Sidee bay ugu suurtogashay barakacayaashan inay iibsadaan boosas dhul oo ay milkiyadooda leeyihiin

- Author, Maxamuud Cabdicasiis
- Role, Weriye BBC
Inta badan marka laga hadlayo barakacayaasha waxaa la maqlaa in ay u baahan yihiin kaalmo iyo daryeel, balse sheekadan way ka duwan tahay wixii aad hore u maqli jirtay.
Qoysas barakacayaal ah ayaa bilaabay in lacag iska ururiyaan taas oo ah 'Ayuuto' ama hagbad. Lacagtaas la ururiyo ee ayuutada ah ayaa bil walba qoys loogu iibinayaa boos ku yaal duleedka degmada Afgooye.
Lacagta ayuutada ah ayaa socotay ururiskeeda in ka badan saddex sano waxaana ururiyay 100 qoys.
Barakacayaasha ayuutada wada galay oo u badan dumar ayaa loo qabtay bakhtiyaa-nasiib lagu go'aaminayo cidda marka hore heleysa boos ku yaal degmada Afgooye. 103 qoys ayaa bishii waxa uu qoys kasta bixinayay 4.5 doolar.
Booska 37 aad maanta waxaa ku guuleysatay Xaliimo Isaaq Cali oo ah hooyo haysato 7 caruur ah oo ka soo barakacday Buulo Mareer.
Hooyo Xaliimo Isaaq Cali oo BBC-da la hadashay ayaa sheegtay in markii hore fikradaan ay u aragtay wax adag.
"Fikradaan markii la ii keenay wax basiid ah ayaan u maleynaayay, markii dambe waan xisaabtamay oo waxaan aragnay in ay wax weyn noo qabaneyso, waxaan saarnay xooga, waxaan aadnaa dhar dhaqoow, guri dhaqoow, adiga bishii 4.5 ka doolar aan ku helno aan korka iska saareynay, waana dadaaleynay, ilaaheyna guul waa naga siiyay, inta dhimana in ay guuleystaan ayaan rajeynaa" ayey tiri.
Barakacyaasha markii ay arkeen in meel kasta laga saarayo markii ay muddo deganaadaan ayey go'aansasdeen in ay dhul iibsadaan.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maxamed Aweys waa horjoogaha xerada barakacaayasha oo isagana ah barakace horkacaya ururinta hagbada dhulka lagu iibinayo. Marka lacagta la aruuriyo Maxamed ayaa caag cad ku rido warqado ay ku qoran yihiin eber marka laga reebo hal uu ku qoro boos oo qofkii helo qaadan doono bishaas, booska waa hanaan ay kuwada qanacsan yihiin xubnaha oo dhan.
Maadaama bil walba uu qof helayo ayuutada si boos loogu iibiyo, waa arrin qofka aan helin uusan ka welweleyn. Faadumo Hilowle Cali waxay ka mid tahay dadka aanan wali helin nasiibkooda, waxay BBC-da u sheegtay in ay ku qanacsan tahay sida ay wax u dhaceen.
"Waxaan rabay walaashey hadda garabkeena taagneyd oo guuleysatay, wixii ay ku guuleysatay anagaba waan rabnaa, bakhtiyaa-nasiibka wali waan ku jirnaa, ma soo helin laakiin waan rajeyneynaa in aan anagana ku guuleysano inta qoys aan nahay, 37 haddii ay baxday aniga 38 in aan noqdo ayaan rajeyna" ayey tiri Faadumo oo intaas ku daratay, "Qofkii helay iyo qofkaan helin, qofkii helay nasiib uu ku helay, qofkii kalana nasiib uu rajeynooyaa".
Lacagta la aruuriyo halkii mar waa 463.5 doolar. 450 ka mid ah ayaa ah qiimaha booska, halka inta soo hartayna ay ku sameystaan dukumentiga dhulka lagu yeelanayo.
Fikradaan waxaa lahaa Maxamed Aweys oo ah horjooha xerada barakacayaasha ee ku taal duleedka Muqdisho ka dib markii goobo badan oo ay hore ay ugu noolaayeen loo sheegay in ay ka guuraan.
"Dhibaatada ugu badan waa adigoo ogeyn markii laguu yimaado oo lagu dhaho dhulkaan ka kac, booska aad ka sii kacdid, meel kale sii degtid haddana ka kac lagu dhahayo, aad ayey u dhib badan tahay…Qofka guur marka la leeyahay isteeli (Alwaax) wax uu ku gato ma la han, musbaar wax uu ku gato ma haysto, qarashka qofka u dhisaa ma haysto" ayuu yiri Maxamed oo intaas ku daray, "Ayuutadaan 3 sano iyo dheeri ayaan wadnaa, ayuutadana 8 sano iyo shan bilood waaye socoshadeeda, marka iyadoo saas ay u dheertahay kama caajiseyno hadafka aan ka lenahay ayaa ka weyn, sababtoo ah dhibaatada aan soo marnay waa ka sii weyn tahay, hadafka aan ka leenahay ayaa ka sii weyn, waxba uma arkeyno dheeraanteeda".
Maxamed Aweys ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in dadka ku nool xeradan ay ka dhexeeyaan waxyaabo badan.
"Iskaashiga dadkaan u dhaxeeyo kuma koobno lacagta ay u aruursanayaan dhulka balse sidoo kale waxey noo sheegeen in ay caawiyaan ama lacag u aruuriyaan hadba qofkii ay ka liidato, sidoo kale waxey dadaal u galeen sidey waxbarasho ugu heli lahaayeen caruurtooda waxey noo sheegeen in in ka badan 250 arday ay u dhigtaan waxbarasho, taasi waxey ku tusineysaa in dadkani ay dadaal ugu jiraan sidey u dhisi laahaayeen mustaqbalka caruurtooda".

Maalmo yar ka dib Xaliimo waxaa lagu wareejiyay dukumantiga booskeeda iyadoo ay saaxibadeed garab taagan yihiin, waa tilaabo wanaagsan oo xaliimo iyo qoysaska ku shirkoobay ayuutada ay u qaadeen sidii ay xal ugu heli lahaayeen dhibaantada ka haysatada hooy la'aanta ah.
Dadka la socday arrimaha ay wadaan qoysaskan ayaa sheegay in tani ay muujineyso in haddii dadku midobaan, iskuna kalsoonaadaan in waxooda yari ay wax wax weyn ku qabsan karaan.













