ee Sochi kaddib kulankii ugu horreeyay ee fool ka fool ah ee uu la yeesho Putin tan iyo 2022.
Putin ayaa sheegay in Reer-Galbeedku ay weli xannibayeen wax dhoofinta wax soo saarka beeraha ee Ruushka.
"Waxaan diyaar u noqon doonnaa suurtogalnimada soo celinta heshiiska madaxweynaha ayaana maanta u sheegay tan mar kale - waan sameyn doonnaa tan marka dhammaan heshiisyada qaadidda xayiraadaha wax soo saarka Ruushka si buuxda loo dhaqan geliyo," ayuu yiri Putin isagoo garab taagan Erdogan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay in qamadiga laga soo qaado Ukraine lana gaarsiiyo suuqyada iyadoo lasii marsiinayo Badda Madow iyo in wax laga qabto xasaradda cunnada ee adduunka oo ay QM sheegtay inay kasii dartay kaddib duullaankii Ruushka uu Ukraine ku qaaday bishii February sanadkii hore.
Ruushka iyo Ukraine waa labo ka mid ah dalalka ugu wax soo saarka badan dunida dhanka beeraha, waxayna qeyb weyn ku leeyihiin suuqyada qamadiga, shiciiriyadda, galleyda, saliidda canabka, miraha gabbal-dayaha iyo saliiddiisa.
Iyadoo dhoofinta cunnada iyo bacrimiyeyaasha Ruushka aysan quseyn cunaqabateynta Reer-Galbeedku soo rogay kaddib duullaankii Ruushka ee Ukraine, Moscow ayaa sheegtay in xayiraadaha lacagaha, farsamada iyo caymiska ay xagal-daaciyeen raridda badarka.
"Reer-Gabeedku waxay sii wadaan inay suuqyada adduunka ka xannibaan badarka iyo bacrimiyeyaasha Ruushka," ayuu yiri Putin, isagoo intaa raaciyay in Galbeedku ay Ruushka ku "qiyaameen" heshiiska.

Xigashada Sawirka, SOPA IMAGES
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dalalka Afrika ee sida weyn ugu tiirsan qamadiga ka yimaada Ruushka iyo Ukraine ee colaaddan ay saamaysay ayaa waxaa ka mid ah Somalia, Benin, Masar iyo Sudan, sida ay QM sheegtay.
Warbixinta QM ayaa lagu xusay in Somalia iyo Benin ay ka mid yihiin dalalka 100% ku tiirsan qamadiga dalalkaas ka yimaaada.
Soomaaliya ayaa Ukraine ka heshay 84,000 tan oo qamadi ah sanadkii 2022, ilaa 31,000 oo tan ayay ka heshay sanadkii ka horreeyay ee 2021, sida laga soo xigtay xogta ganacsiga ee Qaramada Midoobay, iyadoo deeq-bixiyeyaashu ay caawinaad ku garab istaageen si wax looga qabto macluusha ba'an ee ka jirta meelaha qaar.
Macluusha qeybo ka mid ah Geeska Afrika ayaa kasii dartay sanadkan, maaddaama xilli roobaadka la filayo inuu baaqdo sanadkii shanaad oo xiriir ah.
Balse saraakiisha gargaarka ayaa sheegay in ilaa 60 milyan oo qof ay weli u baahan yihiin gargaar cunno kuwaasoo ku kala nool toddoba dal oo bariga Afrika ku yaalla waxayna walaac ka qabaan saameynta ka dhalan kara.
Dalalka Afrika ayaa intooda badan dhexdhexaad ka ahaa dagaalkii Ruushka ee Ukraine.













