Muxuu yahay sawirka ka careysiiyay Turkiga ee ay baahiyeen militariga Gariiga?

Af hayeenka xisbiga AKP Ömer Çelik ayaa ku dhaleeceeyay shaqada ciidamada cirka Giriiga erayo qalafsan.

Xigashada Sawirka, Osmancan Gürdoğan/Anadolu Agency/Getty Images

Sawiro ay barta X ku baahiyeen ciidanka Cirka ee Giriiga ayaa waxaa uu dood ka dhex abuuray Turkiga iyo Gariigga.

Sawiradan ay baahiyeen ciidamada cirka ee Gariiga ayaa ahaa sawirka diyaarad militari oo nooca xamuulka ah oo dhawaan burburtay.

Ankara ayaa ka falcelisay sawirkaasi oo markii dambe laga saaray barta ay X ku leeyihiin ciidamaad cirka Gariiga.

Sawiradan oo la soo dhigay 13 November, islamarkana ahaa dhowr sawir diyaarado kala duwan ayaa waxaa ku jiray sawirka diyaaraddii xamuulka ahayd ee C-130 ee militariga Turkiga, waxaana lagu soo dul-qoray "Sawirada Maanta."

Qoraalka iyo sawirada ayaa la baahiyay saacado uun ka dib markii Meydadka 20 askari oo Turki ah oo ku dhintay shilkaas diyaaradeed oo ka dhacay xuduudka Georgia la keenay Turkiga, taasoo dhalisay falcelin ku saabsan baraha bulshada.

Falcelinta ka dib, qoraalka ayaa meesha laga saaray waxaana lagu bedelay warqad tacsi ah oo uu u diray Taliyaha Ciidamada Cirka Sareeye Guud Dimosthenis Grigoriadis dhiggiisa Turkiga, Ziya Cemal Kadioğlu.

Afhayeenka AKP Ömer Çelik ayaa ku dhaleeceeyay Ciidanka Cirka ee Giriiga qoraal uu soo dhigay akoonkiisa X 14-kii November oo manata ah.

Çelik ayaa yiri, "Waxaan cambaareyneynaa baahinta ciidamada cirka Giriiga ee sawirka diyaaradda xamuulka ah ee C130, oo diraya fariin fool xun oo ka maran dhammaan qiimaha bini'aadantinimo iyo kuwa milatari ee ku wajahan shuhadadeena."

Afhayeenku waxa uu carabka ku adkeeyay in xil ka qaadistaasi ay tahay "habkii saxda ahaa", isaga oo intaa ku daray, "Waxaan filaynaa in tallaabada lagama maarmaanka ah laga qaado kuwa daabacay fariintaas foosha xun iyo ciqaabta lagama maarmaanka ah in lagu soo rogo."

Diyaarad nooca xamuulka ah oo nooceedu yahay C-130 oo ay leeyihiin ciidamada cirka Turkiga ayaa ku burburtay xadka Georgia, kadib markii ay kasoo kacday dalka Azerbaijan 11-kii bishii November.

Wasaaradda Difaaca Qaranka ayaa shaacisay dhimashada 20 askari oo ka mid ahaa askartii saarneyd diyaaradaasi, waxayna qoraalka lagu yiri "Asxaabteena geesiyaasha ah waxay shahiideen November 11, 2025".

Meydadka askartan ayaa laga keenay Georgia, waxaana la keenay Turkiga fiidnimadii 13-kii November.

Kadib munaasabad ciidan oo loo sameeyay askartaasi 14-kii bishii November ayaa meydadka waxaa loo qaaday deegaanadii ay ka yimaadeen si loogu aaso.

Xiriirka Turkiga iyo Gariiga

Xiriirka Turkiga iyo Giriigga ayaa xumaaday dhowr goor oo hore tobanaankii sanno ee la soo dhaafay kaddib markii markii ay isku khilaafeen jasiiradda Aegean.

Waxay ku muransan yihiin goobo cayiman oo dal walba uu sheeganayo inay dhulkiisa ka tirsan yihiin.

Bartamihii 2020-kii, Turkiga iyo Giriigga ayaa meel aad u xun gaaray kadib markii ay saameysay xiisadda Bariga Badda Mediterranean-ka, halka lahaanshaha deegaanka ku yaalla aaggaas ay labada waddan ku muransan yihiin.

Xilligaas waxaa xiisadda qeyb ka ahaa dhaqdhaqaaqyo militeri. Balse xaaladda ayaa soo hagaagtay billowgii 2021-kii, kaddib markii ay arrinta soo dhex galeen Jarmalka iyo NATO.

Turkiga iyo Griigga oo ah laba dal oo ka wada tirsan gaashaanbuurta NATO ayaa marar badan horey isugu khilaafay Saliidda iyo Gaaska laga helay inta u dhaxeeysa Crete iyo Khubrus.