Eritrea oo sheegtay in baddeeda iyo madax-banaanideeda aysan gorgortan ka geli doonin

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dawladda Eritrea ayaa ku eedaysay Itoobiya in ay isku dayayso inay wiiqdo himilooyinkeedii muddada dheer ee ku saabsan balaarinta marin-biyoodka iyadoo adeegsanaysa sheeko diblomaasiyadeed oo cusub, kaddib markii Eritrea si joogto ah u diidday dadaallada Itoobiya ee ku aaddan inay hesho marin toos ah oo Badda Cas ah.
War-saxaafadeed faahfaahsan oo adag oo ay soo saartay Waaxda Cilmi-baarista iyo Macluumaadka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa lagu sheegay in ololaha Itoobiya ee ah "marin-badeed oo gobannimo u leh" uu yahay isku day loogu talagalay in lagu qariyo ujeeddooyin juqraafi-siyaasadeed salka ku haya baahi goboleed.
Sidaas darteed, "Inkasta oo Addis Ababa ay isku dayayso inay muujiyaan sheegashadeeda in ay ku salaysan tahay arrimo dhaqaale iyo amni, haddana ajandaha dhabta ahi isma beddelin," ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea waxay sheegtay in doodaha ka socda gudaha Itoobiya iyo kuwa ka jira goobaha gobolka ay ka tarjumayaan "sheeko ah qalalaase qoto dheer," taas oo ay ku eedaysay aqoonyahannada Itoobiya inay isku dayayaan in ay himilada qaranka u soo bandhigaan sidii baahi istaraatiiji ah oo lama huraan ah.
Bayaanku wuxuu ku eedeeyay maamulka Itoobiya inay iska indho-tirayaan shuruucda iyo heshiisyada jira ee haga xiriirka dalalka deriska ah, isla markaana ay si tartiib tartiib ah u beddelayaan qaabka dhulka xuduudaha ama ay ku dagaalamayaan sidii ay u heli lahaayeen marin badeed yar oo madax-bannaan.
Waxa kale oo uu xasuusiyay in isku-xirka bulsho iyo dhaqan aanu beddeli karin madax-bannaanida qaran, kana dhiidhiyay ajandaha Itoobiya ee ku saabsan "arrinta Canfar," isagoo ku tilmaamay "aqoonsi been abuur ah oo loogu talagalay in lagu barakiciyo dhulka mideysan ee Eritrea."
"Ka faa'iidaysiga aqoonsiga qowmiyadeed ee Canfarta ee labada dhinac ee xadka siyaasad ahaan waa arrin dadka sharafta leh ee Canfrata ka dhigaysa aalad lagu ciyaaro juqraafi-siyaasadda.
"Canfarta-ta reer Eritrea ma aha ciyaartooy lagu dhaqaajiyo shaxda badda, mana jiraan xiriirro qowmiyadeed oo meesha ka saaraya ixtiraamka xuduudaha caalamiga ah," ayaa lagu yiri bayaanka.
Labadii sano ee la soo dhaafay, wasiirro kala duwan, taliyayaal ciidan, safiirro iyo siyaasiyiin—iyaga oo uu hormuud u yahay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed—ayaa jeediyey hadallo kala duwan balse isku mowqif ah oo ku saabsan lahaanshaha dekedda.
Waxay ku doodayaan in arrinta Badda Cas dib loo soo celiyo, iyaga oo sheegaya in Eritrea qalad ka gashay maamulidda dekedaha markii ay madaxbannaanida qaadatay.
Hadalladan ayaa muujinaya in Itoobiya ay ka tallawday ka faa'iidaysi, una gudubtay sheegashada lahaansho, xitaa ilaa diyaarisay ciidan badeed.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
War-saxaafadeedka ka soo baxay Eritrea wuxuu xusuusiyay sharciga caalamiga ah ee oggolaanaya dalalka aan badda lahayn sida Itoobiya inay helaan marin dekedo ku yaal dalalka deriska ah, laakiin tan waxaa lagu hirgelin doonaa wadahadal iyo heshiis dhex mara labada dal.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu adkeeyay in xuquuqahan aysan siinaynin madaxbannaani ama xakame joogto ah oo ku saabsan xeebta dal kale.
"Mabaadi'da midnimada dhuleed waa kuwo aan laga gorgortami karin," ayaa lagu yiri bayaan, iyadoo la raaciyay in isku day kasta oo lagu fasirayo ama lagu qalloocinayo mabaadi'daasi uu noqon doono xadgudub toos ah oo ku saabsan madaxbannaanideeda.
Sida ku xusan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda (UNCLOS), dalalka aan badda lahayn waxay xaq u leeyihiin inay isticmaalaan badda. Si kastaba ha ahaatee, xaqaasi waxaa lagu fuliyaa oo keliya heshiisyo lala galo dalalka leh lahaanshaha badahaas iyo marrinada.
Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Eritrea wuxuu sidoo kale iftiimiyay qaar ka mid ah fasiraadaha taariikhiga ah ee Itoobiya isticmaasho si ay u xaqiijiso dalabaadkeeda.
Waxay tusaale u soo qaadatay joogitaanka militari ee Eritrea muddo 18 sano ah oo ku sugan dhulka Eritrea iyada oo jabinaysa go'aankii 2002 ee Guddiga Xuduudaha Eritrea-Itoobiya iyo sharciga caalamiga ah, laakiin xaqiiqadan waxaa laga indhatiray sheekadan ayuu qoray.
Ka sokow doodaha sharci iyo taariikhi, Eritrea waxay ka walwalsan tahay in dowladda Itoobiya ay isku dayayso in ay gobolka ka dhigto meel arrimaheeda gaarka ah mudnaan u leh, iyadoo lagu sheegay wax aan la aqbali aqbali karin oo la diidi karo in danaha badda lagu soo bandhigo qayb ka mid ah ajendaha weyn ee isku xirka Geeska Afrika.
"Isku xirka lama dhisi karo iyadoo lagu xadgudbayo madaxbannaanida," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka, iyadoo lagu digayo in sheekooyinkaas ay khatar gelin doonaan gobolka, oo horeyba ugu jiray amni-darro, iyo dhibaatooyin dhaqaale iyo siyaasadeed, halis kale oo xasilooni-darro ahna loo horseedi karo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr. Gideon Timothy wuxuu sheegay in dalkiisa ay ka go'an dhiirrigelinta nabadda, xasiloonida iyo iskaashiga gobolka.
Wasiirku wuxuu sheegay in Itoobiya ay leedahay aragti ku saabsan isku xirka













