Muxuu yahay nacnaca xashiishka ee ay ku xanuunsadeen ciyaal iskuulkan?

Xigashada Sawirka, Reuters/X
In ka badan 60 ilmood oo dhigta dugsi hoose oo Jamaica ku yaalla ayaa isbitaalka la dhigay, ka dib markii ay cuneen nacnac ka samaysan xashiis, kaasoo leh midabka Qaanso-roobaadka.
Wasiirka waxbarashada ayaa barta X ee Twitter la oran jiray ku sheegtay in matag iyo wareer ay carruurta ku dhaceen.
“Waxaanku kalsoonahay in annagoo wadajirna aan adkayn doonno bedqabka iyo amniga oo aan la dagaali doonno iibka aan niyadda ku dhisnayn ee badeecad xashiish uu ku jiro carruurta lagu siinayo” ayey tiri Fayval Williams, iyadoo “nasiib darro” ku tilmaantay arrintan oo ay iska arkeen waalidka iyo dadka kale ee ay khusayso ee iskuulka Ocho Rios oo ku yaalla deegaan 80 KM u jira magaalada caasimadda ee Kingston.
Barteeda ayey dadka kula wadaagtay xirmo midabbo qurxoon leh oo nacnaca ku jirana ay ku jiraan 100 milligram o ah maaddada THC – xaddigaas oo loo arko mid aad ugu culus xataa qofka qaangaarka ah.
“Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha ayaa samaynaya wax kasta oo karaankood ah si ay u xaqiijiyaan in ardaydu ay bogsoodaan” ayey Ms Williams. Dhowr ka mid ah carruurtaas ayaa xididka irbado laga siiyey.
“Mid ka mid ah carruurtaas oo wiil yar ah wuxuu sheegay inuu cunay xabbad nacnac ah oo kaliya. Taasi waa sida badeecadaas u khatar badan tahay” ayey sii raacisay. Carruurtaas waxay da’doodu u dhaxaysay 7 – 12 jir.
Ilaa hadda ma cadda sida xashiishkaas uu ku galay gacanta carrur yaryar. Maamulaha iskuulka Ochos Rios wuxu sheegay in “qof warato ah” uu carruurta ka iibiyey nacnaca, booliskana waxay codsadeen in ciddii garanaysa qofkaas ay la soo xiriiraan.
Xirmada ay wasiiradda dadka la wadaagtay waxaa ku taalla in aan laga iibin karin carruurta yaryar.
Dhibaatada la soo deristay carruurta reer Jamaica ayaa timid todobaad ka dib markii sagaashan ilmood ay ku xanuunsadeen dalka Koofur Afrioka, markaasoo Keeg daroogo ay ku jirto uu ka iibiyey qof waddada wareejinayey.
Jamaica dambi kama aha in la haysto in yar oo xashiish ah ayadoo ujeedadu tahay in si shaqsi ah loo isticmaalo, waxaana heerka dambiyada laga saaray 2015.
Maxaan ka naqaan xashiishka?

Xigashada Sawirka, WEST YORKSHIRE POLICE
Xashiishka oo magacyada kale ee loo yaqaanno ay ka mid yihiin Cannabis iyo Marijuana ayaa leh saamayn maskaxeed iy mid jireed.
Saamayntiisa waxay bilaabataa daqiiqado ka dib marka la cabo (Qiiqiisa la dhuuqo), ama 90 daqiiqo ka dib marka la cuno.
Qofka isticmaala waxay culimada caafimaadku sheegeen in muddo gaaban uu lumiyo xusuusta, dhaqdhaqaaqa jirkiisana uu daciif noqdo, gaajo ayuuna dareemaa.
Wuxuu marxaladaas ku jiraa laba ilaa iyo lix saacadood, taasoo ku xiran hadba xaddia uu qofku isticmaalo.
Waxaa lala xiriiriyaa wadne garaac, neefta oo qofka ku cuslaata, lallabbo, iyo dabeecadda oo ka hallowda carruurta ay hooyooyinkood cabaan xashiishka xilliga ay uurka leeyihiin.
Shucuubta dunida qaar waxay xashiishka u isticmaalaan inay isku daaweeyaan, kuwana waxay u isticmaalaan caqiidooyinka ay aaminsan yihiin daraadood.













