Maxkamad Koofur Afrikaan ah oo u hiillisay qaxootiga ay Soomaalidu ka mid tahay

Xigashada Sawirka, Gallo Images via Getty Images
- Author, Khanyisile Ngcobo
- Reporting from, Johannesburg
Maxkamad ku taalla Koofur Afrika ayaa ku amartay koox kasoo horjeedda muhaajiriinta inay joojiyaan in ajaanibta ay ka hor istaagaan helidda adeegyada gargaarka iyo iskuullada, iyadoo sheegtay in ficillada noocan ah ay sharci darro yihiin.
Howlgalka Dudula ayaa bilihii lasoo dhaafay hareereeyay isbitaallada iyo xarumaha caafimaad ee ku yaalla gobollada Gauteng iyo KwaZulu-Natal, iyagoo baaraya kaararka aqoonsiga isla markaana ka hor istaagaya qof walba oo aan Koofur Afrikaan ahayn inuu galo. Tan ayaa kadib kusii baahday oo u weecatay iskuullada.
Balse maxkamadda sare ee Johannesburg ayaa kooxda ku amartay inay joojiyaan "cabsi-gelinta, dhibidda [ama] faragelinta helitaanka" xarumahaas.
Koofur Afrika ayaa hoy u ah ilaa 2.4 milyan oo muhaajiriin ah oo Soomaali ka mid tahay, iyagoo keliya in ka yar 4% ka ah bulshada dalkaas, sida laga soo xigtay xogta rasmiga ah.

Intooda badan waxay ka yimaadaan dalalka deriska la ah Koofur Afrika sida Lesotho, Zimbabwe iyo Mozambique, kuwaasoo caan ku ah inay usoo hijroodaan dalka qaniga ah ee deriska la ah si ay uga shaqeystaan.
Ajaanib-naceybka ayaa in muddo ah dhibaato ka ahaa Koofur Afrika, iyadoo ay wehliyaan rabshad uu dhiig ku daato, carada loo qabo qaxootiga ayaana arrin weyn oo siyaasadeed ka ah dalkaas.
Xaakim Leicester Adams, ayaa shalay xukunka riday kana hor istaagay Operation Dudula inay jeediyaan khudbado kicinaya naceyb, "In si sharci-darro ah muwaadiniinta ajaanibta ah looga saaro guryahooda ... [ama] dukaamadooda ganacsiga, iyo ku boorrinta kuwa kale inay sidaa sameeyaan.
"Dudula" waxaa loola jeedaa in wax si xoog ah looga saaro, marka la eego luqadda Zulu-da.
Ururka ayaa sheegay inuu ka xumaaday xukunka isla markaana ay doonayaan inay racfaan ka qaataan, sida laga soo xigtay barta internet-ka ee News24 ee dalkaasi.
Dhibaatada Soomaalida kasoo gaarta Koofur Afrika

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wixii ka horreeyay sanadkii 2008, Koonfur Afrika waxa ay kumannaan Soomaali ah u aheyd dhul nabdoon oo ay u hayaamaan ka dib markii uu dalkooda hooyo uu ka qarxay dagaalkii sokeeye, sidaana ay ku burburtay dowladdii dhexe.
Hasa yeeshee haatan xaaladdaasi waa ay isbadeshay oo waxaa Soomaalida fara kulul ku haya weerarrada ku dhisan ajaanib naceybka.
Soomaali badan ayaa lagu dhex dilay dukaamadooda, iyadoo sidoo kalena hantidooda la dhacay.
Keliya maaha Soomaalida, qaxootiga kale ee aadka ay dhibaatada usoo gaarto waxaa ka mid ah Itoobiyaanka oo iyagana halkaasi ka shaqeysta.
Ganacsiyada Soomaalida waxaa u badan dukaamo lagu iibiyo raashiinka, cabitaannada iyo dharka iyo waxyaabaha la isku qurxiyo.
Inta badan Soomaalida ku nool dalkan Koonfur Afrika waxa ay halkan ku leeyihiin dukaamo yaryar oo ay ka dhex furtaan deegaannada ay dadka madowga ah u badan yihiin.
Hase yeeshee weerarrada ajaanib nacaybka ee indhawaale dalkan ka dhacayay ayaa waxa ay galaafteen nolosha Soomaali badan, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen, basle arrinta xusidda mudan ayaa ah in inta haatan halkaas joogta ay ka go'an tahay in aanay meelna u dhaafin dalkan.
Kooxda 'Hawlgalka Dudula' ayaa caan ku noqotay inay u dhacaan meheradaha ay leeyihiin dadka ajnabiga ah oo ay Soomaalidu ku jirto, waxayna ku qasbaan in dukaamada la xiro.
Waxay ku adkeysanayaan in ay walaac ka qabaan daroogooyinka faraha badan ee ku soo qulqulaya bulshooyinka danyarta ah ee Koonfur Afrika, taasoo ah cabashadooda ugu daran, balse ma jirto xog lagu xoojinayo sheegashada ah in dadka daroogada iibiya aysan ahayn muwaadiniin Koonfur Afrikaan ah.
Hadallada nacaybka ah ee ay adeegsadaan qaar ka mid ah saraakiisha dawladda, siyaasiyiinta iyo kooxaha ka soo horjeeda soogalootiga ayaa gacan ka geystay in la sii huriyo khuraafaadka ah in dalka ay buux dhaafiyeen muhaajiriin. Sahanka habdhaqanka bulshada ee Koonfur Afrika ee 2021 ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad kala bar dadka Koonfur Afrika ay aaminsan yihiin in ay jiraan inta u dhaxaysa 17 iyo 40 milyan oo soo galooti ah oo dalka ku sugan.













