"Maqaarkaygu wuu diirmay: Haween Afrikaan ah oo lagu khasbay inay soo saaraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka."

Muuqaal isugu jira calanka Suudaanta Koonfureed iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

Xigashada Sawirka, Getty Images / BBC

Maalintii ugu horraysay ee shaqada ayay gabadhan lagu magacaabo Adau ogaatay in ay qalad weyn samaysay.

"Waxaa na la siiyay dharka shaqada, annagoo xitaa garanayn waxa aan dhab ahaantii qaban doonno. Laga bilaabo maalintii ugu horrysay ee shaqada, waxaa na loo qaaday warshadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Gudaha ayaan u galnay waxaanan aragnay diyaarado aan duuliye lahayn oo meel walba yaallay iyo dad shaqaynaya. Kaddibna waxaa naloo qaaday goobo shaqo ee kala duwan."

Adau oo 23 jir ah, asal ahaan waxay ka soo jeeda Koonfurta Suudaan. Waxay sheegtay in sannadkii hore in la khiyaaneeyay markii ay u yimaaddeenn Alabuga Special Economic Zone oo ka socday Tatarstan oo Ruushka ka tirsan, iyada oo loo ballan qaaday shaqo joogto ah.

Waxay dalbatay barnaamijka Alabuga Start oo ah qorshe shaqaaleysiin ah oo diiradda saaraya haween da'doodu u dhaxayso 18 ilaa 22 sano, badankoodna ka soo jeeda Afrika laakiin sidoo kale waxa dadka laga keenaa Latin America iyo Koonfur-bari Aasiya. Barnaamijkan wuxuu u ballanqaadaa ka qeybgalayaasha tababar xirfadeed oo ku saabsan saadka, adeegga cuntada iyo martigelinta.

Barnaamijka Alabuga Start (AS) ayaa dhawaan qabsaday wararka caalamka markii saamileyda South Africa ee barnaamijka xayeysiinayay lagu eedeeyay in ay gaysteen tacaddi ku aaddan ka ganacsiga dadka. BBC-da ayaa la xidhiidhay saamileyda lagu eedeeyay iyo qofka xayeysiinta u sameeyay barnaamijka, balse cidna kama jawaabin codsiyadeeda.

Qiyaas ahaan in ka badan 1,000 haween ah ayaa laga shaqaaleysiiyay guud ahaan Afrika si ay uga shaqeeyaan warshadaha hubka ee Alabuga. Bishii Agoosto, dowladda Koonfur Afrika ayaa bilowday baaritaan waxayna ku wargelisay muwaadiniinteeda inaysan isdiiwaangelin.

Adau waxay BBC-da ka codsatay in aan la isticmaalin magaceeda labaad ama sawirkeeda maadaama aanay rabin in lala xiriiriyo barnaamijka. Waxay sheegtay in ay markii ugu horreysay maqashay sanadkii 2023.

"Saaxiibkay ayaa ku qoray Facebook war ku saabsan deeq waxbarasho oo Ruushka ka jirta. Xayaysiinta waxaa sameeyay Wasaaradda Waxbarashada Sare ee Suudaan Koonfureed," ayay tiri.

Xayaysiiska shaqada

Xigashada Sawirka, Supplied to the BBC

Waxay la xiriirtay qabanqaabiyayaasha iyada oo adeegsanaysa WhatsApp.

Adau waxay sheegtay inay dooratay shaqada hawl-wadeenka taawarrada. Mar walba waxay xiiseyn jirtay teknolojiyadda, waxayna xitaa u safartay dibadda mar si ay uga qayb gasho tartan rooboodyada ah.

Codsiga wuxuu qaatay sannad dhan sababo la xiriira habka dheer ee helitaanka fiisaha.

Tigidhka diyaadda ay raacday

Xigashada Sawirka, Supplied to the BBC

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bishii Maarso sanadkii hore ayay ugu dambeyntii waxay gaartay Ruushka.

"Markii ugu horeysay ee aan halkaas tagay aad bay u qaboobayd. Waan necbay. Waxaan safarnay dhamaadka jiilaalka. Isla markii aan ka soo baxnay garoonka diyaaradaha, jawigu aad buu u qaboobaa."

Laakiin markii ay u safartay Alabuga Special Economic Zone, waxay heshay aragti wanaagsan middii hore.

"Aad baan ula dhacay. Wax walba waxay ahaayeen sidii aan filayay. Waxaan arkay warshado badan, baabuur iyo shirkado beeraha ah."

"Xaqiiqada Alabuga Special Economic Zone waa in ay tahay warshad soo saarta hub," ayuu yiri Spencer Faragasso oo ka tirsan Machadka Cilmiga iyo Ammaanka Caalamiga ah.

Waxa kale oo uu sheegay in sida Adau, haween badan oo ay wareysteen oo ka shaqeynayay barnaamijka ay sheegeen inaysan waxba ka ogeyn inay hub ka shaqaynayaan.

Adau waxay sheegtay inay isla markiiba garatay in aysan sii wadi karin shaqada warshadda.

Waxay gudbisay ogeysiiskeeda, laakiin waxaa lagu wargeliyay in muddada ogeysiiska ay tahay laba toddobaad, islamarkaana ay tahay in ay shaqeyso. Inta lagu guda jiray waqtigaas, waxay rinjiyeysay qaybta dibadda ee diyaaradaha iyadoo adeegsaneysay kiimikooyin ay sheegtay in ay gubeen maqaarkeeda.

"Markii aan guriga imid, waxaan arkay in maqaarkaygu daadanayo. Waxaan xirannay dhar difaac ah, laakiin kiimikada way ka gudbi jirtay."

Alabuga waxay sheegtay in dhammaan shaqaalaha la siiyo dharka difaaca ee loo baahan yahay.

Sida ay kimikadu u gubtay maqaarka shaqaalaha

Xigashada Sawirka, Supplied to the BBC

Qoraalka sawirka, The chemicals burns on the arm of Adau's colleague

Taasi ma ahayn khatarta keliya ee ay wajahday. 2-da Abriil 2024, labo toddobaad kaddib markii Adau ay Ruushka timid, Alabuga Special Economic Zone waxaa la beegsaday weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine.

"Maalintaas waxaan ka toosay siidhiga dabka ee qolkeenna, waxa aan aragnay mid aan caadi ahayn. Daaqadaha dabaqa sare ee hostel-ka ayaa jabay, qaar ka mid ah gabdhaha ayaa qarxay. Sidaas darteed waxaan u baxnay dibadda."

Markii ay bilaabeen inay ka tallaabsadaan hostel-ka oo hawada ay ahayd mid qabow , Adau waxay sheegtay inay aragtay dadka kale oo bilaabaya in ay cararaan.

BBC-da waxay xaqiijisay muuqaallada ay Adau duubtay dirtay maalintii weerarka, waxayna caddaynayaan goobta lagu qaaday isla maalintaas weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ee gudaha dhulka Ruushka.

Sawirrada ay qaadday Adau, maalintii weerarka

Xigashada Sawirka, Supplied to the BBC

"Diyaaradda aan duuliyaha lahayn ayaa ku dhacday qolka ku xiga kan aan deganayn. Dhismahaas wuu burburay gebi ahaan, dhismaheena sidoo kale wuu waxyeeloobay."

Bilooyin kaddib, markii ay ogaatay inay ka shaqeynaysay warshad diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxay dib u xasuusatay weerarka waxayna garatay sababta loo beegsaday.

Markii Adau ay gudbisay ogeysiiskeeda, qoyskeedu waxay u direen tigidh ay ugu laabato dalkeeda, laakiin waxay sheegtay in haween badan aysan awoodin inay bixiyaan kharashka duulimaadkooda soo laabashada, taasoo keenta inay halkaas ku sii negaadaan. Adau waxaa loogu talagalay inay hesho $600 (£450) bishii, laakiin waxaa soo gaadhay kaliya qayb ka mid ah oo u dhiganta lix meelood oo hal.

Barnaamijka Alabuga Start wuxuu BBC-da u sheegay in mushaharka uu qayb ahaan ku xirnaa waxqabadka iyo nooca shaqada.

Waxaan la hadalnay haweeney kale oo ka tirsan barnaamijka oo aan rabin in magaceeda la sheego sababo la xiriira cabsi ay ka qabto in lagu ciqaabo. Waxay sheegtay inay khibrad wanaagsan ka heshay Alabuga.

Laakiin Adau waxay sheegtay in ka shaqaynta warshadda dagaalka Ruushku ay ahayd mid dhib badan.

"Waxay ahayd mid aad u xun. Waxaa jiray waqti aan qolkayga ku soo laabtay oo aan ooyay. Waxaan is iri: 'Ma rumaysan karo in tani ay tahay waxa aan hadda ka shaqaynayo.' Waxay ahayd fal xun in gacan lagu yeesho wax khasaare u geysanaya nolosha dad badan."