Maxay hay'addan caalamiga ah kusoo aragtay maxaabiista lagu qabtay Goojacadde ee ay booqatay?

Xigashada Sawirka, ICRC
- Author, JAMAL AHMED
- Role, DIGITAL PRODUCER
Hay’adda ICRC ayaa markii ugu horreysay booqatay boqolaal maxaabiis ah maalintii Khamiista ee 31-kii August. Maxaabiistan ayaa lagu soo qabtay dagaalladii u dambeeyay ee dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Khaatumo dabayaaqadii todobaadkii hore
Sida uu sheegay Cabdikariim Maxamed Cabdullaahi, afhayeenka ICRC ee Soomaaliya, lama xaqiijin karo tirada saxda ah ee maxaabiista. “ICRC waxay ku booqatay goobo kala duwan oo ka tirsan Laascanood, iyadoo uu ugu weyn yahay xabsiga dhexe ee Laascanood.” Ayuu yiri Cabdikariim

Xigashada Sawirka, ICRC
Cabdikariim Maxamed ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in qaar ka mid ah xabsiyada Laascanood ay ku jiraan maxaabiis, ayna ka caawiyeen afar qof oo qabay dhaawacyo daran in loo qaado isbitaal ku yaalla Garowe si loo daaweeyo.
Mar Cabdikariim oo ay BBC-da wax ka weydiisay shaqsiyaad ku sugan Laascanood oo xiran dareeska cad, isla markaana meydad ka ururinaya aagga dagaalka, ayuu xusay inay la shaqeeyaan hay’adda Bisha Cas oo ay u tababareen sidii loo maarayn lahaa meydadka, isla markaana ay gaarsiiyeen kiishash lagu qaado meydadka.
Pascal Cuttat, madaxa ergada ICRC ee Soomaaliya, ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in maxbuus kasta loola dhaqmo si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bini'aadannimada.
ICRC ayaa sheegtay inay maxaabiista gaarsiyeen firaashyo iyo agabka nadaafadda, sidoo kale BBC waxay u xaqiijiyeen in agab cafimaad ay horay u gaarsiyeen isbitaalka Laascanood.
Cabdikarim ayaa sheegay in uusan sheegi karin xog ku saabsan xaaladda caafimaad iyo tan daryeel ee maxaabista lagu hayo Somaliland iyo Laascanood sababo la xiriira shuruucda ICRC, balse wuxuu sheegay in ay ka shaqeeyeen sidii maxabiista labada dhinac lagu hayo ay ula xiriiri lahaayeen qoysaskooda.
"Waxaan kala hadalnay maamuladda labada dhinac ee Laascaanood iyo Somaliland inay noo ogolaadaan inaan booqanno maxaabiista, wayna noo ogolaadeen. Haddaynu aragno wax bini-aadminimada ka baxsan oo jira waanu ku noqonaa maamulka meeshaas oo waynu waydiinaynaa waxa khaldan, waxaana ka wada hadalnaaa sidii xal loogu heli lahaa dhibka aanu aragno.” ayuu yiri Cabdikariim Maxamed Cabdullaahi oo ah afhayeenka ICRC ee Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, ICRC

Xigashada Sawirka, ICRC
Booqashada ICR ee xabsiga Hargeysa

Xigashada Sawirka, ICRC
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida uu BBC u xaqijiyay Cabdikariim, waxaa u suurtagashay in ay booqdaan xabsiga dhexe ee Hargeysa oo ay xaqiijiyaan in maxaabiista ay helaan cunto iyo biyo, si la mid ah sidii ay Laascanood ka sameeyeen.
Intaa waxaa dheer, oo ay sheegtay hay'adda inay wada hadal la yeesheen mas'uuliyiinta si loo hubiyo u hoggaansanaanta shuruucda caalamiga ah ee daryeelka dhaawacyada iyo kuwa la xiray.
Cabdikariim ayaa xusay in ICRC ay qorsheyneyso inay dib ugu laabato Laascanood iyo Hargeysa, si xaaladda maxaabiista looga war hayo.
Axmed Siciid, oo ah mas'uul ka tir san ICRC ayaa iftiimiyay dadaallada ay sameeyeen xafiisyada ICRC iyo bisha cas ee Hargeysa iyo Garoowe si ay dadka uga caawiyaan sidii ay u heli lahaayeen xubnaha qoyskooda ee maqan.
Colaadda u dhaxaysa ciidamada Somaliland iyo Khaatumo ayaa billowday horraantii sanadkan, taasoo sababtay in boqolaal kun oo qof ay ka barakacaan guryahooda.
Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa noqotay goob dagaal oo aad u xooggan, taasoo keentay burbur xooggan oo soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha.

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Ma Saan-saan dagaal ayaa jirta
Somaliland waxay sheegtay in ay ka jawaabi doonaan wax ay ku tilmaameen "weerarkii lagu soo qaaday ciidanka Goojacadde jooga". Dhanka odayaasha dhaqanka ee deegaankaasna waxay sheegeen inaysan weerar qaadi doonin oo ay "sugayaan xuduuddahooda", haddiise la soo weeraro waxay si BBC u sheegeen in aysan "gacmaha laaban doonin".
Suurtogalnimada ah in dagaal uu mar kale dhaco lama baciidsan karo. Hogaamiyaha maamulka Khaatumo oo maanta hadal ka jeediyey masjid-jaamaca Laascaanood wuxuu dadka weydiistay in aan magaalada lagu soo celin dadka nugul sida carruurta.
Qiyaastii 50,000 oo qof ayaa la sheegaa inay ka qaxeen magaalada.
Inkastoo uusan sheegin sababta, misna waxaa loo fasirtay in weli dhiillo ay taagan tahay.
Xaaladda Maxaabiista Laascaanood

Xigashada Sawirka, X
Shan iyo labaatankii bishii hore ee Agoosto dagaalkii dhacay Laasacnood ayaa la sheegay in ciidamo ka badan boqol askari oo saraakiil ku jiraan laga qabsaday Somaliland. Somaliland waxay walaac ka muujisay sida loola dhaqmay maxaabiista.
“Dowladda Somaliland waxay si adag u cambaareyneysaa wararka iyo sawirada internet-ka lagu faafinayo ee ku saabsan tacadiyada ka baxsan bani’aadannimada ee lagula kacay ciidamada Somaliland ee 25-kii Agoosto la qabtay”.
Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay in baraha internet-ka lagu wadaagayo muuqaalo ciidamo Somaliland oo si araxan darro loo jirdilayo.
Somaliland ayaa sidoo kale ka dalbatay beesha caalamka in ay xaaladda degdeg wax uga qabato oo ay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijiyo in ciidamada iyo meydadka loola dhaqmso si waafaqsan sharciga.
Cabdulqaadir Axmed Aw Cali oo ah hoggaamiyaha SSC ayaa sheegay in maxaabiista ay si wanaagsan oo sharciga waafaqsan ula dhaqmeen.
“Xeerarka caalamiga ee maxaabiis dagaal la marsiiyo ayaan raaceynaa, dhawaca waxaan siineynaa dawo iyo daryeel oo ay xaq u leehyihiin”
Hay’adda ICRC ayaa shalay markii ugu horeysay ku booqatay Laascaanood maxaabiis gaaraya 300. Sidoo kale hay’adda waxay sheegtay in ay booqdeen maxaabiis kale oo laga qabsaday Khaatumo oo ku jira xabsiga Hargeysa.
“Ujeedka booqashooyinkan waa bani’aadannimo oo kaliya iyo si loo xaqiijiyo in dhammaan maxaabiista loola dhaqmo si bani’aadannimo ah iyo in ay qoysaskooda ogaadaan halka ay joogaan”.
Arrinta aadka isha loogu hay ayaa ah haddii dagaal uu mar kale ka dhex qarxo labada dhinac, waxa ay ku dambayn doonaan maxaabiistaas.













