Dhegeyso: Maxay Soomaaliya ugu soo bateen dilalka gabdhaha yaryar?

Qoraalka Codka, QM ayaa sheegtay inay kordheen tacaddiyada lagula kaco haweenka iyo gabdhaha
Dhegeyso: Maxay Soomaaliya ugu soo bateen dilalka gabdhaha yaryar?
Tacaddiyada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qiyaastii 10kii daqiiqaba, meel dunida ka mid ah, qof dumar ah ama gabadh ayaa waxaa dila qof ay garanayso - lammaane, nin ama xubin qoyskeeda ka tirsan, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saareen xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan dambiyada iyo daroogada (UNODC) iyo UN Women.

Taasi waa in la dilo 137 qof maalin kasta, sida ay warbixintu sheegtay, dhammaan qaybaha adduunkana ayay saamaysay.

Sannadkii 2024-kii, ilaa 50,000 oo haween iyo gabdho ah ayaa waxaa dilay qof aad u dhow ama xubno qoysaskooda ka tirsan, ayay tiri warbixintu. Dilalkan ayaa ka dhigan 60% dhammaan dilalka ula kaca ah ee haweenka iyo gabdhaha adduunka oo dhan loo geysto.

Warbixinta - oo la sii daayay si loogu xuso maalinta caalamiga ah ee ciribtirka xadgudubyada ka dhanka ah haweenka, 25-ka November - ayaa iftiimisay xaqiiqo naxdin leh, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay: in gurigu uu yahay meesha ugu badan ee lagu dilo haweenka.

Dilalka guryaha ka dhaca oo afka qalaad lagu yiraahdo Femicides sidoo kale waxaa lagu sameeyaa meel ka baxsan guriga, laakiin cadadka xogta kuwaas ayaa weli xaddidan, ayay tiri.

"Dilalka guryaha ka dhaca meel goonni ah kama dhacaan. Waxay inta badan ka billowdaan rabshado isdaba joog ah oo ka bilaaban kara xakamaynta dabeecadaha, hanjabaadaha iyo dhibaataynta oo ay ku jiraan internet-ka," Sarah Hendriks, oo ah agaasimaha qaybta siyaasadda haweenka ee Qaramada Midoobay ayaa sidaa tiri.

Gaalkacyo

Xigashada Sawirka, SACIID NADAARA

Qoraalka sawirka, Bannaanbax ayaa ka dhacay Gaalkacyo, Puntland kadib markii gabadh yar ay dishay haweeney ay qaraabo yihiin oo ay la nooleyd

Dhanka kale, iyadoo lagu gudo jiro toddobaadka ka hortagga tacdiyada ku saleysan jinsiga, ayaa haddana waxaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay Soomaaliya xad-gudubayada ka dhanka ah haweenka.

Tacaddiyadii ugu dambeeyay ayaa ahaa, sida muuqata kuwo lagu beegsanayay gabdhaha yaryarka ah oo qaarkood aan qaan gaarin.

Arrimahaan ayaa waxaa walaac ka muujiyay bulshada iyo hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha gaar ahaan kuwa dumarka taageera.

Haddaba, maxaa sabab u ah dhacdooyinkaan soo batay? waxaanu weydiinnaay Caasha Geelle Diiriye oo muddo dheer ka shaqeynaysay arrimaha bulshada gaar ahaan dumarka iyo carruurta.

Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysiga Caasha: