Trump oo Soomaaliya ku tilmaamay dal aan 'biyo, dowlad iyo milatri midna aan laheyn'

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo saacado ka hor ka hadlayay weerar ka dhacay meel u dhow Aqalka Cad ee dalkaas, oo lagu toogtay laba askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa soo hadal qaaday Soomaaliya iyo dadka Soomaalida ah ee ku nool gobolka Minnesota.
Trump ayaa ku eedeyay maamulkii Joe Biden ee isaga ka horreeyay in dalka uu u ogaaladay in ay soo galaan dad ka badan 20 milyan oo qof oo aan la aqoon sida uu hadalka u dhigay isla markaana ka kala yimid dalal aan la aqoon.
Wuxuu sheegay in arrintaas ay keentay in dalka Mareykanku uu wajahayo khatar dhanka amniga ah oo kaga imaanaysa dadkaa fursadda loo siiyay in ay yimaadaan Mareykanka.
Wuxuu intaa raaciyay in uusan jirin dal u dul qaadan kara waxyaabahan oo kale oo uu dabcan ula jeedo soo galootiga oo mar walba Trump uu si weyn uag soo horjeedo.
Madaxweyne Trump ayaa tusaale u soo qaatay mar kale Soomaalida Mareykanka gaarahaan kuwa ku nool gobolka Minesota oo u sheegay in "ay burburiyeen isla markaana halkaa ay ka gaystaan falal isugu jira dhac iyo dilal,".
Trump iyo Soomaaliya
Trump kuma uusan ekaan Soomaalida ku nool Minesota, ee wuxuu sidoo kale soo mar kale weerar afka ah ku qaaday dalka Soomaaliya, isagoo yiri: "Soomaalida Minnesota waxey ka yimaadeen dal aan dowladi ka jirin, sharci ka jirin, biyo la'aan ah, milatari laheyn oo aan waxba ka jirin,".
Dhanka kale wuxuu ku tilmaamay in Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Kongareyska Mareykanka ay tahay wakiilka Soomaalida, isla markaana u sheegto dadweynaha Mareykanka waxyaabaha ku saabsan dastuurka dalkaas.
Ma ahan markii ugu horreysay oo Trump uu weerar afka ah ku qaado Soomaalida dalkaasi ku dhaqan iyo dalka Soomaalliyaba, oo dhowr mar ayuu meelo fagaara ah iyo shirarba ku soo hadal qaaday isagoo mar walba xiriiriya Xildhibaanad Ilhaan iyo dowladnimada Soomaaliya.
Trump oo soo wada qorshe ballaaran oo qaxootiga Soomaalida saameyn doona

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maamulka Trump ayaa qorsheynaya inuu dib-u-eego dhammaan qaxootiga lagu soo qaatay gudaha Maraykanka intii lagu jiray maamulka Biden, sida lagu sheegay warqad gudaha ah oo ay heshay Associated Press Isniintii. Tani waa tallaabadii ugu dambeysay ee ka dhan ah barnaamij muddo tobannaan sano ah soo dhaweyn jiray dadka ka soo cararaya dagaal iyo dhibaato.
Dib-u-eegistan ayaa la filayaa inay keento jahawareer iyo cabsi ku saabsan ku dhowaad 200,000 qaxooti oo muddadaas la geeyay gudaha Maraykanka. Waxaa la filayaa dacwado sharci ah oo ka yimaada kooxaha u dooda xuquuqda qaxootiga, kuwaas oo qaar badan ay tallaabadan ku tilmaameen mid ka mid ah "dabeecadda khallafsan ee maamulka ee dadka isku dayaya inay nolol cusub dhistaan."
Warqadda, oo uu saxiixay agaasimaha USCIS Joseph Edlow, laguna qoray Jimcihii, ayaa sheegaysa in xilligii Biden mudnaanta siiyay "degdeg" iyo "tiro badan", halkii laga hormarin lahaa "hubin iyo baaritaan faahfaahsan." Sidaa darteed, maamulka wuxuu sheegay in loo baahday dib-u-eegis dhammaystiran iyo "dib - u-wareysi guud oo lagu sameeyo dhammaan qaxootiga la soo qaatay 20 Janaayo 2021 ilaa 20 Febraayo 2025."
Warqaddu waxay intaas ku dartay in muddo saddex bilood gudahood la diyaarin doono liiska dadka dib loo wareysan doono.
Kooxaha u dooda qaxootiga waxay sheegeen in qaxootigu caadiyan yihiin dadka ugu badan ee la baaro marka loo eego dadka kale ee Maraykanka imanaya, isla markaana ay sanado badan sugaan inta aan laga soo qaadin.
Warqaddu waxay sidoo kale si degdeg ah u hakisay oggolaanshaha kaararka cagaaran ee qaxootiga la geeyay muddadaas.
Haddii hay'addu go'aamiso in qofku uusan u qalmin in loo aqoonsado qaxooti markii hore, qofkaasi "xuquuq u ma laha rafcaan," sida lagu sheegay warqadda. Hase yeeshee haddii loo gudbiyo maxkamadda socdaalka, markaas ayuu qofku halkaas kiiskiisa uga doodi karaa. Warqaddu waxay intaas ku dartay in xitaa kuwa hore u helay kaarka cagaaran dib loo eegi doono.
"USCIS diyaar ayey u tahay inay ilaaliso sharciga oo ay hubiso in barnaamijka qaxootiga aan loo adeegsan si khaldan," ayuu qoray Edlow.













