Khilaaf aan horay loo arag oo gilgilay hay'adda amniga Israel, iyo Netanyahu oo niyad jabay

Xigashada Sawirka, MENAHEM KAHANA/AFP via Getty Images
Israa'iil waxa ay wajahaysaa mid ka mid ah khilaafaadkii ugu xoogganaa ee gudaha hoggaanka amniga sannadihii ugu dambeeyay, kaddib markii uu cirka isku sii shareeray muranka u dhexeeya Wasiirka Difaaca Yisrael Katz iyo Taliyaha Ciidamada Eyal Zamir, iyadoo khilaafku bannaanka u soo baxay oo uu gaaray heer ay isku eedeeyan waxyaabo ku saabsan dayacaad iyo faragelin siyaasadeed.
Xiisaddan ayaa ku sababtay Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, inuu si toos ah u farageliyo, iyadoo digniino laga bixiyay saameynta ay ku yeelan karto howl-galada socda ee Qasa, Lubnaan iyo Daanta Galbeed.
Shirar gaar-gaar ah ayaa dhacay, halkii ay ka ahaan lahaayeen kulammo saddex-geesood ah
Netanyahu waxaa la rabay inuu Talaadadii qabto kulan saddex-geesood ah oo uu la yeesho Katz iyo Zamir, balse Katz ayaa diiday in uu ka qayb galo fadhi wadaag ah, taasoo ku qasabtay Netanyahu inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho.
Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in ra'iisul wasaaruhu uu "go'aan ku gaaray inuu xalliyo khilaafka," isla markaana ugu baaqay labada dhinacba inay joojiyaan hadallada ay warbaahinta isu marinayaan.
Waxaa xusid mudan in waxyaabaha xiisadda kordhiyay ay ka mid ahayd, in Taliyaha guud ee ciidamada Israel, Eyal Zamir, uu khudbad ka jeediyay xuska David Ben-Gurion, taasoo uu ku yiri: "Waxaan u baahan nahay hoggaan geesinimo leh, go'aan leh, oo awood u leh inuu beddelo xaqiiqada. Hoggaan aqoonsada fashilka isla markaana ku dhiirrada inuu beddel sameeyo."
Inkasta oo xiisad ay ka dhex jirto labadan nin, Zamir iyo Katz, waxay dhowr daqiiqo kadib ka qayb galeen kulan amni oo ka dhacay xafiiska wasiirka ee xarunta Wasaaradda Difaaca, iyadoo uu kulanka qayb ka ahaa Raiisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu, madaxda Shin Bet iyo Mossad, iyo sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Bezalel Smotrich iyo masuuliyiin kale.
Wasiirka Difaaca ayaa khudbad uu Arbacadii ka jeediyay Golaha baarlamaanka ku sharaxay in isaga iyo Taliyaha Guud "ay wada shaqayn jireen, oo ay hadda wada shaqeeyaan, ayna sii wada shaqayn doonaan."
Wuxuu intaas ku daray: "Waxaa jira khilaaf gaar ah oo ku saabsan arrinta baaritaannada, waana arrin xirfadeed."
Madaxbannaanida Zamir ama faragelinta Katz?

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Khilaafku si cad ayuu u qarxay toddobaadkan kadib markii Zamir uu weeraray go'aanka Katz ee ah in la hakiyo magacaabista saraakiisha sar sare ee milatariga iyo in dib loo eego warbixinta Guddiga Turgeman ee ku saabsan khaladaadkii dhacay Oktoobar 7, 2023. Zamir wuxuu tallaabadan u arkay "faragelin siyaasadeed oo wax u dhimaysa diyaar-garowga ciidamada."
Khilaafku wuxuu billowday markii Wasiirka Difaaca Yisrael Katz uu go'aansaday inuu magacaabo mas'uul ka socda Adeegga Amniga Qaranka si uu u kormeero baaritaanka ay ciidamadu muddo bilo ah wadeen.
Ujeeddada Katz ayaa ahayd inuu hubiyo in baaritaanku noqdo mid dhammeystiran oo dhammaan kuwii mas'uulka ahaa lala xisaabtamo, oo ay ku jiraan taliyayaashii hore ee ciidanka.
Arrintan ayaa ka careysiisay Taliyaha Guud Zamir, oo u arkay faragelin siyaasadeed oo ku saabsan madaxbannaanida milatariga, kaas oo hore u baaray sababaha fashilka ka hortagga weerarka, isla markaana mar kale dib u eegis ku samaynayay guddi loo yaqaan "Turgeman."
Falanqeyaha arrimaha siyaasadda, Eli Nissan, oo la hadlay BBC Arabic, ayaa sheegay in "udub-dhexaadka khilaafka uu yahay in Katz uu dareemayo in Zamir uu u dhaqmayo si ka madax-bannaan inta uu xaqa u leeyahay, halka Zamir uu rumeysan yahay in wasiirku uu caqabadaha sii kordhaya ku saarayo shaqada ciidanka isla markaana uu ku faragelinayo go'aannada xirfadeed."
Nissan wuxuu intaa ku daray in xididdada xiisaddu ay ka bilaabatay habka go'aan-qaadashada ee la xiriira weerarkii caasimadda Qasa, halkaas oo ra'yiga siyaasiyiinta iyo Taliyaha Guud ay aad u kala duwanaayen. Wuxuu tilmaamay in dooddo kulul oo ka dhacay golaha wasiirrada waqtigaas ay reebeen "hannaan saxan" oo u dhexeeya labadan masuul.
Sida uu sheegay Nissan, tallaabada Katz uu ku oggolaaday magacaabista cusub ayaa ku kalliftay Zamir inuu soo saaro bayaan uu ku sheegay in wasiirku uu "waxyeello u geysanayo amniga dalka," taas oo ahayd hadal aan hore loo maqal taariikhda xiriirka u dhexeeya Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka.
Nissan wuxuu aaminsan yahay in warbixinta Turgeman ee toddobada bil kadib ay dhaliishay taliyeyaal dhowr ah, balse Katz uu ku dooday in warbixinta lagu daro sidoo kale taliyeyaashii hore ee ciidamada, si loo ballaariyo masuuliyadda. Wuxuu soo jeedinayaa in wasiirku laga yaabo inuu doonayo in uu mas'uuliyadda ku baahiyo dhinacyo ka baxsan hoggaanka hadda jira.
Netanyahu wuxuu u dhexeeyaa niyad jab uu ka qabo Zamir iyo caro uu u qabo Katz.
Wargeyska Yedioth Ahronoth oo soo xiganayaa masuuliyiinta dowladda ayaa sheegayay in Netanyahu uu "bilowgii aaminsanaa in magacaabista Zamir ay ahayd khalad," iyo inuu "ka niyad jabay waxqabadkiisa Qasa iyo Lubnaan."
Dhinaca kale, muusan ku qancin dhaqanka Katz, wuxuuna hore ugu jeediyey dhaliil dadban oo ku saabsan "howlaha gudaha ee la xiriira doorashooyinka."
Ma ka fiirsanayaa Netanyahu inuu shaqada ka eryo Katz?
Sida uu qoray wargeyska Israel Hayom, Netanyahu wuxuu ka fiirsanayaa isbedel xukuumadeed oo ay ku jiri karto magacaabista Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Sa'ar, inuu noqdo Wasiirka Difaaca iyo in Katz dib loogu celiyo Wasaaradda Tamarta. Wargeysku wuxuu tilmaamay in aan weli go'aan la gaarin, balse "Katz haddii uu sii wado inuu si madax-bannaan u dhaqmo, Netanyahu wuxuu qaadan karaa go'aan."
Sida lagu sheegay Israel Hayom, Katz iyo Eli Cohen markii hore waxaa loogu talagalay inay isdhaafsadaan wasaaradaha tamarta iyo arrimaha dibadda sida ku cad heshiisyada isbahaysiga, laakiin horumarka siyaasadeed ayaa beddelay miisaanka awoodda, waxaana u muuqata in "dib ugu noqoshada tamarta" ay u noqon karto ikhtiyaar Katz.
Wargeyska oo jawaabaya dhaliilaha Zamir ee ku saabsan hakinta magacaabista, Katz wuxuu yiri: "Waxaan ixtiraamayaa Taliyaha Ciidanka, laakiin wuu ogyahay inuu hoos yimaado Ra'iisul Wasaareha, Wasiirka Difaaca, iyo Dowladda Israel," isagoo intaa ku daray inuusan ka hadli doonin faylasha warbaahinta dhexdeeda, ayna sugayaan warbixinta Xisaabiyaha Milatariga ka hor inta uusan go'aanno gaarin.
"Isku dhac siyaasadeed oo loo ekeysiiyay khilaaf xirfadeed"

Xigashada Sawirka, Ma'yan Toaf/Israel GPO/Handout/Anadolu via Getty Images
Hanan Miller, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Hartmann, waxay aaminsan tahay in khilaafku ka baxayo xaddiga xirfadeed. Waxay u sheegtay BBC: "Katz wuxuu eegayaa dhinaca siyaasadda iyo tartanka ka dhex jira Likud. Wuxuu murqihiisa ku muujinayaa ciidamada, isagoo ka dhigaya mas'uul ka ahaanshaha guuldarrooyinka 7-dii Oktoobar dhanka maamulka milateriga."
Waxay intaas ku dartay in Zamir "isku dayayo inuu difaaco ciidamada iyo booskiisa xirfadeed" iyadoo ay jirto waxa ay u aragto "faragelin siyaasadeed".
Marka laga hadlayo caadooyinka Netanyahu ee ah inuu qof magacaabo ka dibna uu khilaaf la galo, Miller waxay sheegtay in tani ay tahay "wax aan cusub ahayn," iyadoo sharaxaysa in Netanyahu "magacaaba dad, ka dibna dareemo inaysan lahayn daacadnimo siyaasadeed oo buuxda." Waxay tilmaamaysaa in Zamir "u taagan yahay ciidamada, maaha Likud, taasoo dhibaysa maamulka siyaasadeed."
Miller waxay aaminsan tahay in go'aanka Katz ee ah inuu magacaabo hay'ad dibadda ah si ay u sameyso baaritaanada madax-bannaan ee ciidamada "Waxey muujinaysaa tallaabadaas isku day lagu daciifinayo Zamir blagu yareynayo saameynta maamulka milateri," isla markaana ay sidoo kale tahaymuujin cad oo ah qalalaase la u dhexeeya heerarka siyaasadeed iyo kuwa milateri.
.
Kulan dib-u-heshiisiin la'aan ah
Yedioth Ahronoth waxay tilmaamaysaa in kulankii Netanyahu ee Talaadada uusan wax horumar ah keenin isla markaana baaxadda farqiga u dhexeeya Katz iyo Zamir ay ka dhigtay in xitaa kulan wadajir ah uu suurtagal noqon waayo.
Mas'uuliyiinta Netanyahu ku dhow ayaa ka digay in khilaafku "saameynayo isku-duwidda howlgallada" dhinacyo badan.
Xal ma jiraa?
Eli Nissan wuxuu aaminsan yahay in xaku uu yahay kaliya " in mid ka mid ah labada dhinac meesha laga saaro," laakiin Netanyahu ma eryi karo Zamir kadib markii uu horey u eryay Gallant, halka u wareejinta Katz xil kale ay sii xumeyn karto dhibaatooyinka ka dhex jira Likud.
Hanan Miller, dhanka kale, waxay sheegaysaa in "xalka dhabta ah uu yahay mid siyaasadeed, ma aha mid milateri," iyadoo tixgelinaysa in "qalalaasuhu uu ka tarjumayo isku dhace hay'adeed oo ballaaran oo ka jira Israel, oo aan ku koobnayn ciidamada oo kaliya, balse gaaraya garsoorka iyo hay'adaha dowladda."













