Youtube-ley wixii ay dadka "ka waanin jirtay sameysay" ka dibna la xiray

Youtube

Xigashada Sawirka, Getty Images

Haweenay u dhalatay dalka Maraykanka oo baraha bulshada ku faafisa la talin waalidnimo oo ay siisay waalidiinta kale ayay booliska magaalada Ivins ee koonfurta Utah xabsiga u taxaabeen kaddib markii wiilkeeda oo nafaqo-xumo hayso uu ka cararay guriga, sida ay shaaciyeen maamulku gobolka.

Haweeneydan 41 jir ka ah ayaa wajaheysa eedeymo ku saabsan xadgudubka carruurta.

Ruby Frank oo kanaalkeeda hadda la tirtiray ay ku xidhnaayen 2.5 milyan oo macaamiil ah iyo lammaaneheeda ganacsi Judy Nan Hildebrand ayaa habeenimadii Arbacada lagu xidhay magaalada koonfurta Utah ee Ivins.

Maamulka ayaa sidoo kale guriga lamaanaheeda ganacsi ka helay gabadha Ruby Frank oo 10 jir ah oo nafaqo darro hayso, bacdamaa sida la sheegay aan cunto la siin.

BBC waxay la xidhiidhtay Robbie Frank iyo Judy Nan Hildebrand labadaba si ay faallo dheeraad ah uga bixiyaan, balse uma suurtagelin in ay nala hadlaan.

Booliiska ayaa sheegay in wiil ay dhashay Robbie-Frank oo 12 jir ah uu darbiga ka booday oo uu aaday guri ay deris yihiin si uu u waydiisto cunto iyo biyo.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Waaxda Badbaadada Dadweynaha ee Santa-Clara-Ivens, deriskii soo wacay ayaa yidhi "cunuggu wuxuu u muuqday mid tabar daran oo nafaqo-xumo hayso oo ay nabarro furan ka muuqdaan ".

Ruby Fink (midig) Judy Nan Hildebrand (bidix)

Xigashada Sawirka, youtube

"Markii ay yimaadeen, hay'adaha sharci-fulinta waxay u kuur-galeen dhaawacyada wiilka waxayna shaaciyeen in ay ka muuqdeen nafaqo-darro aad u daran," ayay lagu yidhi bayaan ka soo baxay waaxda.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Gabadha Ruby Frank oo 10 jir ah ayaa iyadana la geeyey cusbitaalka.

Labadan haween ayaa si rasmi ah Jimcihii dacwad loogu soo oogay degmada Washington, sida uu sheegay mareegaha maxalliga ah ee St George News. Mid kasta waxa uu wajahayaa lix dacwadood oo ah xad-gudubyo daran oo carruureed.

Ruby Frank, ayaa caan ku noqotay sanadkii 2015-kii ka dib markii ay bilowday kanaalka '8 Rakaab', kaas oo ay kaga hadasho korinta lixdeeda carruur ah.

Kanaalkeeda ayaa helay in ka badan laba milyan oo macaamiil ah ka hor inta aan hawada laga saarin horraantii sanadkan.

Sannadkii 2020, booliska ayaa looga yeeray guriga Franke ka dib markii hal wiil uu ku sheegay YouTube in lagu qasbay muddo toddobo bilood ah inuu seexdo kursi bac ah si loogu ciqaabo xadgudub.

Waalidkii dhalay ayaa warfidiyeenka u sheegay in arrintan la marin habaabiyay.

Gabadha ugu weyn Ruby Frankie, Shari Franke, ayaa qoraal ay soo dhigtay Instagram ka dib markii la xidhay hooyadeed, ku tidhi aad ayaan ugu faraxsanahay in cadaaladda la horgeeyay hooyadey, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.

Franke Ellie Mecham, Bonnie Hoellein iyo Julie Deru oo ay walaalo yihiin haweeneyda xidhan, kama aysan jawaabin codsiyo loo diray oo ku aadan in ay bixiyaan faallooyin habeenkii Khamiista, laakiin waxay soo dhigeen bayaan wadajir ah akoonadooda Instagram oo ku saabsan dhacdadaan, iyagoo sheegay in xidhitaanka Franke iyo Hildebrandt "loo baahnaa inay dhacdo." Saddexdii sano ee la soo dhaafay, waxay sheegeen inay u aamuseen "caruurteeda dartood."

"Carruurtu hadda waa ammaan, taas oo ah mudnaanta koowaad," ayay qoreen.

Arrintan ayaa ka fajacisay dadkii ku xirnaa Youtube-ka haweeneydaas iyo dadkii ay deriska ahaayeen oo u haystay inay tahay qof carruurta u roon.