Min 'Malaa'ig' ilaa iyo 'Bahal': Madaxa hay'ad bani'aadannimo oo haween qaxooti ah galmo weydiistay si uu cunto u siiyo

- Author, Fundanur Ozturk
- Role, BBC News Turkish
- Author, Kawoon Khamoosh
- Role, BBC World Service
Haweenka Suuriya ee u baahan gargaarka, markii hore Sadettin Karagoz wuxuu u ekaa "malaa'ig" xagga sare laga soo diray. In badan oo ka mid ah bulshadiisa, waxa loo yaqaan "Awoowga qaxootiga".
Balse baaritaan ay waday laanta Turkiga ee BBC oo socday muddo sanad ah ayaa lagu ogaaday eedeymo sheegaya in milkiilaha hay'adda samafalka Turkiga uu xuddun u yahay fadeexad galmo oo saameysay qaar ka mid ah haweenka ugu nugul caasimadda Turkiga ee Ankara. Dhammaan eedeymahaas wuu diiday.
Xaafadda Altindag waxaa loo yaqaannaa Xalab yar, waxaana loogu magac daray magaalada Suuriya ku taalla, sababtoo ah kumanaan qaxooti ah oo ka yimid waddanka ayaa ku nool. Waa halka uu Mr Karagoz ka aasaasay hay'ad samafal sannadkii 2014-kii.
Turkiga waxaa ku nool mid ka mid ah qaxootiga ugu badan adduunka iyo hay'adaha la midka ah, tiisana waxay noqon kartaa halbowle, gaar ahaan haweenka, maadaama qaar badan aysan shaqeyn.
Mid ka mid ah waa Madiina*. Waxay ka soo carartay dagaalka sokeeye ee Suuriya 2016-kii, markaasoo dagaalku uu qabsaday gurigeeda Xalab.
Waxay sheegtay in laba sano ka dib, mid ka mid ah saddexdeeda carruur ah uu aad ugu bukooday ninkeediina uu ka tagay. Markii halkaa looga dhaqaaqay si ay kaligeed ugu daryeesho carruurta gudaha Ankara, waxay sheegtay in ay aad ugu baahnayd gargaar.
Qof kastaa wuxuu u tilmaamay ururka Sadettin Karagoz, Umut Hayir Magazasi ama Bakhaarka Khayriga ah ee rajada. Waxay ururisaa deeqaha, sida xafaayadda, baasto, saliid, caano iyo dhar, waxayna u qaybisaa qaxootiga.

"Wuxuu igu yiri: 'Albaabkaygu waa kuu furan yahay," ayay tiri Madiina. Waxay xasuusataa in Mr Karagoz uu ku daray: "Markaad haysan meel aad tagto, ii kaalay waan ku ilaalin doonaa".
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Laakiin markii ay la soo xiriirtay, Madiina waxay tiri wuu beddelay. Waxay sheegtay inay dareentay inuu dumarka dukaanka ku taabto fasax la'aan iyo inuu iyadana taabtay. Booqashadeedii ugu dambeysay ee ay ku tagto hay'adda samafalka, waxay sheegtay in arrimuhu ay sii xumaadeen.
Waxay sharaxday sida uu Mr Karagoz ugu sheegay inay aaddo aag ka tirsan xafiiska oo daah gadaashiisa ah si ay sahay uga hesho.
"Wuxuu i qabtay oo ii sheegay inuu i jecel yahay," ayay tiri. "Wuxuu bilaabay inuu i dhunkado... Waxaan bilaabay inaan qayliyo, waxaan u sheegay inuu iga fogaado, haddaanan qeylin, wuxuu isku dayi lahaa inuu i kufsado" ayey tiri.
Madiina waxa ay sharaxday in ay u suurtagashay in ay ka baxsato dhismaha oo ay u sheegtay Mr Karagoz in ay ku dacwaynayso booliiska.
Balse waxa ay sheegtay in uu isku dayay in uu ku qanciyo in ay "u timaado" maalin maalmaha ka mid ah ayuu aaday gurigeeda, isagoo aad ugu garaacay albaabka, una sheegay in ay ka furto.
"Wuxuu yiri waxyaalo naxdin leh," ayay tiri. "Albaabka kama furin sababtoo ah waan argagaxay," ayay raacisay, iyadoo ilmada ceshanaysa, sharraxaysana inuu ugu hanjabay in dib loogu celin doono Suuriya.
Madiino oo ka cabsatay dhibka soo gaaray ayaa sheegtay in aysan waligeed u tegin booliiska oo aysan cid kale u sheegin waxa dhacay.

Mr Karagoz oo ah shaqaale bangi oo shaqada ka fadhiistay, ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana uu BBC-da u sheegay in ururkiisu uu caawiyay in ka badan 37,000 oo qof oo u badan qaxooti. Waxa uu sheegay in goobta gargaarka lagu qeybinayo ee hay'adda samafalka ay tahay mid aad u yar oo ay dadku ku badan yihiin, isla markaana ay kala socdaan Kaamirada CCTV, sidaa darteedna uusan kaligiis la joogi karin qof dumar ah.
Sanado badan, hay'adda samafal oo uu ka tirsan yahay waxa ay heshay aqoonsi ballaaran oo uu ku mutaystay abaal-marin uu siiyey wargeys ka soo baxa dalka sannadkii 2020-ka, waxana uu ka baxay TV-ga qaranka, waxana uu sheegay in uu taageero ka helay ururro heer qaran iyo heer caalami ah.
Isku soo wada duuboo, saddex dumar ah oo ay ku jirto Madiina ayaa BBC-da u sheegay in Mr Karagoz uu fara-xumeeyay oo uu dhibaateeyay. Toddobo qof oo kale, oo ay ku jiraan laba qof oo hore uga tirsanaan jiray hay'ad samafal, ayaa sheegay inay markhaati ka ahaayeen, ama ay maqleen marag-furka gacantiisa koowaad, inuu ku kacay falal xadgudubyo galmo ah intii u dhaxaysay 2016 iyo 2024.
"Waxaa jiray qol yar oo ka dambeeya miiskiisa halkaas oo aan dhignay xirmooyinka gargaarka," ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalihii hore. "Waxaan la qabsanay inaan aragno isagoo dumarka ku dhibaya qolkaas."
Sida ay sheegtay gabar 27 jir qaxooti Suuriyaan ah oo lagu magacaabo Nada*, markii Mr Karagoz uu marka ugu horraysa ee uu u soo bandhigay in uu caawiyo "waxa ay u muuqatay in uu yahay malag soo degaya".
Laakiin waxay sheegtay in markii ugu horreysay ee ay booqato ururkiisa, uu u sheegay in uu gargaar siin doono haddii ay guri madhan la tagto. "Ma sii dheeraan doono, kaliya waxay qaadan doontaa 10 daqiiqo... Haddii aadan yeelin, waxba ku siin maayo," Nada ayaa tiri Mr Karagoz ayaa u sheegay.
Waxay la joogtay dumaashideed waxayna sheegtay inay ka soo carareen.

Nada ayaa ka warantay sidii ay ula noolayd ninkeeda iyo caruurteeda guri aan qalabaysnayn oo ku yaala Ankara oo aan agab lahayn, sida talaajad. Iyada oo ka quusatay inay caawiso masruufka qoyskooda, waxay sharaxday inay garan wayday meel kale oo ay u leexato, sidaa awgeed waxay ku noqotay dukaankii.
Nada waxay sheegtay in Mr Karagoz uu mar geeyey meel daaha gadaasheeda ah si uu wiilkeeda xafaayada ugu soo qaado. "Hal gacan buu xafaayada ku haystay, gacanta kalena waa xor, wuxuu isku dayay inuu naasahayga taabto," ayay tiri.
Waxay ka sheekaynaysaa sida uu Mr Karagoz ugu sheegay: "Ha welwelin, tani waa caadi" ayuu yiri
Marka xigta ee ay dib u laabato, waxa ay tidhaahdaa "Gadaal ayuu ka yimid oo gacanta ayuu i qabsaday...waxa uu igu qasbay in aan xubintiisa taranka taabto...waxa uu la mid ahaa bahal i weeraray".
"Jidhkayga oo dhan wuu gariiray... waan ooyay," ayay tiri. "Wuxuu igu yiri: Is deji, tani waa caadi, waana dhaqsiyo " Laakiin waxay sheegtay inay ka tagtay oo waxay uga digtay dumarka kale ee dibadda jooga inaysan gelin dukaanka.
Taasi waxay ahayd markii ugu dambeysay ee Nada ay sheegto inay u tagtay Sadettin Karagoz si uu u caawiyo.
Iyada oo ka cabsanaysa ceebaynta xadgudubka galmada iyo cabsida in lagu eedeeyo, Nada waxay sheegtay in aanay dareemayn in ay cidna u sheegi karto waxa dhacay - xitaa ninkeeda.

Haweeneyda saddexaad ee BBC-da u sheegtay in Mr Karagoz uu ku xadgudbay waa Batul, oo tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyey u guurtay Jarmalka.
Waxay ahayd hooyo keligeed ah oo haysatay saddex carruur ah, iyaduna waxay sheegtay inay u tagtay isaga si uu u caawiyo. "Markii aan u leexday si aan u soo qaato gargaarka, gacmihiisa ayuu dhabarka iga saaray," ayay tiri
"Waan xanaaqay, waan u carooday... waan riixay. Kaalmadii ayaan ka tagay, waxaana ka soo baxay dukaanka" ayey tiri.
Waxay rajaynaysaa in si cad u hadlo ay caawin doonto "dumar badan oo la kulma wixii aan soo maray".
Markhaatiyadani maaha kuwii ugu horreeyay ee ka soo horjeeda Mr Karagoz. Saraakiisha bilayska ayaa su'aalo waydiiyay ugu yaraan laba jeer oo hore.
Marka loo eego dukumentiyada sharciga ah, sanadkii 2019 naag ayaa ku eedeysay faraxumeyn iyo weerar. Laakiin dacwad oogaha Turkiga ayaa go'aansaday in aan la hayn cadeymo ku filan oo lagu dacweyn karo.
Sannadkii 2022-kii, hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa dhowr waraysi oo qarsoodi ah qaadday kaddib markii lagu wargeliyay eedeymaha ka dhanka ah Mr Karagoz. Sannadkii 2025-kiina booliisku waxay weerareen dukaankiisa, waxay hakiyeen shaqadiisa, waxayna su'aalo ka weydiiyeen eedeymo cusub oo xadgudub galmo ah.
Qareenada Mr Karagoz ayaa nala wadaagay warbixin ka soo baxday xafiiska dacwad oogaha oo la soo saaray bishii June ee sanadkan, waxayna muujiyeen in go'aan lagu gaaray inaan dacwad lagu soo oogin sababo la xiriira cadeymo la'aan.
Qaramada Midoobay iyo booliiskuba waxay sheegeen inay eedaymahan si dhab ah u qaadanayaan balse aanay awoodin inay tallaabo dheeraad ah qaadaan, sababtoo ah dhibanayaasha iyo markhaatiyaasha midkoodna diyaar uma aha inay u soo baxaan oo sheegtaan cabasho rasmi ah.
Haweenka qaar ayaa noo sheegay inaysan dareemayn inay ammaan tahay in la markhaati furo maadaama ay ka cabsi qabaan inay u horseedi karto in la dhibaateeyo ama la masaafuriyo.

Eedeymahaas waxaan u gudbinay Mr Karagoz – wuu diiday dhammaan eedeymaha wuxuuna ku andacooday in haddii ay run yihiin dumar badan ay soo bixi lahaayeen. "Saddex qof, shan qof, 10 qof ayaa ka caban kara. Arrimahan oo kale way dhacaan," ayuu yiri. "Haddii aad dhahdo 100, 200 [ayaa i dacweysay], hagaag, markaa waxaad rumaysan kartaa inaan runtii sameeyay waxyaalahaas."
Waxa kale oo uu sheegay in uu qabo xanuunka macaanka iyo dhiig karka, waxaanu na tusay warbixin caafimaad oo ay ku qoran tahay tafaasiisha qaliin lagu sameeyay sanadkii 2016-kii oo lagaga saaray xiniinyaha bidix – waxa uu sheegay in taasi la macno tahay in aanu awood u lahayn inuu sameeyo wax galmo ah.
Waxaan weydiinay borofisar ku takhasusay cudurrada kaadi mareenka, isla markaana ku takhasusay caafimaadka galmada ragga oo ka tirsan Jaamacadda Istanbul, Ates Kadioglu, haddii nidaamka Mr Karagoz uu maray ay saameynan yeelan karto. Wuxuu noo sheegay in marka hal xiniin laga saaro "heerka testosterone wuxuu ahaanayaa 90% taasina waa sababta aysan saameyn ugu yeelan nolosha jinsiga".
Waxaan tan hor dhignay Mr Karagoz oo ku adkaystay in fal galmo ah "aanu aniga ii suuro gal ahayn".
Waxaan sidoo kale hor dhignay isaga in faraxumaynta galmada uu dhiirigelin karo rabitaanka awoodda iyo koontaroolka, halkii ay ka ahaan lahayd rabitaanka galmada. Waxa uu ku jawaabay oo uu yii: "Aniga shakhsi ahaan ma qabo dareen noocaas ah.
Waxa kaliya ee aanu samaynay waxay ahayd camal wanaagsan, tanina waa waxa aan helnay taa beddelkeeda, laakiin yeeli mayno in nalagu jabiyo hadalka saddex ama shan qof.
Mr Karagoz waxa uu sheegay in haweenka ku eedeeyey in uu hore u weeraray ay falkaas u sameeyeen kadib markii uu booliska ku dacweeyay in ay iibinayeen daroogo ama ay ku lug lahaayeen falal kale oo sharci darro ah, waxa kale oo uu sheegay in eedaymo been abuur ah oo la mid ah kuwaas, horena loogu soo jeediyay ay dacwad oogayaashu meesha ka saareen.
Dhammaan haweenkii aan la hadalnay waxay beeniyeen in iyaga ama qaraabadooda ay ku lug lahaayeen fal-dambiyeed, BBC-dana ma aysan arag wax caddeyn ah oo muujinaya inay falkaas geysteen.
Bishii Maarso ee sanadkan Mr Karagoz waxa uu u bedelay magaca ururkiisa Bir Evim Asevi Dernegi - Ururka Cuntada Gurigayga - wuxuuna si rasmi ah uga diiwaan gashaday hay'ad samafal ah, taasoo ah wax uusan horay u sameyn.
Madina waxay u guurtay guri cusub, waxayna beddeshay taleefankeedii, laakiin waxay sheegtay inay wali ku aragto Mr Karagoz riyooyinkeeda. "Rag ma aamini karo... Waxaan noqday mid fog, niyad-jabsan, waxaan rabay inaan dhinto," ayay tiri. "Carruurtaydu waxay ahaayeen waxa kaliya ee i sii waday."
Waxa ay sheegtay in ay dadaalkeeda xoogga saartay sidii ay u badbaadin lahayd nafta wiilkeeda, balse uu dhintay isaga oo 7 jir ah.
Hadda, kadib 10 sano oo ay ku sugneyd Turkiga, qoyskeeda ayaa la siiyay ogolaansho in dib u dejin loogu sameeyo waddan kale. In kasta oo ay ku faraxsan tahay fursadda ay ku bilaabi karto nolol cusub, haddana waxay ka welwelsan tahay haweenka kale.
"Weli waxaan leeyahay saaxiibo u taga isaga si uu u caawiyo... aad buu saamayn u leeyahay, xitaa haddii aan ka cabanno, yaa na dhegaysan doona? Yaa dan ka leh xaaladdayada?"
*Magacyada Madina iyo Nada waa la beddelay si loo ilaaliyo haybtooda.













