Dhanka wanaagsan ee tubaakada: Sidee caafimaad uga heli kartaa halkii ay ku dhibaatayn lahayd?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tubaakada waxaa la sheegay inay sanad walbo u dhintaan dad gaaraya siddeed milyan oo qof adduunka oo dhan, laakiin ka warran bal haddii loo isticmaali karo dawo ahaan.
Tubaakada waagi hore waxaa loo isticmaali jiray daawo dhireed. Laakiin hadda, oo tiknoolojiyadda injineerinka la horumariyay, tubaakadu mustaqbalka, waxay kamid noqon kartaa wax soo saarka dawooyinka ee caalamka.
Sahamiyeyaal reer Yurub ah ayaa markii ugu horreysay America ku soo saaray tubaakada, qarnigii 16aad. Dadka ayaa xiligaas u isticmaali jiray siyaabo kala duwan sida, daawaynta xanuunada madax-xanuunka, hargabka, calool xanuunka iyo nabraha jirka.
Tubaakada ayaa Yurub xiligaas ka noqotay dawo, iyadoo loo adeegsanayay cuduro badan.
Waxyaabaha aan caadiga ahayn ee qarnigii 18-aad loo adeegsanayay waxaa kamid ahaa in la siiyo dadka badaha ku qaraqma. London gudaheeda, xirmooyinka tubaakada ayaa la dhigayay aagaaga webiyada. Haddii qof ku dhaco waxaa la siin jiray tubaako. Qaaca tubaakada ayaa qofka u yeelaya firfircooni.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira cadeymo yar oo muujinaya in tubaakadu ay dawo tahay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wax ka beddelka hiddaha
Qaar badan oo ka mid ah dawooyinka casriga ah, waxaa laga sameeyaa ama laga soo saara dhirta, sida Taxol oo kale, kaas oo lagu daweeyo kansarka.
Sida unugyada recombinant ee aan isticmaalno maanta, dhirta sidoo kale waa loo beddeli karaa si looga sameeyo dawooyin, marka laga reebo in dhirtu u baahan tahay oo kaliya ciid, biyo, iyo iftiinka qorraxda si ay u koraan.
Sannadkii 2012-kii, shirkadda Medicago oo laga leeyahay dalka Canada, waxay muujisay awoodda soo saarista dawooyinka. Waxay isticmaaleen tubaakada si ay u soo saaraan in ka badan 10 milyan oo xirmooyinka tallaalka hargabka ah muddo hal bil gudaheed.
Iyadoo la tixgelinayo in aan soo saari karno 40 milyan oo qiyaasood oo tallaal ah bishiiba adduunka oo dhan, guushani waxay ahayd mid kacaan ah.
Iyadoo la tixgelinayo in la soo saari karo 40 milyan oo xirmo oo tallaal ah bishiiba adduunka oo dhan, horumarkani waxaa uu aha amid isbedel weyn dhaliyay.
Sifooyinkeeda awgeed, tubaakada waxaa loo isticmaali karaa wax soo saarka daawada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa jira dhowr tijaabo oo caafimaad oo socda oo lagu baarayo in tubaakada loo isticmaali karo daweynta cudurada sida HIV-AIDS-ka iyo xitaa cudurka fayraska Ebola.
Cuduradani waxay aad u saameeyaan wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo, tubaakada ayaana si weyn looga beeray wadamadaas.
Tubaakada xitaa waxaa loo isticmaalaa in lagu soo saaro daawoyinka difaaca ee kansarka. Waxay xoojiyaan unugyada habdhiska difaaca jirka si ay ula dagaalamaan unugyada kansarka.
Dadka sigaarka caba ee ku nool dunida ayaa lagu qiyaasay boqolkiiba 15%, kuwaas oo la sheegay inay ku noolyihiin waddamada soo koraaya.
Ragga sigaarka caba ayaa iyagu shan jibaar ka badan haweenka iyaguna caba sigaarka, waxaana la sheegay in sanad walba la sheegay inay u dhintaan dad lagu qiyaaso 8 milyan oo qof, Lix boqol oo dadkaasi kamid ah na waxaa la sheegay inay u dhintaan saameynta kasoo gaarta dadka sigaarka caba.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dawada meeraha Mars?
Waxaa wax layska weydiinayaa mustaqbalka tubaakada waxa ay tahay.
Tubaakada waxay ka bixi kartaa meel kasta oo adduunka ah, markaa maxaa u diidaya meeraha Mars? Tubaakadu waa wax aan la weyneyn, miraheedu in la uruuriyo ayaa dib loo beeraa.
Sidoo kale, waxaa laga soo saari karaa xawaashka qaaliga ah ee loo yaqaanno saffron, ama falovorka sida raspberry-ga.













