Kansarka iyo xanuunnada halista ah ee lala xiriiriyay nadaafad darrada afka

afka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waa iska caadi in bakteeriyo ay ku jirto afkaaga, balse bakteeriyo khatar ah ayaa lala xiriiriyay dhibaatooyin badan oo caafimaad.

Saynisyahanka Glenda Davison iyo Yvonne Prince oo ku takhasustay noolaha il ma qabatada ah, oo baaritaan ku sameeyay xanuunnada afka, ayaa sharraxaya sababta ay muhiim u tahay inaad hagaajiso nadaafadda afkaaga.

Nadaafad xumada afka ma horseedi kartaa xanuun khatar ah? Sabab iyo sidee?

Bakteeriyo aan caadi ahayn oo ku dhalata afka ayaa lala xiriiriyaa xanuunnada beerka, kilyaha oo howlgab noqda, cudurrada wadnaha iyo kansar. Xanuunka afka waa albaabka bakteeriyo ku dhalata mindhicirrada iyo qeybaha kale ee jirka.

Si la mid ah mindhicirka, afka wuxuu hoy u yahay dhowr nooc oo bakteeriyo ah iyo caabuq. Waa kan labaad ee ugu weyn jirka bani’aadamka ee hoy u ah bakteeriyada marka laga soo tago caloosha.

In ka badan 700 oo noole il ma qabato ah ayaa ku nool afka. Teknolojiyadda cusub, sida daraaseynta nooca 16S ribosomal RNA, ayaa baarayaasha u suurto gelisay inay eegaan sida ay u sameysmaan.

Noolahan il ma qabatada ah ayaa laga helaa afka dhan: ilkaha, cirridka, carrabka iyo candhuufta. Guud ahaan, wax dhib ah ma laha, balse haddii xaalado kale ku yimaadaan, bakteeriyada halista ah ayaa kordhi karta. Tan ayaa sababi karta dhiig ka yimaada cirridka iyo xanuunnada afka sida gingivitis and periodontitis.

Sidee ayay dhibaatooyinka afka u horseedi karaan cudurro kale?

afka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Isbeddel ku yimaada pH-ta, heerkulka iyo oksojiinka afka ayaa la ogyahay inay sababaan in koox bakteeriyo aan caadi ahayn ay ku dhalato afka kuwaasoo caadiyan aan dhibaato sababin. Markii ay halkaas qabsadaan, ayay sabbai karaan cudur.

Tan waxay sababtaa hur iyo dhiig ka yimaada cirridka. Xanuunka cirridka ayaa burburiya cirridka wuxuuna ku faafaa lafta kaddibna dhiigga ayuu raaci karaa.

Waxay kaddib keeni karaan cudurrada sida nooca labaad ee xanuunka macaanka iyo xaalado kale.

Dhanka kale, caloosha ayaa hoy u ah ilaa 1,000 nooc oo bakteeriyo ah oo deggan mindhiciraha waaweyn waxayna door ka cayaaraan shiididda cuntada, nuugidda, hab difaaca jirka, iyo inay jirka ka ilaaliyaan suntan iyo bakteeriyada halista ah.

Bani’aamka ma noolaan karaan la’aantood. Marka haddii ay waxyeello ku timaaddo noolahan il ma qabatada ah waxaa ka dhalan karta dhibaato.

Baaritaan dhowaan la sameeyay ayaa bakteeriyadan oo aan caadi ahayn la xiriiriyay buurnida, xanuunnada wadnaha iyo xitaa cudurka asaasaqa.

Halkee ayay bakteeriyadu uga timaaddaa jirka?

afka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxay ka bilaabataa il ma qabatada nagu dhex nool, oo ah walxo yaryar oo jirkeenna ku jira oo muhiim u ah caafimaadka aadmiga.

Waxaa jira ilaa 39 trillion il ma qabato ah oo ku noo jirka bani’aadamka, waxay xitaa ka badan yihiin 30-ka trillion ee unugyada aadmiga, waxayna ku jiraan ku dhowaan xubin walba. Waxaa sidoo kale laga heli karaa mindhicirka, maqaarka, sambabbada, indhaha iyo afka.

Mid walboo ka mid ah noolahan meel u gaar ah ayuu leeyahay, waxayna soo jiitaan kuwa la qabsada aaggooda oo saldhig halkaas ka dhigta. Haddii xiriirkaas ka dhaxeeya ay waxyeello soo gaarto waxay sababi karaan xanuunno.

Inta badan il ma qabatadan waxay ka yimaadaan hooyooyinkeen waxayna galeen jirkeenna markaan dhalanno.

Minku waa meel xafidan, balse marka ilmuhu dhasho oo dunida yimaado, bakteeriyo iyo il ma qabato kale ayaa ku dhasha dhallaanka.

Markii aan korno ee aan soo weynaanno, noolahan il ma qabatada ah ayaa noqda kuwo kala duwan oo ay saameeyaan hab cuniddeenna, hab nololeedkeenna, sida aan ula falgalno xayawaanaadka iyo deegaanka.

Waa muhiim inaan joogteyno isu dheellitiriddan si aan u yareyno inay nagu dhacaan xanuunno.

Maxay dadku sameyn karaan si ay uga hortagaan khatartan?

afka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Nadaafad wanaagsan oo afka ah waxaa ka mid ah inaad joogto u booqato dhaqtarka ilkaha, inaad joogto u cadeysato, kana fogaato cunnooyinka ay ku badan yihiin sokorta iyo karbohaydareetka oo sababi kara ilkaha oo bolola.

Si loo dheellitiro bakteeriyada afka, waxaa lagu talinayaa in la badsado cunnooyinka qaniga ku ah maaddooyinka suntan ka hortaga, sida miraha iyo khudradda.

Dhaqaatiirta ilkaha ayaa ku talinaya in laga fogaado isticmaalka daawooyinka afka ee ka hortaga bakteeriyada, kuwaasoo la sheegay inay saameeyaan dheellitirka noolahan il ma qabatada ah.

Xaddi sare oo isku buuq ah iyo jimicsi la’aata ayaa lala xiriiriyay inay dhibaan dheellitirkan ila ma qabata afka ku nool.