Xamaas oo ballan qaaday sii daynta la-haystayaasha balse dalbatay wax ka beddelka qorshaha xabbad-joojinta

Gaza

Xigashada Sawirka, Reuters

Xamaas ayaa ka jawaabtay soo jeedinta xabbad joojinta Maraykanka, waxaana ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay sii daayaan 10 la hayste oo Israa'iili ah oo nool iyo 18 qof oo dhintay la haystayaal si ay ugu beddelaan tiro maxaabiis falastiiniyiin ah, iyaga oo codsaday in wax laga beddelo qorshaha xabbad joojinta.

Kooxda ayaa ku celisay dalabaadkeeda xabbad-joojin joogta ah, ka bixitaanka Israa'iil ee Qaza oo dhammaystiran iyo dammaanad-qaadka sii socoshada joogtada ah ee gargaarka bini'aadantinimo. Midkoodna kuma jiro heshiiska miiska saaran.

Ma ahayn diidmo cad ama aqbalid ee shuruudaha Maraykanka, taas oo Washington ay sheegtay in Israa'iill aqbashay.

Xamaas ayaa sheegtay in ay u gudbisay jawaabteeda qabyo qoraalka Mareykanka ee uu soo jeediyay Steve Witkoff, ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u qaabilsan bariga dhexe.

Bayaan uu soo saaray, Witkoff wuxuu ku yiri: "Waxaan helay jawaabta Xamaas ee soo jeedinta Mareykanka. Gebi ahaanba waa wax aan la aqbali karin oo kaliya dib u dhac nagu keenaya. Xamaas waa in ay aqbashaa soo jeedinta qaab dhismeedka aan soo bandhignay oo saldhig u ah wadahadallada u dhow, kaas oo aan isla markiiba bilaabi karno todobaadka soo socda.

"Taasi waa sida kaliya ee aan ku xiri karno heshiis xabbad-joojin ah oo 60 maalmood ah maalmaha soo socda."

Bayaan ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu yiri: "Iyada oo Israa'iil aqbashay qoraalka Witkoff ee la cusbooneysiiyay ee lagu sii daaynayo la haystayaasheeda, Xamaas waxay sii waddaa inay u hoggaansanaato diidmadeeda."

Xamaas waxa ay dalbatay in gargaar joogto ah loo fidiyo Falastiiniyiinta ku nool dhulka go'doonsan, waxayna sheegeen inay sii dayn doonaan 10 la haystayaal oo nool iyo meydadka 18 la haystayaal ah oo dhintay, si ay u helaan "tiro la isku raacsan yahay" oo maxaabiis falastiiniyiin ah oo ku jira xabsiyada Israa'iil.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Balse Xamaas ayaa hadda gashay xaalada ugu cakiran uguna qalafsaneed ee soo wajahdo tan iyo markii uu dagaalka bilowday.

Cadaadis xoog leh oo ka imanaya 2.2 milyan oo qof oo ku nool xaaladaha ugu xun taariikhdooda iyo dhexdhexaadiyeyaasha, dhaqdhaqaaqa ma awoodo inuu aqbalo soo jeedin Maraykan ah dhamaan, marka loo eego dalabyadii hore waxa ay diidday marar badan, kii ugu dambeeyay ee bishii Maarso.

Wakhtigaas, sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ahna madaxa wada xaajoodka Khalil al-Hayya ayaa si aan leex leexad lahayn u sheegay in aysan aqbali doonin heshiisyo qaybyo ah oo ku guul daraystay in si buuxda oo joogto ah loogu joojiyo dagaalka.

Weli, Xamaas waxa ay sidoo kale isu aragtaa inaysan awoodin inay diidaan dalabkii ugu dambeeyay ee Mareykanka si toos ah, iyaga oo si buuxda uga warqaba in Israa'iil ay isku diyaarineyso inay kordhiso weerarka dhulka ee Gaza.

Dhaqdhaqaaqa ma laha awood ciidan oo uu kaga hortago ama xitaa si dhab ah isaga caabiyo weerarka.

Qorshaha Mareykanka oo dhameystiran ayaan si rasmi ah loo shaacin, lamana xaqiijin, balse qodobadan muhiimka ah ayaa la sheegay inay ka mid yihiin.Shuruudaha la soo bandhigay ayaa ahaa kuwa ay Israa'iil aqbali karto - Aqalka Cad ayaa taas hubiyay isaga oo helay ogolaanshaha Israa'iil ka hor inta aan loo gudbin soo jeedinta Xamaas.

Uma badna in ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu diyaar u yahay inuu ka xaajoodo isbeddelka ay Xamaas doonayso.

Waxaa cadaadis lagu saarayaa in la-haystayaasha la keeno guryahooda, wuxuuna sheegay inuu diyaar u yahay inuu aqbalo xabbad joojin ku meel gaar ah si uu taasi u sameeyo.

Laakiin Israa'iil ayaa had iyo jeer ku adkaysanaysa xaqa ay u leedahay in ay dib ugu laabato dagaalka, inkasta oo Xamaas ay dalbanayso dammaanad qaad ah in xabbad joojinta ku meel gaadhka ah ay noqoto waddo lagu soo afjarayo dagaalka.

Netanyahu ayaa sheegay in dagaalku uu dhammaan doono marka Xamaas ay "hubka dhigaan, oo aysan hadda ku jirin dawlad, hoggaamiyayaasheeda laga musaafuriyo marinka Gaza".

Wasiirka difaaca Israa'iil Katz ayaa si cad u sheegay todobaadkan. In Xamaas lagu qasbi doonaa inay doortaan: inay aqbalaan shuruudaha 'heshiiska Witkoff ' oo lagu sii daayo la haystayaasha - ama la baabi'iyo," ayuu yiri.

Isaga oo ka jawaabaya hadaladii ugu dambeeyay ee Witkoff, sarkaal ka tirsan Xamaas Basem Naim ayaa BBC u sheegay in kooxdu ay todobaadkii hore kula heshiiyeen soo jeedin "kaas oo uu u arkay in la aqbali karo wada xaajoodka" - laakiin jawaabta Israa'iil "waxa ay ku khilaafsan tahay dhammaan qodobbadii aan ku heshiinnay".

"Waa maxay sababta mar kasta, jawaabta Israa'iil loogu tixgeliyo jawaabta kaliya ee gorgortanka?" ayuu yiri.

"Tani waxay xad gudub ku tahay daacadnimada iyo cadaaladda dhexdhexaadinta waxayna ka dhigan tahay eex buuxda oo dhinaca kale ah."

Sabtidii, wasaaradda caafimaadka Qaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in 60 qof ay ku dhinteen 284 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha Israa'iil ee 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Taasi kuma jiraan tirooyinka isbitaallada ku yaal Waqooyiga Marinka Qaza sababta oo ah dhibka gelitaanka aagga, ayay ku dartay.

Israa'iil ayaa Qaza ka billowday olole millatari oo ay kaga jawaabayso weerarrada xudduudaha ee Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo qiyaastii 1,200 qof lagu dilay 251 kalena lagu qafaashay.

Ugu yaraan 54,381 qof ayaa lagu dilay Qaza tan iyo markaas, oo ay ku jiraan 4,117 tan iyo markii Israa'iil ay dib u billowday weerarkeeda 18-kii Maarso, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.