Taajirka qamadiga Ukriane ee uu ku habsaday gantaalka Ruushka

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Dagaal xooggan oo dhex maray Afghanistan iyo IIraan

    .

    Xigashada Sawirka, ,

    Ciidamada Taalibaan ee dalka Afgaanistaan iyo ciidamada ilaalada xadka Iran ee ku sugan xadka ayaa waxaa dhex maray dagaal xooggan.

    Dowladda Afgaanistaan ayaa sheegtay in mid ka mid ah saraakiisheeda lagu dilay dagaalka oo maanta oo Axad ah ka dhacay xadka u dhaxeeya gobolka Nimroz ee dalka Afghanistan iyo gobolka Hirmand ee dalka Iran.

    Waddan kastaa kan kale ayuu ku eedeeyay dhacdadaas.

    Dhowr iska horimaad ayaa ka dhacay xadka tan iyo markii dagaalyahanada Taliban ay qabsadeen Afgaanistaan sanad ka hor.

    Iran ma aqoonsana xukuumadda Taalibaan ee Kabul. Xaaladihii saxda ahaa ee iska horimaadkii u dambeeyayna ma cadda.

  2. Qaybo ka mid ah seeraha qamadiga ee dekadda Beirut oo dumay

    ,

    Xigashada Sawirka, .

    Qaybo ka mid ah seeraha qamadiga ee dekedda weyn ee Beirut, oo uu si xun u waxyeelleeyey qarixii 2020-kii halkaa ka dhacay, ayaa dumay ka dib markii uu qabsaday dab muddo dheer socday.

    Muuqaal halkaa laga soo duubay ayaa muujinaya daruur weyn oo boor ah ka dib markii ay burburtay qaybta waqooyi ee seerahaas. Wali ma cadda in ay jiraan dad wax ku noqday.

    Dabka ayaa la rumeysan yahay in uu ka dhashay badarka oo khamiiray, dadaalladii lagula dagaalamayey ayaana noqday kuwo aan waxtar lahayn.

    Qarixii weynaa ee laba sano ka hor ka dhacay dekedda Lubnaan ayaa sababay dhimashada in ka badan laba boqol oo qof iyo dhaawaca toddobo kun.

  3. Vladimir Putin: Ruushku wuxuu awoodda dhanka badda kula tartamayaa Maraykanka

    ,

    Xigashada Sawirka, ,

    Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in dalkiisu uu damacsan yahay inuu noqdo "awood weyn oo dhanka badda ah," oo la tartami doonta Maraykanka saamayn ahaan.

    Mr Putin ayaa hadalkan ka sheegay magaalada St Petersburg oo uu ka qeyb galayay dabaaldegyo lagu xusayay maalinta ciidamada badda ee Ruushka oo sanadkiiba mar la qabto. Waxa uu ka digay in waxa uu ugu yeeray "damaca Mareykanka ee ah in uu xukumo badaha" uu ka dhigan yahay mid ka mid ah khatarta ugu weyn ee Ruushka, oo ay weheliso is-ballaarinta NATO.

    Ruushka, ayaa ballan qaaday, in uu dhawaan la wareegi doono gantaalka Zircon hypersonic, kaas oo loogu talagalay in uu kaga jawaabo wax kasta oo xad gudub ku ah qaranimada iyo madaxbaanida Ruushka.

  4. Dadka ka barakacay dagaalladii ka dhacay xuduudda Itoobiya iyo Soomaaliya

  5. Taajirka qamadiga Ukriane ee uu ku habsaday gantaalka Ruushka

    Oleksiy Vadatursky

    Xigashada Sawirka, NIBULON

    Qoraalka sawirka, Oleksiy Vadatursky

    Mid kamid ah ragga ugu taajirsan Ukraine ayaa ku dhintay duqeyn xoogaan uu Ruushka ka geystay magaalada koonfurta ku taalla ee Mykolaiv.

    Oleksiy Vadatursky, 74, iyo xaaskiisa Raisa ayaa dhintay markii xaley uu gantaal ku dhacay ku dhacay gurigooda, sida ay ku warrantay warbaahintaa Ukraine.

    Mr Vadatursky wuxuu lahaa shirkad dhoofisa qamadiga oo lagu magacaabo Nibulon.

    Ninkan ayaa ku guuleystay abaalmarinta “Halyeeyga reer Ukraine”

    Duqa magaalada Mykolaiv, Oleksandr Senkevych ayaa sheegay in duqeymihii ugu xoogganaa ay ka dhaceen magaalada.

    Wuxuu intaa ku daray in duqeymaha Ruushka ay burburiyeen maqaaxi, goob kubadda lagu ciyaaro, iskuullo iyo guryo.

    Magaalada Mykolaiv waxay ku taalla waddada weyn ee aada gobolka Odesa oo ay ku taal dekedda ugu weyn Ukriane halkaas oo si joogto ah ay u duqeeyeen ciidamada Ruushka.

  6. Al-Shabaab oo ka hadashay duqeynta "Itoobiya" ee Hiiraan

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Duqeyn ayaa maanta duhurkii laga soo sheegay inta u dhexeysa Matabaan iyo Beledweyne gaar ahaan aag hoostaga deegaanka Coomaad halkaas indhawaalaba ay isku hor fadhiyeen ciidamada dowladda iyo dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab.

    Dadka deegaanka ayaa sheegay in maanta ay arkayeen diyaarado joog hoose ku duulayey.

    Al-Shabaab waxay sheegtay in diyaarad ay leeyihiin ciidamada Itoobiya in aaggaas ay gantaal ku dhufutay.

    Waxay sidoo kale sheegtay Al Shabaab in aysan jirin khasaare ka dhashay duqeyntaas.

    Ilo ku dhaw-dhaw maamulka degmada Matabaan ayaa BBC u sheegay inay jirto duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday halkaas laakiin ma aysan sheegin cidda fulisay weerarkaas.

    Itoobiya weli ma aysan sheegin in duqeyn ay ka fulisay gudaha Soomaaliya.

  7. Al-Shabaab iyo jabhadaha kale ee dagaalka ba'an kula jira dowladda Abiy Axmed

  8. Caro ka dhalatay nin madow ah oo lagu dilay Talyaaniga

    .

    Xigashada Sawirka, POLIZIA DI STATO/QUESTURA DI MACERATA

    Caro ayaa ka dhalatay nin soo galooti ah oo Afrikaan ah oo dharaar cad lagu dilay gudaha dalka Talyaaniga.

    Muuqaal ay duubeen dad goobta ku sugnaa oo aan xitaa isku dayin inay kala qabtaan ragga, ayaa muujinaya ninka soo galootiga ah ee Nigeria u dhashay oo uu madaxa dhulka ugu hayo nin caddaan ah.

    32 jir u dhashay Talyaaniga ayay booliska u qabteen falkaas, waxaana lagu eedeeyay inuu geystay dil iyo dhac.

    Muuqaalka oo si weyn ugu baahay Talyaaniga ayaa waxaa ka carooday dad badan oo tilmaamay in dadka meesha joogay looga baahnaa inay naxariis u muujiyaan qofka madow.

    Lama sheegin waxa dhaliyay in ninka caddaanka ah uu weerarro ninka madow.

    Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Alika Ogorchukwu, waxaana uu ahaa aabe dhalay laba carruur ah.

    Boqolaal kamid ah jaaliyadda Nigeria ee ku nool magaalada Civitanova Marche ayaa dhigay mudaharaad ay uga soo horjeedaan dilka ayna ku dalbanayaan cadaallad.

    Qaar kamid ah siyaasiyiinta Talyaaniga ayaa sidoo kale cambaareeyay dilka.

    Enrico Letta ooo hogaamiya xisbiga Democratic-ga ayaa sheegay inuu ka naxay falkaas, iyo damiir la’aanta dadka daawanayay dilka.

    Matteo Salvini oo lagu yaqaano afkaartiisa soogalooti diidka ah ayaa isna sheegay in falkaas uu ahaa mid aan la aqbali karin.

  9. Ruushka oo si xooggan u duqeeyay magaalo ku taalla Ukraine

    Khasaaraha ka dhashay duqeymaha uu Ruushka ka geystay magaalada Mykolaiv

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Khasaaraha ka dhashay duqeymaha uu Ruushka ka geystay magaalada Mykolaiv

    Ukraine waxay sheegtay in Ruushka uu si xooggan u duqeeyay magaalada koonfurta ku taalla ee Mykolaiv.

    Duqa magaalada ayaa sheegay in in mid kamid ah ragga ugu taajirsan Ukraine iyo xaaskiisa ayaa halkaa lagu dilay.

    Wuxuu intaa ku daray in duqeymaha Ruushka ay burburiyeen maqaaxi, goob kubadda lagu ciyaaro, iskuullo iyo guryo.

    Magaalada Mykolaiv waxay ku taalla waddada weyn ee aada gobolka Odesa oo ay ku taal dekedda ugu weyn Ukriane halkaas oo si joogto ah ay u duqeeyeen ciidamada Ruushka.

    Dhinaca kale, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ugu baaqay dadka rayidka ah inay isaga baxaan deegaanada ay gacanta ku hayaan ciidamadiisa gobolka bariga ku yaalla ee Donetsk.

  10. Al Shabaab oo dil toogasho ah ku fulisay dad lagu eedeeyay basaasnimo

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay dil toogasho ah ku fulisay lix qof oo ay ku eedeeysay inay basaas u ahaayeen sirdoonka Soomaaliya iyo Mareykanka, sida ay ku warrantay warbaahinta Al Shabaab.

    Lixdan qof ayaa lagu toogtay goob fagaare ah oo ay dadweyne ku sugnaayeen oo ku taalla tuulada Buulaay oo dhacda gobolka Baay Soomaaliya.

    Warbaahinta Al Shabaab ayaa sidoo kale ku warrantay in raggan ay basaas u ahaayeen sirdoonka Soomaaliya iyo Mareykanka isla markaana ay kaalin ka qaateen dil loo geystay saraakiil ka tirsan Al Shabaab, odeyaal iyo dad kaleba.

  11. Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo Galmudug oo ku heshiiyay iskaashi ka dhan Al Shabaab

    Kulanka labada maamul ayaa ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya

    Xigashada Sawirka, SRTV

    Qoraalka sawirka, Kulanka labada maamul ayaa ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya

    Mas’uuliyiinta dhinaca ammaanka ee Dowlad degaanka Soomaalida iyo kuwo dowlad goboleedka Galmudug oo kulan yeeshay ayaa ka wada hadlay sii xoojinta iskaashiga dhanka nabadgelyada xadka xilli Dowlad Deegaanka ay toddobaadkan wajahaysay duullaan Al Shabaab soo qaadday .

    Kulankan ayaa imaanaya xilli uu is-badal xooggan ku yimid ammaanka degaannada ku teedsan xudduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

    Beddel Xiis oo ah la taliyaha ammaanka ee Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa BBC u sheegay in iyaga Galmudug ay ku heshiiyeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab.

    Al Shabaab ayaa dhawaan weerarro ka geystay deegaanka Caato ee gobolka Bakool.

    Sidoo kale wuxuu dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo ciidamada Dowlad Deegaanka uu ka dhacay tuulada Laas-qurun oo u dhaw degmada Feer-Feer.

    Wasaaradda warfaafinta dalka Itoobiya oo Jimcihii warmurtiyeedkeeda toddobaadlaha soo saartay waxay sheegtay ku dhawaad 500 oo ka mid ah dagaallamayaasha Al-Shabaab iney toddobaadki hore xadka Itoobiya soo tallaabeen.

    Itoobiya waxay sheegtay inay dishay ku dhawaad 200 oo ka tirsan Al Shabaab.

    Al-Shabaab waxay dhankeeda sheegtay in ka badan 100 askari.

  12. Soomaalida ku nool xeebaha ee aan cunin kalluunka

    Qoraalka Muuqaalka, Magaalada Kismaayo
  13. Joe Biden oo markii labaad laga helay cudurka Covid-19

    Joe Biden

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Joe Biden

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa lagu khasbay in uu galo karantiil kadib markii labaada muddo 10 maalmood ah laga helay cudurka Covid-19.

    Farriin uu soo diray madaxweynaha wuxuu sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.

    Maamulka Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa hakiyay dhammaan booqashooyinkii u qorsheysnaa Madaxweynaha, wuxuuna maalmaha soo socda ka shaqeyn doona guriga.

    Sagaal maalmood ka hor ayay aheyd markii feyraskan laga helay, waxaana madaxweynaha lagu daweeyay dawada ka hor togta feyraska ee Paxlovid.

    Dhakhaatiirta ayaa rumeysan in Biden uu la il-darnaa xaalad naadir ah xaalad naadir ah oo dib u soo kabasha ah oo lagu arkay bukaanada qaar eek u dhacay Covid-19.

  14. Maxay salka ku hayaan dibadbaxyada ka socda Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo.

    ,

    Xigashada Sawirka, ,

    Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay mudaharaadkii ugu dambeeyay ee looga soo horjeedo ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ka socda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

    Booliiska ayaa kala eryey dad badan oo isugu soo baxay magaalada Butembo oo lagu waday in lagu aaso qaar ka mid ah labaatankii qof ee lagu dilay dibadbaxyada dhowrka maalmood ah halkaa ka socday.

    Ugu yaraan afar magaalo oo ku yaal bariga Congo, ayaa dibad baxayaashu waxay beegsadeen xarumaha Qaramada Midoobay ka dib markii ay ku eedeeyeen in ciidamada caalamiga ahi ay ka gaabiyeen in ay dadka rayidka ah ka difaacaan weerarrada kooxaha hubaysan ee kala duwan.

    Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsatay si ay u kala eryaan dadka isugu soo baxay magaalada Butembo iyadoo naxashyada dadka dhintay lagu soo bandhigay waddooyinka

  15. Taageerayaasha wadaad reer Ciraaq ah oo gudaha u galay xarunta baarlamaanka dalkaas

    ,

    Xigashada Sawirka, ,

    Taageerayaasha wadaadka awoodda badan ee Ciraaq Moqtada Al-Sadr ayaa markii labaad gudaha u galay baarlamaanka Ciraaq muddo saddex maalmood ah.

    Telefishinka ay dowladdu maamusho ee Ciraaq ayaa soo bandhigay mudaaharaadayaasha oo ku soo qulqulaya hoolka iyo waddooyinka ka dib markii kumannaan taageerayaasha wadaad kaas ah oo lulaya calanka Ciraaq ay dibadbax ka dhigeen waddooyinka magaalada Baqdaad.

    Dibadbaxayaasha ayaa ka mudaaharaadaya qorshayaasha mucaaradka ee lagu magacaabayo ra'iisul wasaare cusub. Wasaaradda caafimaadka Ciraaq ayaa sheegtay in ugu yaraan lixdan qof ay ku dhaawacmeen dibadbaxyada.

    Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ururka Mr Al-Sadr ayaa ka soo baxay doorashada waana kooxda ugu weyn ee baarlamaanka balse aan lahayn aqlabiyad. Muddo bilo ah oo ismari waa ah ka dib isaga iyo todobaatan iyo saddex xildhibaan ayaa shaqada ka tagay bishii June. Go'aankaas ayaa aqlabiyadda ku reebay kooxda isku dhafka ah ee Iran isbaheysiga la ah.

  16. Kenya ma waxay mamnuucaysaa Facebook intay doorashadu socoto?

    ,

    Xigashada Sawirka, ,

    Dowladda Kenya ayaa su’aal galisay sharcinimada hanjabaad ka soo yeertay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee dalkaas oo ku aadanayd in isticmaalka Facebook ay ka joojin doonto dalka haddii shirkaddaasi ay ku guuldarraysataso in ay ka hortagto hadallada naceybka ah ee lagu faafiyay, doorashada ka hor.

    Jimcihii, guddiga qaran ee isku xirka iyo isdhexgalka ee Kenya ayaa Facebook u qabtay toddobaad si ay u hagaajiyaan habraaceeda dhexdhexaadinta haddii kale ay wajahi doonto ganaax.

    Kooxda Global Witness ayaa hore u sheegtay in shirkadda baraha bulshada ay ansixisay in ka badan 12 xayaysiis siyaasadeed oo kor u qaadaya hadalada nacaybka iyo kicinta.

    Wasiirka Warfaafinta ee Kenya, Joe Mucheru, ayaa sheegay in dowladdu ay taageerto xorriyadda saxaafadda, wuxuuna soo jeediyay hanjabaadda ah in Facebook la joojiyo aanay sax ahayn.

  17. Dad ka qaxay dagaalladii ka dhacay deegaanka Aato ee Bakool

    Dagaalladii shalay ka dhacay deegaanka Aato ee gobolka Bakool iyo kuwii todobaadkii hore ka dhacay Yeed ayaa horseeday in dadka shacabka ah ee halkaa ku nool ay u barakacaan deegaanno ay kaga badbaadi karaan colaadda.

    Meelaha sida weyn loogu barakacay waxaa kamid ah degmada Ceelbarde.

    Kaysane Abuukar oo ah gudoomiyaha arrimaha bulshada ee Ceelbarde, ayaa BBC-da uga warramay xaaladda dadkaa ka soo qaxay dagaallada u dhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Dowlad Deegaanka Soomaalida.

    Qoraalka Codka, Dadka ka qaxay dagaalka Al Shabaab
  18. Dad ku dhintay dibadbaxyo looga soo horjeeday ciidamada UN oo ka dhacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

    Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dibadbaxyadii ugu dambeeyay ee looga soo horjeedo ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

    Booliiska ayaa kala eryay dad badan oo isugu soo baxay magaalada Butembo halkaas oo lagu waday in lagu aaso qaar ka mid ah 20 qof oo lagu dilay dibadbaxyada dhowrka maalmood ka socday halkaas.

    Ugu yaraan afar magaalo oo ku yaal bariga Congo, dibad baxayaasha ayaa bartilmaameedsaday xarumaha Qaramada Midoobay ka dib markii ay ku eedeeyeen ciidamada caalamiga ah inay ka gaabiyeen inay dadka rayidka ah ka ilaaliyaan weerarrada kooxaha hubaysan.

    Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay dadka isugu soo baxay magaalada Butembo iyadoo naxashyada dadka dhintay ay kusoo bandhigeen waddooyinka.

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

  19. Wasiirkii Caddaaladda Koonfur Galbeed oo maanta la aasay

    Magaalada Baydhabo waxaa maanta lagu aasay maydka wasiirkii caddaaladda ee maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur oo shalay qarax lagu dilay, isaga, wiilkiisii iyo darawalkiisii, wax yar uun kadib markii ay ka soo baxeen salaaddii Jimcaha.

    Wasiirro ka tirsan maamulka, madaxda gobolka iyo saraakiil ciidan ayaa ka qaybgalay aaska.