Mo Farah oo kaalin ka galay tartankiisii ugu dambeeyay ee orodka

Farah

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraalka sawirka, Mo Farah

Tartankii ugu dambeeyay ee Mo Farah uu kaga qeybgalo magaalada uu kasoo jeedo ee London ayaa kusoo idlaaday inuu kaalinta afaraad ka galo tartanka oroddada ee The Big Half.

Mo oo 40 jir ah ayaa hoggaanka u hayay qyebtii ugu horreysay ee tartankan ragga balse wuxuu dib u gurasho sameeyay 30 daqiiqo markii ay ka harsaneyd tartanka.

Jack Rowe ayaa kaalinta koowaad galay isagoo orday hal saac siddeed daqiiqo iyo siddeed seken, iyadoo Mo uu orday 1:02:43.

Calli Thackery ayaa iyadu ku guuleysatay dhanka haweenka iyadoo orodday 1:09:15.

Rose Harvey (1:10:02) ayaa 47 secen ka dambeysay Thackery halka Abbie Donnelly ay kaalinta saddexaad gashay 1:10:31.

Mahamed Mahamed oo in badan hoggaanka u heyn jiray tartanka ragga ayaa siddeed seken ka dambeeyay Rowe, halka Andrew Butchart (1:02:15) uu kaalinta saddexaad galay.

Mo ayaa xaqiijiyay inuu ka fadhiisna doono oroddada kaddib marka uu ka qeyb galo tartanka Great North Run oo dhacaya 10 September.

"Xoogaa dareen bay lahayd sababtoo ah toddobaadkan waan xanuunsanaa oo hargab baa igu dhacay," ayuu yiri Farah.

"Ma aanan hubin inaan ka qeybgeli doono tartanka balse waxaan ka fekerayay dhammaan dadka halkan jooga iyo inaanan heli doonin fursad kale.

"Maanta ayaan soo baxay intaan karay ayaana sameeyay balse waxna kama qaadi kartid Jack. Saddexdii sano ee lasoo dhaafay aad ayuu u tababaranayay wuuna u qalmaa guushan."

Wuxuu intaa raaciyay: "Markaad wax walba ku guuleysatid, waa inay dhammaataa. Waan kusii dhowahay."

David Weir ayaa ku guuleystay tartanka oroddada ragga ku fadhiya kuraasta dadka naafada ah, waxaana kaalmaha labaad iyo saddexaad kala galay Danny Sidbury, iyo Johnboy Smith.

Dhanka haweenkana waxaa kaalinta koowaad gashay Samantha Kinghorn waxaana xigatay Eden Rainbow-Cooper iyo Mel Woods.

Waa tartankiisii ugu dambeeyay

Farah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mo Farah ayaa muddo isu diyaarinayay inuu si “qiira leh” u “macsalaameeyo” orodka dheer ee London Marathon, halkaas oo ay ku badan yihiin taageerayaashiisa.

Orodyahanka afarta jeer ee hore ugu guulaystay orodka Olimbikada, ayaa sanadkan 2023 uu noqon doonaa kii ugu dambeeyay ee uu ordo kahor inta uusan tartammada ka fariisan.

“Ma filaayo in aan taageero la’aan ku guulaysan lahaa guulaha aan gaaray,” ayuu hore u yiri Farah.

“Waa ay wanaagsan tahay in aad dadka macsalaamaysid, waxaanan filayaa inay noqon doonto mid qiiro leh.”

Mo Farah ayey aheyd inuu ordo 2022 hasayeeshee tartankii waxa uu uga haray dhawaac aawadii.

Farah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tartanka orodka dheer ee London Marathon ayaa noqonaya markii ugu horraysay oo tartan la qabanayo muddo saddex sanadood ah kaddib xanuunkii safmarka ahaa ee Corona waxaana si toos ah looga baahinayaa BBC TV, iPlayer iyo online-ka.

Mo Farah ayaa bilooyin kahor uu dhaawac ka soo gaaray sinta waxa uu ka hor istaagay inuu ka qeybqaato tartankii la qabtay.

Farah oo haysta rikoorka orodka marathon-ka Britain ayaa markiisii afraad ka qeybgalaya London Marathon. Sanadkii 2018 ayey aheyd markii uu kaalinta saddexaad galay – isla sannadkaas oo uu ku guulaystay tartankii Chicago, kaas oo ah guusha kaliya ee orod dheer ee marathon ah ee uu haysto.

“Xirfad aad u wanaagsan ayey ii aheyd, inaan ka qeybqaato London Marathon-na waa wax aad iigu wayn,” ayuu Farah yiri.

“Marwalba waxaan dhahaa waa ay wanaagsanaan laheyd inaan maalin uun ku guulaysto tartankan, laakiin waa in howl adag laga maro.”

Orodyahankan lixda jeer ku guulaystay tartanka World Track Champion, sidoo kalana ku guulaystay tartanka Big Half London, ayaa tan iyo bishii Oktoobar 2019 waxa uu orday toddoba jeer oo keliya.