Maxay tahay sababta dalalka Afrika ay u iibsanayaan drones-ka Turkiga?

Diyaaradaha Bayraktar TB2 ee Turkiga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Askari daba socda caruur iskuuleey ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dowladaha Afrika ayaa si aad ah u iibsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee Turkiga lagu farsameeyo si ay ula dagaallamaan kooxaha hubaysan, kaddib markii la ogaaday in diyaaradahan ay muhiim u yihiin colaadaha kala duwan ee adduunka, sida uu qoray falanqeeyaha lagu magacaabo Paul Melly.

Ka hor inta aysan Ukraine dalalka Reer Galbeedka siin hubka culus, waxaa jiray hal hub oo ay dowladda Kyiv u adeegsan jirtay iska difaacidda Ruushka, kaasi oo ahaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2.

Diyaaradahan ayaa markii ugu horreysay waxaa muhiimadooda iyo waxtarkooda ay soo ifbaxday dagaalkii Azerbaijan iyo Armenia, markaas oo ciidamada Azerbaijan ay adeegsadeen, isla markaana ay dib u soo ceshadeen dhul-ballaaran oo ku yaalla Nagorno-Karabakh 2020.

Laakiin, dadka jecel diyaaradda kuma koobna bariga Yurub iyo Caucasus.

Toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa la arkayay shixnad ka mid ah Bayraktar TB2 oo la geeyay dalka Togo ee galbeedka Afrika, taas oo lagu xakameynayay soo gelitaanka dagaalyahannada jihaad-doonka ah ee ka soo qulqulaya koonfurta Burkina Faso.

Halka bishii March, Niger ay heshay dhowr diyaarad oo ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn , si ay ugu adeegsato howlgalladeeda milatari ee ka dhanka ah kooxaha fallaagada ah ee gobolka Saaxil ee koonfurta saxaraha, iyo agagaarka harada Chad.

Dalalka kale ee Afrika ee diyaaradahan iibsaday waxaa ku jira Itoobiya, Moroco iyo Tunisia, halka Angola ay sidoo kale muujisay rabitaankeeda ku aaddan diyaaradahan.

Balse, goobtii ugu horreysay ee Afrika ee diyaaradahan laga adeegsado waxay ahayd Liibiya, halkaas oo dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay horraantii 2019 ay gacan ka siiyeen in ay fallaagada ka difaacaan caasimadda Tripoli.

Dalalka Afrika, gaar ahaan dalalka saboolka ah, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa fursad u siinaya in ay horumariyaan awooddooda dhanka hawada, iyada oo aysan kharash badan uga bixin sida diyaaradaha kale ee dagaalka.

Waxaa arrintaan ay soo jiidatay dalal kale sida Niger iyo Togo.

Waxaa dalalkan ay wajahayaan caqabado adag oo ah in ay xakameeyaan kooxaha mintidiinta Islaamiga ah ee howdka ku jira, isla markaana adeegsada mootooyiinka, weerarrada gaadmada ahna ku qaada ciidamada.

Haweeney, oo uu caawiyay qof qaraabo ah, afaafka hore ee hoteelka Etoile du Sud Maarso 20, 2016

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Weerarkii ugu horreeyay ee tooska ah ee Togo ee ka dhacay Sanloanga, wuxuu ahaa kii dhacay bishii November ee la soo dhaafay.

Kadib waaberigii 11-kii Maarso, xoogag ka tirsan mintidiinta ayaa weerar ku qaaday fariisimo ciidan oo ku yaalla Kpék-pakandi, oo u dhow Burkina Faso, halkaas oo ay ku dhinteen 8 askari 13 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada ayaa iska caabbin kala hortagay, waxaana ay dileen kooxihii weerarka soo qaaday. Bishii xigtay ayay dowladdu soo saartay xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay magaalada Savanes, ee gobolka waqooyi-bari ee Togo.

Laakiin, taas kuma filna inay ka celiso mujaahidiinta hadda ka howlgala aagga xudduudda oo loo maleynayo inay xiriir la leeyihiin Jamaca Nusrat al-Islam wa al-Muslimin, oo ah isbaheysiga ugu weyn ee kooxaha islaamiyiinta hubeysan ee fadhigoodu uu yahay Mali. Labo askari ayaa lagu dilay dhacdo kale bishii Luulyo.

Madaxweyne Faure Gnassingbe ayaa booqday aagga si uu u xoojiyo niyadda askarta. Laakiin, qaar ka tirsan dadka deegaanka oo ay arrintan saameyn ku yeelatay ayaa ka qaxayay tuulooyinkooda - waa dhacdo horay loogu arkay qaybaha kale ee Saaxil oo ay aafeeyeen rabshadaha xagjiriinta.

Taliskii lagu tilmaami jiray in uu kali talis yahay ee xukumayay dalkaas tobannaan sano ayaa xitaa dareemay baahida loo qabo in uu ku martiqaado xisbiyada mucaaradka wadahadallo ku saabsan horumarinta istaraatiijiyad qaran oo midaysan si loola tacaalo khatarta xagjirka.

Laakiin, ugu dambeyn, xoog militari oo toos ah ayaa door ka ciyaari doona. Taasina waa halka ay ka soo galaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, iyagoo siinaya Togo - si la mid ah Niger - oo leh awood-ilaalineed oo dhanka hawada ah si ay isugu dayaan inay ogaadaan kooxaha dagaalyahannada xagjirka ah ee laga yaabo, inay weeraraan.

Adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaan ku cusbayn gobolka Saaxil. Faransiiska iyo Mareykanka labaduba waxay ku leeyihiin Niger saldhigyo ay leeyihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka, kuwaas oo ka shaqeeya taageerada istaraatiijiyadda amniga ee dowladda.

Dalalka awoodda leh sida Itoobiya - oo ay dowladda federaalku la dagaallantay Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray - diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa ahaa aalad qiimo leh oo lagu ballaariyo guud ahaan awoodda militariga.

Laakiin, waxaa jira khataro ka dhalan kara adeegsiga diyaaradahan aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaanno.

Bishii Jannaayo, shaqaalaha gargaarka waxa ay soo tebiyeen in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku dileen in ka badan 300 oo rayid gobolka Tigray ee Itoobiya.

Militariga dalka Togo waxay qirteen dilka 7 dhallinyaro rayid ahaa oo si kama’ ah u dhacay, kaddib markii diyaarad aan la ogeyn in ay tahay kuwa aan duuliyaha lahayn iyo in kale ay weerar ku qaadday koox mintidiin ah 9-kii ilaa 10-kii bishii Luulyo.

Khatarta ka dhalan karta qaladaadkaas naxdinta leh ayaa sii kordhaya xilliyada ay kooxaha argagixisada ah dadka dhexdiisa ku milmaan.

Togo iyo Niger labadaba iskaashiga saadka ee Turkiga ayaa sidoo kale faa'iido u leh siyaasad ahaan, maaddaama ay horay ugu tiirsanaayeen Faransiiska, oo ah awooddii hore ee gumeysan jirtay.

Marka la eego aragtida Ankara waxaa sidoo kale jira waxyaabo soo-jiidasho leh, taas oo ah "Diblomaasiyadda Drone-ka" iyo iskaashiga milatari oo Turkiga u noqday qalab muhiim ah oo ku wajahan siyaasadda dibadda ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee koonfurta Sahara.

Baykar, oo ah soo-saaraha Bayraktar TB2 Drone, waxaa madax u ah labo nin oo walaalo ah - madaxa fulinta Haluk Bayraktar iyo walaalkiis Selçuk, oo ah madaxa teknoolajiyada, oo la sheegay inuu guursaday gabadha Madaxweyne Erdogan ee Sumeyye.