Ogow sababaha uu kaaga maqan yahay dhiigga caadada

Xigashada Sawirka, .
Maqnaanshaha caadada haweenka da'da dhalmada waxaa loo yaqaan amenorrhea. Inkastoo sababta ugu badan ay tahay uur, waxaa jira sababo badan oo ay dhici karto in caadada dib u dhacdo ama la waayo.
Guud ahaan, haweenka ku jira da'da dhalmada waxay helaan dhiigga caadadooda 28 maalmoodba mar, inkastoo ay caadi tahay inay yeeshaan wareegyo yar oo gaaban ama ka dheer, inta u dhaxaysa 24 iyo 35 maalmood.
Muddo marmar ah oo aad seegtay looma tixgalinayo dhibaato halis ah, laakiin haddii ay soo noqnoqonayso, waxa ay noqon kartaa calaamad muujinaysa dhibaato hoose.
"Waa inaad taqaannaa naftaada iyo sida uu jirkaagu u shaqeeyo si aad u ogaato marka ay wax khaldan yihiin. Haweeney kastana wuxuu jirkoodu u shaqeeyaa si aad u kala duwan, ma jiraan laba dumar ah oo isku mid ah," Dr. Amira Alkourdin Martinez oo ku takhasustay cudurrada haweenka ayaa sidaa u sheegtay BBC.
Adeegga Caafimaadka Qaranka ee UK (NHS) waxa uu ku talinayaa in aad la kulanto dhakhtarka haddii ay kaa soo dib dhacday caadadaada saddex bilood oo xiriir ah oo aanad uur lahayn, ama haddii ay caadadu istaagto ka hor da'da 45 jir.
Rugta Mayo Clinic ee dalka Maraykanka waxa ay sidoo kale ku talinaysaa in la tashi caafimaad loo sameeyo hablaha aysan ku dhicin caadadooda ugu horraysa da'da 15 jir.
Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa siddeed sababood oo caadi ah - oo aan uurka ahayn - oo ay haweeneydu la kulmi karto amenorrhea, sida ay qabaan labada hay'adood.
1. Isku buuqa
"Isku buuqa waa sababta ugu weyn iyo masiibada dhabta ah ee waqtigeenna," ayay tiri Dr. Amira Alkourdin Martinez.
Isku buuqa wuxuu kiciyaa soo saarista hormoonnada sida adrenaline, taas oo jirka gelisa feejignaan waxayna u dhaqmaan sidii habka difaaca ee xaaladaha khatarta ah.
Soo-gaarista muddada dheer ee hormoonnadan waxay carqaladayn kartaa caadada - iyadoo la dheereeyo ama la gaabiyo wareegyada, taasoo keenta in caadada aysan imaan, ama ka dhigta caadada xanuun badan.
Xaaladaha qaarkood, haweeneydu waxay yeelan kartaa inuu labo mar dhiigga ku dhaco inta lagu jiro wareegga caadiga ah ee afarta toddobaad ah.
Haddii walbahaarka uu yahay sababta xilliga ay caadada soo daahday ama aad seegtay, NHS waxay ku talinaysaa in la qaado tillaabooyin sida jimicsi joogto ah ama ku celcelinta farsamooyinka neefsashada.
Haddii tallaabooyinkani aysan waxtar lahayn, waxaa jira daawaynta dabeecadda garashada (CBT) kuwaas oo ka caawin kara shakhsiyaadka inay la qabsadaan walaaca iyo isku buuqa.
2. Miisaanka oo degdeg u dhaca
Xakamaynta adag ee kaloriyada la isticmaalo waxay ka hortagi kartaa jirka inuu soo saaro hormoonnada uu u baahan yahay ugxan-sidaha.
Qof nafaqada ku takhasusay oo diiwaangashan ayaa caawin kara bukaannada miisaankoodu hooseeyo, oo ay ku jiraan dadka waaweyn ee leh (BMI) waa cabirka jirka ee ka hooseeya 18.5.
Marka miisaan lumis ay sabab u tahay cunto xumo, sida xaaladda anorexia, caawinta dhakhtarka dhimirka ayaa badanaa lagama maarmaan ah.

Xigashada Sawirka, .
3. Cayilka xad-dhaafka ah
Miisaanka badan wuxuu keeni karaa soo saarista xad dhaafka ah ee estrogen, oo ka mid ah hormoonnada nidaamiya habka taranka haweenka.
Heerarka estrogen-ka ee kordhay waxay saameyn karaan inta jeer ee ay timaaddo caadada, mararka qaarkoodna, waxay sababtaa in caadada joogsato gebi ahaanba.
Dhakhaatiirtu waxay inta badan u gudbiyaan dumarka qaba dhiig-yarida iyo miisaanka xad-dhaafka ah qof nafaqada ku takhasusay si uu uga caawiyo inay ku soo noqdaan miisaan caafimaad qaba.
4. Jirdhisid xad-dhaaf ah
Cadaadiska jireed ee jimicsiga xooggan wuxuu sidoo kale saameyn karaa heerarka hoormoonka ee xakameynaya caadada, iyo luminta dufanka badan ee jirka waxay ka hortagi kartaa ugxansidaha.
Ciyaartoyda xirfadleyda ah, khabiirrada daawada isboortiga ayaa ku siin kara talo ku saabsan sida loo ilaaliyo waxqabadka heerka xoogga ku habboon.

Xigashada Sawirka, .
5. Xaaladda PCOS ee ugxan-sidaha ku timaadda
Burooyin ayaa mararka qaar kasoo baxa ugxan-sidaha oo ku beerma halka ay ukuntu ku sameysanto.
Haweenka xaaladdan la kulma ayaa waxaa dhacda in jirkoodu uusan ukunta sii deyn, taas beddelkeedna, dhiigga caadada ma sameysmo.
Gudaha UK, NHS ayaa ku qiyaasta in xaaladda PCOS ay saameyso tobanmii haweenba mid. Waxay sababtaa in caadada la waayo 33% kiisaska la arko.
6. Caado-go'a ama caadada oo xilli hore tagta
Uurka iyo nuujinta, waxaa soo raaca xaaladda caado-go'a ee menopause, waana mid ka mid ah sababaha dabiiciga ah ee xaaladda amenorrhea.
Marka ay soo dhawaato menopause, heerka estrogen wuxuu bilaabayaa inuu hoos u dhaco ugxantuna waxay noqotaa mid joogto ah.
Menopause waxay caadi ahaan dhacdaa inta u dhaxaysa da'da 45 iyo 55.
Si kastaba ha ahaatee, daraasaadka caafimaadku waxa ay qiyaasaan in 100kii haweenba mid ka mid ah ay la kulmaan menopause ka hor inta aanay gaarin da'da 40, xaalad loo yaqaan menopause premature ama caadada oo xilli hore tagta.
7. Kaniiniyada uurka ka hortaga
Qaar ka mid ah kaniiniyada ka hortagga uurka, cirbado iyo kuwo jirka la gashto ayaa sidoo kale keeni kara xaaladda amenorrhea.
Xataa ka dib marka la joojiyo kaniiniga afka ee ka-hortagga uurka, waxay qaadan kartaa waqti in jirku sidiisii hore kusoo laabto.
8. Xaalado kale oo caafimaad
Maqnaanshaha caadadu waxay sidoo kale ka iman kartaa xanuunnada muddada dheer sida sonkorowga ama cilladaha hormoonnada sida hyperthyroidism ama hypothyroidism.
Amenorrhea waxaa sababi kara daawooyinka qaarkood, sida dawooyinka dhimirka, kiimoterabi, dawooyinka niyad-jabka, iyo daawaynta dhiig karka iyo xasaasiyadda, sida laga soo xigtay Clinic Mayo.













