Daraasad: Haddaad tahay fannaan caan ah cimri degdeg ayaad halis ugu jirtaa

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Harry Sekulich
- Role, BBC News
Caannimada ayaa soo gaabin karta sanado badan oo ka mid ah nolosha fannaanka si la mid ah cabidda sigaarka mararka qaar, sida ay xustay daraasad cusub, kadib markii la is barbardhigay xog laga soo qaaday fannaaniinta caanka ah iyo dadla aan aadka loo aqoon.
Xiddignimadu waxay nolosha soo gaabin kartaa 4.6 sano, sida lagu sheegay baaritaan lagu daabacay Joornaalka Journal of Epidemiology & Community Health.
Booqashada, bandhigyada, iyo munaasabadaha kale ee hab-nololeedkooda ka tirsan ayaa la ogaaday inay soo gaabiso cimriga fannaaniinta.
Si kastaba, falanqeyn cusub ayaa markii ugu horreysay muujineysa xiriirka tooska ah ee u dhaxeeya caannimada iyo geerida.
Cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Witten Herdecke oo fadhigeedu yahay Witten, Jarmalka, ayaa baaray xogta 648 fannaaniin ah, kuwaas oo kala bar loo yaqaanno inay caan yihiin, bar kalena aysan caan ahayn. Kuwaas waxaa ka mid ahaa fannaaniin.
Xiddigaha caanka ah ayaa laga soo dhex doortay 2,000 ee ugu Sarreeya Waqti Kasta, liiskaas oo uu soo ururiyay mareegaha darajada sare leh ee Music Acclaimed. Waxay kala yihiin Beatles, Bob Dylan, iyo Rolling Stones, David Bowie, iyo Bruce Springstein waxay soo koobeen shanta magac ee ugu sarreeya ee la aqoonsan yahay.
Aqoonyahannadu waxay isku beegeen heesaa kasta oo caan ah iyo mid aan caan ahayn, oo la isku lammaaniyay iyadoo lagu salaynayo sifooyinkooda sida jinsiga, dhalashada, iyo nooca muusigga.
Waxay ogaadeen in fannaaniinta caanka ah ay da'doodu celcelis ahaan 75 jir ahaayeen halka fannaaniinta aan caanka ahayn ay noolaayeen 79 jir.
"Khatarta dhimashada ee korortay ee la xiriirta caannimada waxay la mid tahay khataraha kale ee caafimaadka ee caanka ah sida sigaar-cabista," sida ay xuseen qorayaashu.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Marka caannimada laga saaro inay tahay arrin khatar ah, daraasaddu waxay muujinaysaa in gaaridda xiddignimadu ay noqon karto "mid sabab weyn u ah" oo ay ka dhalato halis caafimaad oo weyn.
Iyagoo aan sir lahayn, baarista xooggan ee dadweynaha, iyo cadaadiska waxqabadku waa dhammaan arrimaha gacan ka geysta cimri degdeggooda, in kasta oo daraasaddu xustay in aanay si dhammaystiran xiriir ula lahayn.
"Cannimadu waa arrin muhiim ah oo saameynaysa cimriga dheer waxayna hoosta ka xarriiqaysaa baahida loo qabo in lasoo farageliyo si loo yareeyo saameynta xun ee cimriga."
Daraasaddu si kastaba ha ahaatee, ma dheellitirna dhanka jinsiga, iyadoo 83.5% lab ay ahaayeen halka ay ilaa 16.5% dumar yihiin.
"Dhaqso u noolow, u dhimo aoo da'yar" qaabnololeedyadu waxay ahaayeen diiradda cilmi-baaris hore oo lagu sameeyay khatarta dhimashada ee la xiriirta caannimada, oo ay ku jiraan fursad weyn oo ah daroogada iyo khamriga.
Xiddigaha caanka ah ee da'doodu u dhaxayso laba ilaa 25 jir ayaa la ogaaday in ay laba ilaa saddex jeer uga dhowyihiin in ay la soo dersaan khataraha dhimashada marka la barbardhigo dadka guud ahaan, daraasad ku salaysan Maraykanka oo la sameeyay 2007 ayaa sidaa lagu sheegay.
Waxaa la tixraacay Naadiga 27, oo ka kooban xiddigo caan ah oo ku dhintay da'da 27, oo ay ku jiraan Amy Winehouse, Jimi Hendrix, Janis Joplin, Jim Morrison, Kurt Cobain, iyo Brian Jones.
Sannadkii 2011-kii, daraasad lagu daabacay Jariidadda Caafimaadka Ingiriiska ayaa lagu sheegay inaysan jirin khatar sare oo dhimasho ah oo ay wajahayaan fannaaniinta caanka ah ee da'doodu tahay 27 jir, taas beddelkeedana in xiddigaha raabka da'da yar ay wajahayaan "khatar guud ahaan korortay cimrigooda 20-meeyada iyo 30-meeyada".
Sanadihii la soo dhaafay, taageerayaasha iyo qaraabadooda waxay murugo ka qaadeen dhimashada fanaaniinta da'da yar ee caanka ah sida rapper-kii Mac Miller (26), DJ Avicii (28), iyo One Direction Liam Payne (31).













