Todobada meel ee dunida mamnuuca ka ah in la booqdo

Xarunta Svalbard

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Xarunta Svalbard

Xarunta abuurka beeraha ee Svalbard

Xaruntan waa meel aamin ah oo ku taalla gacan biyoodka Svabard ee bad weynta Arctic, waxayna dal ahaan ka tirsan tahay Sweden.

Waxaa inta badan loogu yeeraa “khasnadda aduunyo-gaddoonka”. Ujeedada xaruntan loo sameeyey ayaa ah in lagu kaydiyo abuur noocyo badan oo laga kala keenay daafaha dunida, si halkaas loogaga ilaaliyo haddii dhib weyn uu dunida uu ka dhaco, sida masiibooyinka dabiiciga ah, isbeddelka cimilada, ama dagaallada khatarta gelin kara in cunno la helo.

Qabowga aadka u daran iyo fogaanshaha goobtaas aya xaruntaas ka dhigay mid ku haboon in wakhti dheer lagu kaydiyo miraha abuurka beeraha.

Area 51

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Area 51

Area 51

Waa xarun aad loo xakameeyo xogteeda oo aybgacanta ku hayaan ciidanka cirka ee Maraykanka, waxayna ku taalla Lama degaanka gobolka Nevada.

Muddo dheer waxaa xaruntaas laga sheegayey sheekooyin aan weli xaqiiq loo helin, bacdamaa ay sir badan ku gadaaman tahay.

Inkastoo xogta iyo akhbaarta qaar la shaaciyey oo aysan iminka sir ahayn, haddana faahfaahin badan oo sir ah ayaa jirta.

Waxa ugu weyn ee loo isticmaalo ayaa ah horumarinta iyo tijaabada hubka ay dayaaraduhu xamaabaaraan.

Gelitaanka xerada area 51 ayaa ah mid mamnuuc ah, in lagu xadgudbana waa sharci darro.

Bhangarh Fort

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Bhangarh Fort

Bhangarh Fort

Waa dhisme qadiim ah oo ku yaalla Rajasthan, Hindiya. Waa meel aad looga baqo oo la aaminsan yahay in ay ku jiraan wax bani’aadamka waxyeello u leh.

Qarnigii 17 waxay ahayd goobtaas qalcad laga cabsado. Dadweynaha looma oggola inay soo booqdaan wixii ka dambeeya marka qorraxdu dhacdo.

Inkastoo dadka khuraafaadka aaminsan ay jecel yihiin inay halkaas booqdaan, haddana sheekooyinka laga soo weriyey waa kuwo ku salaysan sheeko xariirooyin.

Poveglia

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Poveglia

Jasiiradda Poveglia

Waa jasiirad yar oo ku taalla gacan biyoodka Venezia ee Talyaaniga, waxay na u dhaxaysaa Venezia iyo Lido.

Waxay leedahay taariikh madow, waxaana inta badan loogu yeeraa “mid ka mid ah meelaha uu jinku ku nool yahay ee dunida”.

Jasiiradda waxaa loo isticmaali jiray meel lagu karantiilo dadka qaba cudurrada aan dawada lahayn qarnigii 18aad, qarnigii 20aadna waxay ahayd meel lagu xiro dadka dhimirka ka xanuunsanaya.

Waxay soo jiidatay dadka jecel inay jinka arkaan, maadaama la sheegay in jin uu ku jiro.

Tegitaanka jasiiradaas ayaa la mamnuucay, mana aha meel u furan dalxiisayaasha.

Fort Knox

Xigashada Sawirka, Radcliff/Fort Knox Tourism & Convention Commission.

Qoraalka sawirka, Fort Knox

Fort Knox

Waa xero ciidan oo u leeyahay milateriga Maraykanka, kuna taalla gobolka Kentucky. Waa halka lagu hayo kaydka dahabka Maraykanka, waxaana maamulka goobtaas gacanta ku haya waaxda lacagta ee Maraykanka.

Kaydkaas ayaa looga gol-leeyahay in lagu ilaaliyo dahabka iyo waxyaabaha kale ee hanti ahaan qiimaha u leh Maraykanka.

Taa marka laga yimaado, waa xarun milateri oo hawlo badan ay ka socdaan, gaar ahaan hawlaha maamulka iyo tababarrada.

Gelitaanka halka uu yaalla dahabka kaydka ah ayaa gabi ahaanba ah mid mamnuuc ah, waxaana lagu tiriyaa goobtaas mid ka mid ah goobaha aadka loo ilaaliyo amnigooda ee dunida.

Qabriga Qin Shi Huang

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Qabriga Qin Shi Huang

Qabriga Qin Shi Huang

Qabrigan waa meel taariikhi ah, wuxuuna ku yaallaa gobolka Shaanxi. Waa halka uu ku aasan yahay Qin Shi Huang, imbiradoorkii ugu horreeyey ee Shiinaha, kaasoo dalkaas xukumayey qarnigii 3aad ka hor dhalashadii nabi Ciise.

Qabriga wuxuu caan yahay ayadoo ay ku jiraan sanamyo sidii ciidan loo sameeyey iyo fardahoodii oo gawaari jiidaya, kuwaasoo lala xabaalay imbiradoorka.

Daahfurka degel-baariseed ee qabrigaas ayaa loo arkaa inuu yahay “kii ugu muhiimsanaa dunida”, kaasoo qiime weyn u leh dhaqanka iyo taariikhda Shiinaha.

Warshadda Chernobyl

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Warshadda Chernobyl

Aagga dadka ka caaggan ee Chernobyl

Aaggaas waa meel aad u sumaysan, waana dhulka ku hareereysan warshadda Nukliyeerka Chernobyl ee Ukraine.

Waxaa aaggaas la asteeyey markii mid ka mid qalabka (reactor) warshadaas uu qarxay 1986. Aaggau wuxuu ku fadhiyaa 2,600 oo KM oo isku wareeg ah, waana meel bani aadmiga mamnuuc ka ah bacdamaa heerka shucaaca kaahfalka uu yahay mid aad u sarreeya.

Laakinse mararka qaar waxaa booqda saynisyahanno, shaqaalaha nadaafadda iyo xataa dalxiiseyaal.