Sonkorta marka la joojiyo maskaxda maxaa ku dhacaya?

Xigashada Sawirka, Alamy
Cuntooyinka macaan oo uu qofku badsado waxaa la ogyahay iney caafimaadka u wanaagsaneyn sida oo kalana in gabi ahaanba waxyaabaha macaan la joojiyo ay qofka ku keeni karto saameyn taban.
Waa laga yaabaa iney kaa yaabiso sababta keentay isticmaalka sokorta tobanki sano ee la soo dhaafay iney si aad ah hoos uga dhacday (Britain iyo waddamada kale ee horumaray).
Arrintan ayaa waxaa sababay dhowr arrimood oo isbiirsaday, oo ay ka mid yihiin hab noolaleedka bulshada oo isbaddashay iyo dadka oo billaabay iney cunaan cunnooyin isku dheelli tiran sonkortana ay ku yartahay, taasoo si aad ah sare u soo kaceysay 10-ki sano ee la soo dhaafay.
Maadaamaa ay dadku si weyn u fahmeen khatarta ay leedahay qofka oo sonkor badan isticmaala dhibaatada caafimaad ee ka dhalan karta dadka oo soo fahmay ay keentay hoos u dhaca ku yimid isticmaalka sonkorta badan ee waddamada horumaray.
Isticmaalka sonkorta oo la yareeyo waxay leedahay faa'idooyin caafimaad sida qofka oo miisaankiisa dhimo iyo caafimaadka ilkahiisa oo wanaagsanaado. Balse dadku mararka qaar waxay sheegaan iney la kulmaan saameyn taban markay isku dayaan iney isticmaalka sonkorta yareeyaan ama ay gabi ahaanba joojiyaan.
Dadka qaarkoodna waxay sheegaan sonkorta marka ay joojiyeen iney la kulmeen calamaado aan joogta ahayn oo ay ka mid yihiin Madax xanuun, daal ama isbeddel dabeecadaha qofka ku yimaadda. Waxyaabaha dhibaatooyinkaasi sababa ayaa hadda si khaldan loo fahmay. Waxayna astaamahaasi u badan yihiin iney la xiriiraan sida ay maskaxdu uga falceliso marka ay sonkor badan soo gaarto.

Xigashada Sawirka, Alamy
Cuntooyinka Kaarbohaydreetka laga helo waxaa laga helaa waxyaaba badan oo ay sokorta ka midka tahay, oo cuntooyinka qaarkood si dabiici ah looga helo sida khudaarta iyo qaybaha caanaha xoolaha laga helo. Halka sokorta caadiga ahna laga hela qasabka iyo bataatiga, gulukooskana laga helo malabka.
Cuntooyinka kala duwan ee la soo saaro si ay u noqdaan waxaa lagu daraa sonkor si ay u noqdaan kuwa macaan. Cuntooyinka kuwa macaanka aadka u badan leh ama sonkorta badan ay ku jirtana saameyn badan ayey maskaxdu ku leeyihiin. Saameynta muhiimka ee ay maskaxda ugeystaanna waxaa ka dhalatay dood ku saabsan in sokorta "la qabatimi karo" iyo in kale in kasta oo ay weli cilmi baadhisyo socdaan.
Sonkorta waxay kicisaa dhadhanka macaan ee afka soo mara ee maskaxda ku abuuro maaddada muhiimka ah ee loo yaqaanno dopamine. Dopamine oo ay shaqadiisu tahay inuu gudbiyo farriinta u dhaxeysa neerfaha iyo maskaxda. Saameynta wanaagsan ee Dopamine ayaa inta badan lagu arkaa maskaxda.

Xigashada Sawirka, Alamy
Khubarada caafimaadka ku xeel dheerna waxay isku raaceen cilmi-baarisyo horay loo sameeyeyna ay isku raaceen qofka oo isticmaalka sonkorta yareeyo inuu sonkorta jirkiisa ku jirtana ay wanaagsanaaneyso, dhiigga iyo dufanka jirkana heerki loo baahnaa ay ku istaagayaan.
Waxayna intaa ku darayaan qofka haddii uu sonkorta uu joojiyo inuu helayo faa'idooyin caafimaad oo ay ka mid yihiin: Tamartiisa oo sare u kacdo, Difaaciisa oo sare u kaco, Hurda fiican oo uu helo, Dheef-shiidka qofka oo wanaagsanaado, Miisaanka qofka oo hoos u dhaco iyo Guud ahaan caafimaadka qofka oo wanaagsanaado.
Balse taa kama dhigno maskaxda sokor uma baahno oo maskaxda sokor la'aanteed ma shaqeyneyso oo tamar badan ayey ka heshaa balse sokorta badan waxyeello ayey u geysataa. Hase yeeshee sonkorta wuxuu qofku ka heli karaa siyaaba kala duwan tan u wanaagsanna ay tahay tan dabiiciga ah ee khudaarta iyo caanaha iwm laga helo.
Dalka Brazil ayaa ah dalka Sonkorta ugu badan dunida soo saara, waxsoo saarka dalkaasi oo sanadka 2020-ka ahaa 37,300,000 tan halka Hindiyana ay kaalinta labaad ku jirta oo ay soo saarto 26,605,000 tan.











