Calooshood u shaqeystayaasha Ruushka oo dalka Mali ka gaystay falal argagax leh, oo xitaa hilibka dadka ayaa la cunay

Mali waxaa ka dhacay dhacdooyin argagax leh

Digniin: Sheekadaan waxaa ku jira dhacdooyin naxdin leh oo ku saabsan jirdil iyo rabshado laga yaabo in ay xanuujiyaan aqristayaasha.

Ganacsade ayaa u sheegay BBC-da in calooshood-u-shaqeystayaal Ruush u dhashay oo la dagaallama jihaadiyiinta Mali ay si sahlan ugu dileen laba nin hortiisa, dabadeedna ay ku hanjabeen inay faraha ka jari doonaan oo sidoo kale dili doonaan.

Kani waa mid ka mid ah markhaatiyo dhowr ah oo BBC-du la hadashay kuwaas oo muujinaya farsamooyinka ay adeegsadaan dagaalyahannada Ruushku iyaga oo wado olole ka-hortag kacdoon ah oo aad u naxariis-daran oo ka dhan ah mintidiinta Islaamiga ah ee dalka Galbeedka Afrika — habab ay si weyn u cambaareeyeen kooxaha xuquuqda aadanaha.

Militariga Mali xukuma ayaa awoodda la wareegay Mali 2021-kii, waxayna ku amreen ciidamadii Faransiiska inay baxaan ka dib markii ay ku eedeeyeen inay ku guuldareysteen joojinta kacdoonnada jihaadiyiinta.

Dowladdu Militarigu hoggaamiyo ayaa u jan-jeersatay dhinaca Ruushka, waxayna adeegsadeen kooxda calooshood-u-shaqeystayaasha ee Wagner, oo waqtigaas xiriir la lahaa Kremlin-ka.

Wagner markaas ayay dalka isaga baxeen hawlgalladiina waxaa la wareegay Africa Corps, oo hoos taga wasaaradda difaaca Ruushka.

Qaar ka mid ah askartii Wagner ayaa ku faafiyay xad-gudubyada ay gaysanayaan barta Telegram, ilaa laga xiray bartamihii sanadkan, sida lagu sheegay warbixin uu bishii hore soo saaray Golaha Yurub ee Arrimaha Dibadda.

Waxay "si joogto ah ula wadaagi jireen dadka sawirro iyo muuqaallo muujinaya dil, kufsi, jirdil, cunista hilibka dadka iyo kufsiga maydadka, oo lagu sameynayo kooxo la sheegay inay yihiin fallaagoyin ama rayid," sida warbixintu sheegtay.

Bishii Juun, wargeyska Africa Report ayaa sheegay inuu "si qarsoodi ah u baaray" kanaal Telegram oo la shaqeeya Wagner, halkaas oo uu ka helay 322 muuqaal iyo 647 sawir oo muujinaya xadgudubyo, oo ay ku jiraan madax la jaray iyo indho dad laga bixiyey, iyo qoraallo "cunsuriyad muujinaya".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dukaanle aan la hadalnay wuxuu ka cararay Mali, waxaana uu hadda ku nool yahay xero-qaxooti oo ku taalla xadka Mauritania. Waxaan ugu magac darnay Axmed, waxaana bedelnay magacyada dhammaan dadka dhibbanayaasha ah ee sheekadan ku jira amnigooda dartii.

Wuxuu u sheegay BBC-da in dhibaatadiisu billaabatay markii dagaalyahannada Wagner ay ku soo xirmeen dukaan weyn oo uu maamulayay oo ku yaalla magaalada bartamaha ku taalla ee Nampala bishii Agoosto 2024-kii.

In kasta oo ay ahaayeen macaamiil joogto ah, haddana dagaalyahannada Wagner waxay doonayeen inay qabtaan maamulihiisa, iyaga oo ku eedeeyay inuu la shaqeynayay kooxaha jihaadiyiinta ah ah ee gobolka, ayuu yiri Axmed.

"Waxay igu qaadeen baabuur, wayna igu dhex jiideen, kadibna gacmahay ayay iga xireen," ayuu ku daray hadalkiisa.

"Askari Wagner ah ayaa mindi dul-saaray farahayga, wuxuuna i weydiiyay: 'Xagee joogaa mulkiilaha dukaanka?' Waxaan u sheegay inuu ku sugan yahay Bamako [caasimadda], balse wuxuu i siiyay: 'Jawaab khaldan'."

Axmed wuxuu sheegay in ragga Wagner oo adeegsanayay turjumaan ay markaas geeyeen saldhig milatari oo aad loo adkeeyay oo Mali ku dhex yaalla , halkaas oo hangar ay ku hayeen.

"Aniga iyo saddex ka mid ah Wagner ayaan ku jirnay hangarka. Waxay buuxiyeen haan biyo ah, waxayna igu amreen inaan dharka iska bixiyo. Anigoo sidaas sameeyay ayay madaxa biyaha ii galiyeen ilaa aan ku sigtay inaan neefsan waayo oo aan dhacay. Kadib lugahooda ayay laabta iga saareen anigoo si dhib ah u neefsanaya.

"Markaas ayay mar kale madaxa biyihii ii galiyeen, waxayna i weydiiyeen mar labaad milkiilaha dukaanka xaggee ayuu joogaa. Waxaan u sheegay inuu Bamako joogo," ayuu yiri Axmed, isaga oo intaas ku daray in jirdilku saddex jeer soo noqday, jawaabtuna ay mar kasta isku mid ahayd.

Kadib rafaadkan, Axmed wuxuu sheegay in lagu tuuray musqul yar, halkaas oo ay ku jireen dad kale oo deegaanka ah oo uu yaqaanay — oo uu ku jiro Xuseen, kaas oo si xun loo garaacay oo markiiba uu garan waayay.

"Qiyaastii 40 daqiiqo kadib, waxay keeneen Cumar [qof kale oo uu garanayo]. Isagana si xun ayaa loo jirdilay. Habeenkaas musqul baan ku seexannay, subaxdiina rooti iyo qaxwo ah ayay noo keeneen," ayuu yiri Axmed.

Wuxuu sheegay in dib loogu celiyay hangarka, halkaas oo dagaalyahannada Ruushku madax iyo wejiba baabaco kaga xireen.

"Ma arki karin. Ma hadli karin. Ma maqli karin. Mindi ayay dhuunta iga saareen, waxayna turjumaanka ku yiraahdeen: u sheeg in tani ay tahay fursaddiisii ugu dambeysay. Haddii uusan runta sheegin, madaxyada ayaan ka jari doonaan. Waxaan turjumaanka u sheegay inaan u sheegay dhammaan wixii aan ogaa."

Axmed wuxuu sheegay in dadkii su'aalaha weydiinayay ee Ruushiyaanka ahaa ay ka qaadeen bacdii oo ay ku tuureen jiko halkaas oo uu habeenkii la joogay laba qof oo mid ka mid ah uu ka soo jeeday qowmiyadda Tuareg oo u sheegay in la xiray isagoo lo'diisa la jooga iyo nin Carab ah oo sheegay in la qabtay isagoo raadinaya geel.

Geel

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Bulshooyinka reer guuraaga ah ee Tuareg iyo Carabta ee ku baahsan lamadegaanka ballaaran ee woqooyiga Mali ayaa inta badan laga shakiyaa, gaar ahaan tan iyo intii kacdoonkii gooni-u-goosadka Tuareg ee in ka badan toban sano ka hor la leexsaday oo ay afduubteen kooxo mitidiin ah, kuwaas oo hadda ku shaqeeya magaca faraca al-Qaacida ee Jama'at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM).

Ka dib markii uu habeen la qaatay, Axmed labadii nin ee lala xiray ee xoolo dhaqatada ahaa wuxuu sheegay in mar kale lagu wada celiyay hoolkii weynaa.

"Waxay keeneen labada nin [Tuaregaha iyo Carabka] oo waxay ku gowraceen hortayda," ayuu Axmed yiri.

Isagoo cabsi wajigiisa ka muuqato, una muuqda qof ilmo isku celinaya, ayuu Axmed u sheegay BBC-da wixii xigay.

"Mid ka mid ah meydadka ayay igu soo dhoweeyeen si urta dhiigga ii soo gaarto, waxayna yiraahdeen: 'Haddii aadan noo sheegin halka uu ku sugan yahay mulkiilaha dukaanka, adigana wax la mid ah tan ayaa lagugu samayn doonaa.'"

Axmed wuxuu sheegay in noloshiisa la badbaadiyey kaddib markii taliyaha Wagner uu la hadlay sarkaal ka tirsan ciidanka Mali, kaasoo u xaqiijiyay in milkiilaha dukaanku uusan la shaqayn mitidiinta.

Axmed ayaa sheegay in taliyuhu markaas u socday saldhigga si uu u sii daayo isaga, dukaanle kale, iyo Umar.

"Waxaan halkaas ku sugnaa 15 maalmood. Markaas ayaan go'aansaday inaan u tahriibo Mauritania aniga iyo xaaskayga iyo carruurteyda," ayuu Axmed yiri.

BBC-da waxay la xiriirtay wasaaradaha difaaca ee Ruushka iyo Mali si ay arrintaan wax uga waydiiso , balse weli kama aysan jawaabin.

Kooxda The Sentry, oo ay si wada jir ah u aasaaseen jilaaga George Clooney iyo sarkaalkii hore ee dowladda Mareykanka John Prendergast, ayaa warbixin ay soo saareen bishii Agoosto ku sheegay in dagaalyahannada Wagner aysan kaliya geysan xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, balse ay sidoo kale abuurtay "fowdo iyo cabsi" gudaha hoggaanka militariga Mali, taasoo ku qasabtay taliyayaasha inay aamusaan.

Waxay soo xigteen mas'uul Malian ah oo sheegay in hawl-wadeenada Wagner ay yihiin kuwo " ka xun Faransiiska. Waxay u malaynayaan in askartayda ay nacsiin yihiin."

Iyagoo ku dhawaaqay in hawlgalkoodii "la fuliyay" inkastoo amniga wadanku sii xumaaday, Wagner waxay bishii Juun ee sanadkan ku dhawaaqday inay Mali ka baxday, iyadoo falanqeeyayaashu ay sheegeen in inta badan dagaalyahanadooda lagu biiriyay Africa Corps.

Machadka Timbuktu ee fadhigiisu yahay Senegal ayaa sheegay in qiyaastii 70 ilaa 80% dagaalyahannada Africa Corps ay hore uga tirsanaayeen Wagner.

"Dhab ahaantii, Africa Corps waxay ka dhaxashay Wagner ku-xadgudubyada xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan dilal sharci-darro ah iyo jirdil," ayuu machadku ku yiri warbixin la sii daayay bishii Luulyo.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda kormeerka rabshadaha Acled waxay sheegtay in xogaha hordhaca ahi muujinayaan in hab-dhaqanka Africa Corps uu yahay "mid yara dabacsan" marka loo eego Wagner.

"Tirada dhacdooyinka ay ku lug leeyihiin ee dilalka ula kac ah oo shacabka lagu beegsado ama xasuuqyo ballaaran ayaa sida muuqata hoos dhacay," ayuu BBC-da u sheegay Héni Nsaibia, oo ah falanqeeye sare oo Acled ka tirsan oo ku takhasusay Galbeedka Afrika.

Dagaalka ayaa ku qasbay ku dhowaad 50,000 oo qof inay u cararaan xerada qaxootiga ee M'berra ee Mauritania, sida ay sheegtay hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay.

Waxa ka mid ah dadkaas Bintu, oo u sheegtay BBC-da inay sanadkii hore ka carartay tuuladeedii iyadoo wadatay shan carruur ah kadib markii maydkii ninkeeda oo rasaas lala dhacay laguna tuuray webi. Dadka deegaanka ayaa u sheegay in ninkeeda la toogtay isagoo faraskiisa saaran.

"Yaa daryeeli doona carruurtayda? Yaa aniga ii daryeeli doona?" ayay tiri iyadoo nadiifinaysa dhul yar oo ku ag yaal gurigeeda ku meelgaarka ah ee xerada.

"Markaan maqlo magaca Wagner, waan argagaxaa. Waan baqaa. Waxaan necbahay erayga Wagner maxaa yeelay waxay i badeen murugo."

Isagoo xiran dhar buluug iyo madow ah iyo cimaamad cad, qaxooti kale oo la yiraahdo Yuusuf ayaa fadhiyay hooska teendho, indhihiisana waxaa ka muuqday dhaawac nafsiyeedkii uu soo maray, markii ay BBC-du la kulantay.

Wuxuu xusuustay in isaga iyo saaxiibbadiis ay geel daajinayeen meel ku dhow xadka Mauritania, ayna ku hakadeen ceel biyo nadiif ah lahaa, markaas ay arkeen daruur boor ah oo meel fog ka soo kacaysa.

Yuusuf wuxuu sheegay in gaari xawaare ku socda uu u soo dhowaaday, waxaana ka soo baxay dagaalyahanno Wagner ah oo bilaabay inay garaacaan iyaga iyagoo aan sabab sheegin – arrin ay qaxooti badan oo kale u sheegeen BBC-da.

Yuusuf wuxuu xusuustay in mid ka mid ah dagaalyahannada Wagner uu " qabtay oo uu hanjabay inuu iga tuuri doono ceelka", laakiin mid kale ayaa soo farageliyay oo ka hor istaagay.

Wuxuu sheegay in isaga iyo saaxiibbadiis la kala saaray gaadiid kala duwan, mid kastana waxaa saarnaa saddex dagaalyahan oo Wagner ah.

"Intii ay i wadeen, waxay igu garaacayeen mar kasta, laad, kabahooda wejiga iyo madaxa ayay iga garaacayen, isla markaana xabadka ayay iga tumeen. Ma aqaan waxa ku dhacay geelleenii."

Mauritania waxay noqotay meel ammaan ah oo ay miciin bidaan dadka ka cararaya colaadaha Mali

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Axmed, oo hore u ahaa dukaanle, ayaa sheegay in ka hor intii uusan isagu la kulmin jirdilkii xanuunka badnaa, ee Wagner u geysanayeen ay sidoo kale kooxdu xadgudubyo baaxad leh, ka gaysteen magaalada Nampala iyo tuulooyinka ku hareeraysan oo xitaa ay geliyeen go'doon.

Wuxuu sheegay inuu ka mid ahaa dadka deegaanka ee la iskugu keenay garoon kubbadeed, iyagoo calooshooda u shaqeystayaashu ay ku dadaalayeen inay aqoonsadaan qof ay ku eedeeyeen inuu isticmaalayay taleefanka satelaytka.

"Waxay waceen Sikou Cissey. Wuxuu ahaa nin aan waxba galabsan oo xiran koofiyad dhaqameed. Dharkiina way ka bixiyeen, waxayna biyo ka buuxiyeen Haan , lugahana way ka qabteen. Markaas bay madaxa u gelinayeen ilaa uu neefsan waayay," ayuu yiri Axmed.

Isagoo sheegay in askarta Mali ay daawanayeen, dagaalyahannada Wagner ayaa markaa la soo baxay baangado ay dadka ku cabsi geliyaan, iyagoo u muujinaya inay qodayaan qubuuro ay ku aasan doonaan haddii aysan sheegin qofka ay ku eedeeyeen inuu isticmaalayay taleefanka satelaytka.

Wuxuu sheegay in dadka la sii daayay kaddib markii ay maalintii oo dhan taagnaayeen banaan xilli qorrax kulul ay jirtay .

Axmed wuxuu sheegay inuu doonayo in dagaalyahannada Wagner la hor keeno cadaaladda oo lagula xisaabtamo xadgudubyada ay gaysteen.

"Xanuunkaas weli waan dareemayaa. Habeenkii riyooyin fool-xun bay igu sababeen," ayuu yiri isagoo xirnaa dhar madow shakina ka muujinaya inuu dib ugu laaban doono noloshiisii caadiga ahayd ee dukaanka.

Mali