Lamaanaha guuleystay ee guusha u horseeda qoysaska

Xigashada Sawirka, BBC/DURRAAN
Markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-dii qoysas badan oo Soomaali ah ayaa u qaxay dalal iyo qaarado kala duwan oo xilligaa dantu ku qasabtay isla markaana dalalkii ay tageen kula kulmay dhaqamo iyo nolal aaney horey u aqoon.
Kala duwanaashaha dhaqamada ayaa tiir dhexaad u ah sida la sheego burburka qoysaska Soomaalida ee qurbaha, iyadoo dhibaato bandanna ay ka soo gaarto carruurta marka hooyada iyo aabuhu kala tagaan.
Inkastoo aan si dhab ah loo baarin sababaha ka dambeeya in lammaanaha ay kala tagaan haddana dadka qaar ayaa isku daya inay sababeeyaan.
Haddaba si loo badbaadiyo guurka qoysaska Soomaalida ayaa Xasan Maxamud Aw Muuse iyo Fowsiya Maxamud Ciise oo ku nool gobolka Alberta ee dalka Canada waxa ay samayseen hay'ad ka shaqeysa hawlahaas lammaane Soomaliyeed oo ku nool dalka Kanada ayaa u istaagay inay ka hortagaan burburka qoysaska ee qurbaha.
"Waxaanu ka shaqeynaa kobcinta xasiloonida qoyska taas oo micneheedu yahay sidii xaasaska iyo qoysaska loo dejin lahaa ama loo toosin lahaa wixii mishaakilaad ah ee ay qabaan" ayuu yiri Xasan.
Dhanka kale Fowsiya oo ah xaaska Xasan ayaa sheegtay in arrintan ay ku dhalatay kaddib markii ay arkeen dhibaatooyin badan oo la xiriira qoysaska Soomaalida.
“Arrintan waxay ahayd dhibaato ku soo badanaysay bulshada Soomaalida ee qurbaha gaar ahaan Kanada oo waxaad arkeysaa dhalinyaro laba bilood ama wax ka yar is qabay oo is furaya marka arrin laga indho qarsan karo ma ahan,” ayay tiri Fowsiya.
“Waxaanu ugu talagalnay in qoysaska Soomaaliyeed, kuwa dhisan iyo kuwa hadda doonaya inay guri yagleelaan aanu kala shaqeyno arrintan si loo helo qoysas xasiloon oo hurmar gaara oo tiirar adag ku dhisma fahmana sida loogu noolaado qurbahan ay yimaadeen.”
Marka hore waxaanu sameyneyaa inaan labada qof wareysi kala gaar ah ka qaadno aanu ogaano halka ay dhibaatada ka timid ka dibna xalkeeda galno. Dhalinyarada aan weli guursaninna waxaan u sameyneynaa tababar afar toddobaad ah ka hor inta aysan guursan.”
Maxaa sababi kara burburka ama isku dhaca qoyska qurbaha?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xasan oo ay BBC weydiisay su’aashaas ayaa yiri: "Wax yaabaha ugu waaweyn ee keeni kara burburka qoyska qaabkii loo maamuli lahaa ama loo tarbiyeen lahaa ubadkii ay korinayeen, mararka qaarkoodna dhaqaalaha ama dhakhliga soo galaya qoyska sidii loo maareyn lahaa ayaa sababi kara. Waxaa kaloo ka mid ah dhalinyarada isguursatay oo guurka ku cusbayd oo aan safiicaan u garanayn dhaqankeenii iyo qaabkii mas’uuliyadda u dareemi jirnay oo markiiba soo kala boodaya.”
Rag badan oo Soomaali ah ayaa ku dooda in haweenka Soomaalida ee qurbaha ay ka awood badan yihiin kuwa Afrika ku nool.
Marka yaa dhibaatadan wada ragga mise dumarka?
Foysiya ayaa aaminsan in dhibaatada burburka qoyska aysan ahayn arrin si gaar ah loogu saarin kara dumarka ama ragga.
"Waxay ila tahay in isfaham waagaa ka dhex jira labada qof ee is qaba ay xuddun u tahay dhibaatada sababtoo ah nin walba si gaar ah wax u maamulayo ayaa eedo dusha la isku saarayaa, waxaa la oranayaa gabdhii joogtay qurbaha awood miiran ayay noqotay waa qof dhaqaale heleysa oo dowlad wax siineyso, dumarkiina waxay oranayaan ninkii howshiisii buu gabay oo aniga keligay baa carruurta la silcaya oo waxba ila qaban maayo marka aniga waxaan oran lahaa waxay dhibaatada ka taagan tahay iyada oo aan qof walbaba eegeyn mas'uuliyaddiisa iyo sidii uu uga soo bixi lahaa waana arrimaha aanu dooneyno inaan xallino oo aan ogaano sababta dhabta ah ," ayay tiri fowsiya.













