Sababta kooxdan Koonfur Afrikaanka ahi u neceb yihiin Soomaalida iyo ajaaniibta kale

Zandile Dabula oo ku sugan shirka Operation Dudula ee johannesburg ka dhacay bishii May 2023
Qoraalka sawirka, Zandile Dabula oo ku sugan shirka Operation Dudula ee johannesburg ka dhacay bishii May 2023

Koox Koonfur Afrikaan ah oo labaxday ‘Hawlgalka Dudula’ ayaa caan ku noqotay inay u dhacaan meheradaha ay leeyihiin dadka ajnabiga ah oo ay Soomaalidu ku jirto, waxayna ku qasbaan in dukaamada la xiro. BBC Africa Eye ayaa heshay xubnaha dhaq-dhaqaaqa waddooyinka ee ugu caansan dalkaasi.

Jikada iskuulka Kwa Thema, oo ku yaal bariga Johannesburg, waxaa ku sugan Dimakatso Makoena, waxayna ku mashquulsan tahay samaynta quraac. Waa 57 jir haysata saddex carruur ah oo cunto kariye halkaas ka ahayd in ka badan 10 sano.

"Runta hadaan kuu sheego, waan necbahay ajaanibta, waxaan jeclaan lahaa inay boorsooyinkooda xidhxidhaan oo tagaan oo ay ka baxaan waddankayaga," ayay tiri iyadoo ilmada isku celinaysa.

Way adag tahay in la fahmo heerka nacaybku gaarsiisan yahay ilaa Dimakatso Makoena ay la soo baxdo taleefankeeda si ay u muujiso sawirka wiilkeeda. Isaga oo rafaadsan oo aad u dhafoor liita, ayay haddana nabarro gubasho ah ku faafeen jidhkiisa, gacmihiisa iyo wejigiisa.

"Wuxuu bilaabay sigaar cabista iyo daroogada markii uu 14 jir ahaa," ayay tiri, iyadoo sharxaysa sida wiilkeedu inta badan wax u xado si uu u quudiyo balwaddiisa. Maalin ayuu damcay in uu qaar ka mid ah fiilooyinka korontada xado si uu u iibiyo markaasna koronto ayaa ku dhagtay wuuna gubtay.

Dimakatso Makoena oo ku jirta jikada iskuulka ee Kwa Thema, Koonfur Afrika
Qoraalka sawirka, Dimakatso Makoena oo ku jirta jikada iskuulka ee Kwa Thema, Koonfur Afrika

Hadallada nacaybka ah ee ay adeegsadaan qaar ka mid ah saraakiisha dawladda, siyaasiyiinta iyo kooxaha ka soo horjeeda soogalootiga ayaa gacan ka geystay in la sii huriyo khuraafaadka ah in dalka ay buux dhaafiyeen muhaajiriin. Sahanka habdhaqanka bulshada ee Koonfur Afrika ee 2021 ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad kala bar dadka Koonfur Afrika ay aaminsan yihiin in ay jiraan inta u dhaxaysa 17 iyo 40 milyan oo soo galooti ah oo dalka ku sugan.

Codbixinta hadda socota ayaa muujineysa in taageerada loo hayo xisbiga talada haya ee African National Congress (ANC) oo ah xisbiga uu mar hogaaminayey Nelson Mandela ay hoos u dhici karto 50% markii ugu horeysay.

Hawlgalka Dudula waxa uu leeyahay hammi ah in uu buuxiyo booskaas bannaanka, waxana uu hadda isu beddelay xisbi siyaasadeed oo heer qaran ah, isagoo sheegay in uu doonayo inuu u tartamo doorashada guud ee sannadka dambe.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Zandile Dabula, oo loo doortay inay noqoto madaxweynaha Hawlgalka Dudula bishii Juun ee 2023, waa haweenay deggan, soo jiidasho leh oo xoogga saartay farriinta kooxda ee ah: "Shisheeyuhu" waa asalka dhibaatada dhaqaale ee Koonfur Afrika.

Marka loo sheego in ololahani uu ku salaysan yahay nacayb oo keliya, waxay BBC-da u sheegtay: “Waa in aan halkan ku xaqiiqsanno in inta badan dhibaatooyinka ina haysta ay sabab u yihiin qulqulka dadka ajaanibka ah.

“Dalkeena waa qasan yahay, dadka ajnabiga ah waxay wadaan qorshe 20 sano ah oo ay kula wareegayaan Koonfur Afrika”.

Markii dib su’aalo looga weydiiyay run ahaanshiyaha qorshahan 20-ka sano ah, waxay qiratay inuu ahaa war kutiri-kuteen ah balse waxay sheegtay inay rumeysan tahay inuu run yahay.

"Waxaad meel walba ku arkeysaa maandooriye oo inta badan dadka maandooriyaha caadeystay waa Koonfur Afrikaan ee maha ajaaniibta, marka maxaa dhacaya, ma waxay quudinayaan walaalaheen si ay ugu fududaato inay la wareegaan dalka ?" ayey tiri.

Howlgalka Dudula ayaa ku adkeysanaya in ay walaac ka qabaan daroogooyinka faraha badan ee ku soo qulqulaya bulshooyinka danyarta ah ee Koonfur Afrika, taasoo ah cabashadooda ugu daran, balse ma jirto xog lagu xoojinayo sheegashada ah in dadka daroogada iibiya aysan ahayn muwaadiniin Koonfur Afrikaan ah.

Tirakoobka isbarbardhigga ah lama heli karo dambiyada daroogada, inkastoo warbixinta ISS ay soo xiganeyso wasiirka cadaaladda oo sheegtay in soogalootigu ay ka yihiin 8.5% dhammaan kiisaska la xukumay sannadkii 2019 iyo 7.1% sanadkii 2020 ee daroogada la xiriira. ISS waxay intaas ku dartay in 2.3% maxaabiista la xiro sanad walba aysan sharci haysan.

Sawir dukaan la boobayo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dadka ajniga neceb ee reer Koonfur Afrika oo boobayo dukaamo ay Soomaali leeyihiin

Diepkloof, oo ku taal bariga Soweto, BBC waxay ku biirtay waxa loogu yeero Dudula. Niman wata gawaari xamuul ah ayaa isku dayaya inay ka hor tagaan dukaanle reer Mozambique ah oo haweeney Koonfur African ah ay ku eedeysay inuu bixin waayay kiradiisii.

Waxa loo malaynayaa in ay ahayd gorgortan oo kaliya laakiin si degdeg ah ayey isku dhac u noqotay halkaas oo mid ka mid ah ragga oo lagu magacaabo, Mandla Lenkosi, uu ugu hanjabay inuu garaaci doono. Marka ay BBC-du wax ka weydiiso hab-dhaqankooda budhacdnimada, waxay ku adkaystaan inay sharciga meel marinayaan.

Mandla Lenkosi, oo sidoo kale ka soo jeeda Soweto, isla markaana aan shaqo haysan, ayaa ka qayb qaata weerarrada lagu qaado guryaha iyo goobaha shaqada ee muhaajiriinta, dadka looga shakiyo ka ganacsi daroogo ilaa kuwa dalka sii jooga marka ay dhamaato muddada fiisahoodu.

"Waxaan ku soo koray waqtiyadii midab-takoorka, halkaas oo arrimuhu aad uga fiicnaayeen sida hadda," ayuu yiri, isagoo tilmaamaya dhibaatooyinka daroogada. "Sharciga ayaa shaqaynayey [markaas]."

Taageerayaashii kale ee Dudula, Cedric Stone, ayaa ku raacay: “Koonfur Afrika waxay u baahan tahay inay dib ugu noqoto Koonfur Afrikadii hore ee aan ognahay.

"Aabayaasheen ayaa bilaabay dukaamada tukumada laakiin maanta dukaamadaas dhamaantood waxaa leh ajaanib, gaar ahaan Bangladeshi, Soomaali iyo Itoobiyaan, sabab?"

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa si kulul uga hadlay dibadbaxyada looga soo horjeedo dadka soogalootiga ah, wuxuuna cambaareeyay kooxaha sida Dudula oo kale ah ee dhibaateynta iyo weerarada u geysta muhaajiriinta. Waxa uu hab-dhaqankooda la barbar dhigay xeeladaha uu adeegsanayey taliskii midab-takoorka ee lagu cabudhiyey beelaha madow.

Sannadkii 2019-kii waxa uu bilaabay Qorshe Hawleedka Qaran ee lagula dagaallamayo cunsuriyadda iyo nacaybka, haddana ololayaashu waxa ay rabaan in dawladdu wax badan qabato.

Zandile Dabula

Boqolaal taageereyaal ah ayaa u safray si ay uga qaybgalaan shirweynihii ugu horreeyay ee qaran ee ka dhacay Johannesburg bishii May, halkaas oo xubnuhu ay u codeeyeen in kooxda loo diwaangeliyo sidii xisbi siyaasadeed.

Waxay lulayaan calanka Koonfur Afrika, way ciyarayaan isla markaana heesayaan iyaga oo maraya waddooyinka ilaa xarunta dawladda hoose, waxa ay u egtahay dabaal-deg.

Si kastaba ha ahaatee heesaha ay qaadayaan waxay xambaarsan yihiin fariin hanjabaad ah oo ah: "Shisheeyaha guba, geerashka ayaanu tegaynaa, batrool baannu iibsanaynaa, shisheeyahana waanu gubaynaa."

Makoena ayaa iyaduna halkaas joogta, iyadoo dhoola cadeynaysa oo ku labisan funaanadda xafladda. "Howlgalka Dudula wuxuu sameyn doonaa taariikh maanta," ayay tiri.

Masraxa dhexdiisa, Isaac Lesole, oo ah lataliyaha farsamada ee Operation Dudula, waxa uu qabaa su'aal ku socota taageerayaashiisa: "Ma nabad baan la galnaa ajaanib sharci-darro ah?"

"Maya," ayey dhagaystayaashu dib ugu qayliyeen iyagoo midaysan.

Sida uu qabo sharciga Koonfur Afrika, diiwaan gelinta xisbi macnaheedu maaha in uu si toos ah ugu tartami doono doorashada - waxa uu leeyahay habraac loo maro taas.

Hawlgalka Dudula ma laha qoraal ama siyaasad aan ka ahayn mawqifka uu ka qabo ajaanibka, in kasta oo Ms Dabula ay ku adkaysanayso inay joogitaan ku leeyihiin gobol kasta marka laga reebo Northern Cape.

Taageerayaasha xisbiga cusub ee BBC-da la hadlay ayaa u muuqda kuwo si dhab ah u doonaya in wax laga qabto deegaanadooda. Waxay ka tarjumayaan isbeddelka niyadda ee muuqaalka siyaasadeed ee Koonfur Afrika iyadoo dadku ay ka dheregsan yihiin xaaladda hadda taagan.

Si kastaba ha ahaatee, isku darka sunta ah ee saboolnimada, daroogooyinka iyo cabsida ayaa keentay dhaqanka eedaynta ah halkaas oo muhaajiriintu ay noqdeen kuwa aan waxba galabsan.