Maxaan kala soconnaa Cayaartoyga Soomaaliga ah ee ka cayaaraya Jarmalka

Xigashada Sawirka, Hertha Berlin
Kooxda caanka ah ee sannadkii hore ka cayaaraysay horyaalka Jarmalka ee Bundesliga, Hertha Berlin, ayaa heshiis seddex sano ah la saxiixatay cayaaryahan Soomaali ah, laakinse haysta dhalashada Sweden.
Bilaal Xuseen Maxamuud Ciid ayuu heshiiska uu kooxda ugu cayaarayo billowday, isla shalay markii la shaaciyey inuu kooxda ku soo biiray, isagoo la guddoonsiiyey funaanadda lambarka 8aad, ayadoo hseshiiska lala galayna uu socon doono ilaa 2026.
“Bilaal waa cayaaryahan farsamo ahaan hibo leh, kuna fiican kubadda, lehna mustaqbal uu horumar ku samayn karo” sidaa waxaa yiri agaasimaha cayaaraha ee kooxda Benjamin Weber.
“Waxaan quud-darraynaynaa in aan mas’uuliyadayda la wareego, waxaana diyaar u ahay in aan qaato loollanka yaalla halkan Hertha. Aniga xaggayga, waxaan hadda isku dayayaa in aan sida ugu dhaqsiyaha badan ula qabsado koox, dal iyo horyaal cusub, si aan kooxda ugu caawiyo wixii karaankayga ah” ayuu yiri cayaartoygaas reer Sweden ee labada goor u cayaaray xulka qaranka Sweden.

Xigashada Sawirka, Hertha Berlin
Talaadadii shalay ahayd ayuu soo gaaray Jarmalka, isla shalayna wuxuu maray baaritaanka caafimaad ee ay khasabka tahay cayaartoy kasta oo naadi ku biiraya inuu maro.
Wararka ay warbaahinta isboortiga ee onefootbal.com qortay waxay sheegayaan in Hertha Berlin ay cayaartoygaas 23 jirka ah kula soo wareegtay lacag dhan 675,000 oo Yuuro.
Kooxda Hertha Berlin waa kooxdii uu dhallinyaranimadiisii u soo cayaaray Kevin prince Boateng oo khadka dhexe uga cayaari jiray xulka qaranka ee Ghana. Waxay walaalo yihii Jerome Boateng oo isna u cayaarayey xulka Jarmalka.
Muddo 3 bilood ku dhow waxaa kooxdaas mar soo tababaray macallinkii xulka Jarmalka iyo xiddigii hore ee dalkaas Jurgen Klinsmann oo markii dambe ka tegey horraantii sanndkii hore.

Xigashada Sawirka, Hertha Berlin
Waa kuma Bilaal Xuseen
Bilaal Xuseen oo garoommada jarmalka ka soo muuqan doono xilli cayaareedkan ayaa ku dhashay magaalada Stockholm ee dalka Sweden 22 April, 2000, wuxuu ka cayaaraa khadka dhexe, wuxuuna u saftay koox ka dhisan duleedka magaalada caasimadda ee Stockholm oo ah kooxda Solna, isagoo kooxdaas u saftay 143 goor. Dhererkiisu waa 1.83 cm.
115 cayaarood oo cayaarahaas ka mid ah waxay ahaayeen kuwa heerka 1aad ee horyaalka Sweden ee loo yaqaanno Allsvenskan.
Cayaaraha wuxuu bilaabay isagoo 7 jir ah, wuxuuna ku biiray akadeemiyada dhallinyarada da’da yar ee AIK 2014.
Sannadkii 2018 ayuu saxiixay heshiiskiisii ugu horreeyey ee uu xirfad ahaan ugu safto kubadda cagta, maadaama sanandkaas uu qaangaaray, wuxuuna heshiiskaas la galay kooxda AIK. Heshiiskaas ayaa dhigayey inuu kooxda la jogo ilaa 2021.

Xigashada Sawirka, X (former Twitter)
Cayaartiisii ugu horreysay ee uu cayaaro isagoo cayaartoy buuxa ah ayey kooxdiisu kaga badisay IK Sirius 27 April 2018.
Cayaartii ugu horreysay ee uu u saftay xulka qaranka Sweden ayuu soo galay daqiiqaddii 68aad, iagoo beddelay Hugo Larsson, cayaar saaxiibtinimo oo ay Sweden 2-0 uga badisay Finland bishii Janaayo ee sannadkan.
Kooxda Hertha Berlin ayaa xilli cayaareedkii ugu dambeeyey hoos uga dhacday kooxaha heerka 1aad ee horyaalka Bundesliga.
Kooxaha caanka ah ee sanandkan ka cayaaraya horyaalka heerka 2aad waxaa ka mid ah Schalke, Hertha Berlin iyo Hamburg, waxaana horyaalkaas hogaaminaysa kooxda Hamburg.
Inkastoo Hertha Berlin ay horyaalka 2 Bundesliga kaga jirto kaga jirto kaalinta 14aad, misna waxay sabt idii 5-0 ku garaacday kooxda Furth oo marti ugu ahayd garoonkooda Olympiastadion.













