Haweenay Muslimad ah oo Maxkamad ka dalbatay in aanan lala guursan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haweeney Muslimad ah oo 28 jir ah ayaa Maxkamad u gudbisay codsi la xiriira in ninkeeda ay ka hor istaagto inuu guursado xaas kale isagoon wax ogolaansho ah ka haysan iyada, iyadoo ragga Muslimiinta ah ay guursan karaan ilaa afar xaas waase haddii uu awoodo ninku.
Reshma,oo adeegsata hal magac oo keliya, ayaa sidoo kale doonaysa in maxkamadda sare ee Delhi ay ku amarto dawladda inay dejiso shuruuc lagu maamulo guurka badan.
Sida ku cad warqadaha maxkamada, waxay guursatay Md Shoeb Khan bishii Janaayo sanadkii 2019-ka, bishii Nufeember ee isla sanadkaasna , lamaanahan waxaa qoyskooda ku soo biiray hal cunug. Reshma waxay ninkeeda ku eedaysay rabshad, naxariis darro, iyo dhibaatayn kale. Ninka ayaa dhankiisa isna u jeediyay xaaskiisa eedo kuwaa la mid ah. Waxay kaloo sheegtay inuu ka tagay iyada iyo ilmahooda oo uu qorsheynayo inuu haweenay kale guursado.
Waxay ku tilmaantay ficillada ninkeeda" kuwo aan dastuuri ahayn, shareecadana ka soo horjeeda,- qallafsan, bini'aadantinimada ka baxsan oo wuxuushnimo ah.". Waxay intaa raacisay in loo baahanyahay in dhaqankan iska guursada ah la xakameeyo si loo yareeyo dhibaatada haweenka Muslimiinta ah soo gaaraysa.
Kiiska haweenaydaan ayaa dood ka dhaliyay dalka Hindiya,iyadoo si guud guurka badan sharci darro uga yahay dalkaas marka laga reebo Muslimiinta ,Hindiya oo diintu u oggalaanayso in ninku uu guursado afar haween ah haddii uu awoodo.
Boqolkiiba 2% dadka adduunka ku nool ayaa ku dhaqma nidaamka xaasaska badan sida lagu sheegay daraasad la sameeyay 2019-kii. Dalal badan oo kuwa Muslimiinta aqlabiyadda yihiin ayaa mamnuucay xaasaska badan, halka kuwa kalena aad loo xakameeyo.
Laakiin gudaha Hindiya, arrintu siyaasad ahaan cirka ayay maraysaa oo Xisbiga Ra'iisal Wasaare Narendra Modi ee Hinduuga ee Bharatiya Janata Party (BJP) ayaa ballan qaaday inuu soo saari doono Xeer Madani ah oo micnihiisu noqon doono in guurka iyo furriinkaba aan loo adeegsan doonin sharciyada diimaha ku salaysan ee u gaarka ah bulshada, laakiin la hoos gayn doono sharciga guud oo khuseeya dhammaan muwaadiniinta.
Xilli dalka uu yahay mid si weyn u siyaasadeysan marka loo eego dhanka diinta, dib u habeyn kasta oo ay soo jeediso dowladda waxaa hubaal ah in loo qaadan doono duulaan ka dhan ah Islaamka oo ay wadaan inta badan dadyow kale.
SY Qureshi, madaxii hore ee doorashada isla markaana ah caalim diinta Islaamka ku xeel-dheer, ayaa yiri, "Aragtida guud waxay tahay in qof kasta oo muslim ah uu guursado afar xaas" iyo inay haystaan carruur badan taas oo aakhirka horseedi doonta in Muslimiintu ay ka bataan Hinduuga, laakiin taasi run maaha. Kaliya 14% dadka Hindiya 1.3 bilyan waa muslimiin halka Hinduuga ay yihiin 80% dadweynaha.
Ragga Muslimiinta ah waxa loo ogolyahay inay guursadaan ilaa afar dumar ah, sida lagu sheegay Qur'aanka kariimka ah, laakiin waxaa qur'aanku raaciyay oggolaanshahaas "shuruudo adag " kuwaas oo ay adagtahay fulintoodu.
Qur'aanku wuxuu leeyahay ninku wuxuu guursan karaa xaas labaad ama seddexaad ama afraad laakiin kaliya waa in uu si siman ula dhaqmaa dhammaantood. Balse si siman in la jeclaado waa wax aan macquul ahayn ficil ahaan. kaliya maaha in ay soo iibsadaan dhar isku mid ah, ama ay cunto isku mid ah cunnaan oo mas'uuliyaddu intaa waa ka weyntahay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka dhaleeceeya guurka badan sida Zakiya Soman oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda haweenka ayaa aaminsan in aysan jirin daruufo ku qasbaya ragga inay xaasas badan guursadaan waxaana ay soo jeedisay inay qasab tahay in la mamnuuco guurka xaasaska badan.Haweenaydaan oo aas-aase ka ah ururka Bharatiya Muslim Mahila Andolan, ayaa sheegtay in guurka badan uu yahay "wax laga xumaado - akhlaaq ahaan, bulsho ahaan iyo sharci ahaan" marka la eego sida ragga qaarkood u dhaqmayaan.
Sanadkii 2017-ka, ururkan ka shaqeeya arrimha haweenka ee magaciisa loo soo gaabiyo BMMA wuxuu sameyay ra'yi aruurin wuxuuna la kulmay 289 haween ah kuwaas oo xaasas lala qabo waxaana la waydiyay xaaladooda jireed, maskaxeed, shucuureed iyo dhaqaale. Markaa kadib waxay soo saareen warbixin ka hadlaysa 50 kiis. "Waxaan ogaanay inay ku jiraan xaalado adag oo aad u cadaalad darro ah, dhammaantoodna, waxay u ahayd waayo-aragnimo naxdin leh, qaar badana waxay ku dhacay arrimo caafimaad darro oo xagga dhimirka ah," ayay tiri Ms Soman.
Ururkaan oo markii hore u olalayn jiray ka hortagidda furiinka degdeg ah ayaa sanadkii 2019-ka codsaday maxkamadda in la mamnuuco guurka badan. Inkasta oo dumarku ka cabanayaan ragga xaasaska badan haddana sanadkaan 2022-ka ragga qaar ayaa sheegaya inay adagtahay qaadista mas'uuliyadda hal xaas maadama meelo badan oo caalamka ka mid ah ay adkaatay nolashii.
Tirakoobkii Hindiya ee 1961-kii ayaa muujinaya in guurka badan ee Muslimiinta uu ahaa 5.7%, waana kan ugu hooseeyay xilligaas dhammaan bulshooyinka kale.Tirakoobkii xigay ayaa ka aamusay arrinta oo xogtii u dambaysay ee guurka badan waxay ka timid Sahan la xiriiray Caafimaadka Qoyska Qaranka (NFHS-3) ee 2005-06 kaas oo muujinayay hoos u dhac weyn oo ku yimid tirooyinka dhammaan bulshooyinkaa diimaha kala duwan.
Dr Zohra ayaa ayaa qabta in wax badan la siyaadeyay.Dadku waxay leeyihiin Muslimiintu aad bay u qallafsan yihiin, laakiin qodobku wuxuu ku qoran yahay Kitaabka Qur'aanka ah, cid beddeli kartaana ma jirto, qoomiyado badan oo waqooyi iyo bari deggan ayaa naag badan qaba, cid u jeeddana ma jirto, markaa maxaad noo beegsanaysaan? Waa qayb ka mid ah Islaam nacaybka."
Dhammaan hadalladan ku saabsan mamnuucidda guurka badan, ayay ayay raacisay, waa weerar ka dhan ah bulshada, "faragelin lagu sameeyo sharciyadooda diimeed".











