Waddankan horay taariikhda u sameeyay oo haddana sahminaya Qorraxda

dayaxa qoraxda loo diray

Xigashada Sawirka, ISRO

Hindiya ayaa si guul ah u billowday hawsheedii ugu horreysay ee indha-indheyneed oo ku aaddan Qorraxda, ka dib markii ay dhawaan ku guuleysatay inay noqoto waddankii ugu horreeyay ee gaara, kuna dega meel u dhow cirifka koonfureed ee Dayaxa.

Dayax gacmeedkan oo magaciisa lagu sheegay Aditya-L1, ayaa Sabtidii shalay ka soo kacay Sriharikota, wuxuuna u safri doonaa meel 1.5 milyan KM u jirta dhulka, taasoo 1% u jirta masaafadda dhulka iyo qorraxda. Waxaana la filayaa in afar bilood gudahood uu ku gaaro halkii loogu talo galay.

Aditya-L1 waxaa loogu magac daray Surya, oo ah ilaaha Hinduuga ee Sun, L1 waxaa loola jeedaa barta Lagrange 1, meesha u dhaxaysa Qorraxda iyo dhulka halkaas oo dayax-gacmeedka la dhigi doono.

Sida ay ugu suuro gali doonto in Dayax-gacameedkan daraaseeyo Qorraxda

Meeshan waxay u sahleysaa dayax gacmeedku in uu "kormeero" marka xoogagga cuf-is-jiidadka ka imaanaya Qorraxda iyo Dhulka uu midba midka kale baabi'iyo. Marka uu Aditya-L1 gaaro heerkan, waxa uu ku dul wareegayaa qorraxda isla heerka dhulka, isaga oo u baahan shidaal yar si uu u shaqeeyo.

Kumanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay agagaarka goobta lagu soo bandhigayay Dayax- gacmeedka, waxaana si toos ah looga daawanayay TV-ga Qaranka Hindiya.

Hay'adda Cilmi-baarista Hawada Sare ee Hindiya (ISRO) ayaa ku dhawaaqday in howlgalka lagu guuleystay ka dib hal saac iyo afar daqiiqo oo waqti duulimaad ah. Aditya-L1 waxa uu sitaa todobo qalab oo saynis ah kuwaas oo ilaalin doona, isla amarkaana daraasayn doona koromosoofiyada qorraxda, iyo lakabyada photosphere iyo chromosphere.

qoraxda

Muhiimada daraasaddan ay caalamka u leedahay

Daraasadahani waxay gacan ka geysan doonaan fahamka dhaqdhaqaaqa qorraxda sida ololka cadceedda iyo dabaysha qorraxda, iyo sidoo kale saamaynta ay ku leeyihiin Dhulka iyo cimilada u dhow. Hawlgalku kaliya kama faa'iidaysan doonto Hindiya laakiin sidoo kale wuxuu ku biirin doona cilmi-baarista sayniska ee caalamiga ah.

Nin horay Saynisyahan ugu ahaa Isro scientist Mylswamy oo lagu magacaabo Annadurai ayaa sheegay in qorraxdu ay si joogto ah u saamayso cimilada dhulka iyada oo loo marayo shucaaca, kulaylka iyo qulqulka walxaha iyo meelaha magnetigga. "Isla mar ahaantaana waxay sidoo kale saameynaysaa cimilada hawada sare" ayuu yiri.

"Cimilada hawada sare waxay door ka ciyaartaa sida wax ku oolka ah ee dayax gacmeedyadu u shaqeeyaan. Dabaylaha qorraxda waxay saameyn karaan qalabka elektaroonigga ah ee satalaytka, xitaa waxay garaacaan xarkaha korontada" ayuu yiri

tusaale
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hindiya hadda waxay haysataa in ka badan 50 dayax-gacmeed, kuwaas oo bixiya adeegyo muhiim ah sida isku xirka isgaarsiinta, xogta cimilada, iyo saadaasha musiibada. Aditya-L1 wuxuu culimadu sheegeen inuu kor u qaadi doono fahamkayaga hawlaha Qorraxda, wuxuuna gacan ka agaysan doonaa saadaalinta khataraha ka iman kara satalaytka, taas oo kordhin doonta cimrigooda dheer.

Agaasimaha mashruuca Nigar Shaji ayaa sheegay in marka Aditya-L1 uu gaaro meeshii uu ku socday, aysan ka faa'iideysan doonin Hindiya oo keliya, laakiin bulshada sayniska caalamiga ah oo dhan.

Intaa waxaa dheer, howlgalkani wuxuu si weyn uga qayb qaadan doonaa aqoonta sayniska ee Qorraxda, gaar ahaan xiddig 4.5 bilyan jir ah oo door muhiim ah ka ciyaara nidaamka qoraxda.

Haddii ay ku guulaysato, Hindiya waxa ay ku biiri doontaa koox xul ah oo waddamo ah kuwaas oo daraaseynayay qorraxda. Japan waxay bilawday daraasado Qoraxda ah 1981-kii, halka NASA iyo ESA ay isha ku hayeen Qorraxda ilaa 1990-meeyadii.

Bishii Febraayo 2020, NASA iyo ESA waxay si wadajir ah xariga uga jareen howlgalka qalab isna daraaseeya Qorraxda, kaas oo si dhow u eegaya dhaqdhaqaaqa qorraxda.

Sannadkii 2021, NASA's Parker Solar Probe wuxuu noqday dayaxgacmeedkii ugu horreeyay ee ku duula meel u dhow qorraxda, taasoo calaamad u ah taariikh kale oo muhiim ah oo ku saabsan sahaminta qorraxda.