Ninka ay boqolaalka nin qaban waayeen ee eygu qabtay

.

Ey sharci-fuliye ah ayaa qabtay nin baxsad ah xilli uu uu isku deyey in uu si guurguurasho ah kaga gudbo kaymo jiq ah, kaddib laba toddobaad markii uu ka soo baxsaday xabsi ku yaalla gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen.

Danelo Cavalcante, oo 34 jir ah, ayaa laga soo qabtay kaymo dhexdood, halkaas oo xalay diyaaradi ka soo qaadday kaddib qabashadiisii.

In ka badan 500 oo askari ayaa ugaadhsanayey ka dib markii uu baxsaday 31kii Agoosto.

Bishii hore ayay ahayd markii lagu xukumay xabsi daa’in kaddib markii uu saaxiibtii dilay xilli ay arkayeen laba carruur ah oo ay dhashay bishii April 2021.

Shir jaraa'id oo uu qabtay guddoomiyaha gobolka Pennsylvania Josh Shapiro ayaa sheegay in Cavalcante "la soo qabtay iyada oo aan wax xabbad ah la ridin" wax yar ka dib 08:00 xilliga gudaha ah (12:00 GMT) Arbacadii.

Waxa uu ku ammaanay "shaqada aan caadiga ahayn" ee waaxaha fulinta sharciga iyo " sida ay uga caawiyeen dawadweynuhu " qabashada Cavalcante.

Bilayska ayaa u sheegay warfidiyeenka in kooxda ciidanka ah ee ku daba jiray, kuwaas oo baadhayey buuraha iyo keymaha ku hareeraysan aaggii lagu ogaa, ay wehelinayeen eey iyo diyaarad dul heehaabaysay kaynta South Coventry Township xilli roob iyo onkod culus dhacayeen habeenimadaas.

.

Inkasta oo kooxdii ku daba jirtey ay helayeen xog kala duwan oo ku saabsan ninkan baxsadka ah, haddana cimilladii xumayd awgeed ayaan u sahlin in diyaaraddii baadhaysay si wacan uga hawl gasho.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Markii la ogaaday kaynta uu ku sugan yahay kornayl George Bivens oo ka tirsan booliska gobolka Pennsylvania ayaa ku sheegay shirka jaraa’id oo uu qabtay: “Ciidanku waxa ay awoodeen inay si deggan u soo galaan, kayntii uu ku sugnaa taas oo ahayd arrin yaab leh.

“Cavalcante ma uusan garwaaqsan inuu lagu hareereysan yahay, laakiin taasi kama ay joojin inuu isku dayo inuu baxsado markii uu ogaaday in lagu daba jiro”.

"Wuxuu bilaabay in uu ku dhex gurguurto kayntaas oo jiq ahayd dhirta gaagaaban awgeed, xilli uu watay qorigiisii Rifle-ka aha ee uu sii xaday markii sii baxsanayey”

Waaxda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha ee Maraykanka oo ka yimid Texas, oo leh ugu yaraan hal eey, ayaa qayb ka ahaa kooxda farsamada ee ku daba jirtey ninkan.

Eygan, oo ahaa afar jir nooca loo yaqaan Belgian Malinois ah oo lagu magacaabo Yoda, ayaa "soo qabtay" Cavalcante markii uu isku dayay inuu mar kale baxsado, xilli eygu kaga tagay "nabaro yaryar oo qaniinyadiisii hore keentay".

"Waxa uu sii waday iska caabintii laakiin si qasab ah ayaa lagu xidhay," ayuu yidhi Lt Col Bivens.

Cavalcante ayaa sida oo kale waxa gaadhay "dhaawac madaxa ah" waxaana la qiimeyn doonaa "caafimaad ahaan" ka hor inta aan la geynin xabsiga, ayay yidhaahdeen saraakiisha gobolku.

Ninka ayaa ka soo muuqan doonaa maxkamad isagoo lagu eedaynayo baxsadka uu sameeyey mustaqbalka dhow, xeer ilaaliyaha guud ee Philadelphia ayaa bayaan ka soo baxay sidaas ku sheegay. 

Muuqaallada lagu baahiyey warbaahinta gudaha ayaa muujinaya Cavalcante oo katiinadeysan, oo sita funaanad wasakh ah oo ay nooca kooxda Philadelphia Eagles ah, kaas oo ay galbinayaan gawaadhi madmadaw oo gaashaaman oo booliis ah.

.

Ciidammo aad u badan oo ku labisan dareeska ciidanka ee kaynta u eeg ayaa la arkayay iyaga oo sawiro la galaya maxbuuskooda ka hor inta aysan saarin gaadhigii qaadayey.

Lt Col Bivens ayaa sheegay "inuusan wax dhib ah u arkin" in saraakiishu ay sawir la galaan maxbuuskooda.

"Raggaas iyo haweenkaas waxay si la yaab leh ugu shaqeeyaan duruufo aad u adag. Wayna ku faanayaan shaqadooda," ayuu u sheegay suxufiyiinta.

Intii uu baxsadka ku jiray, booliisku waxa ay sheegeen in Cavalcante uu isku dayay in uu la xidhiidho qaar ka mid ah ehelkiisa, oo ay ku jirto walaashii. Ma aysan caawin oo markii dambe ayaa iyada lafteedana xabsiga loo taxaabay sababo la xidhiidha xadgudub dhanka socdaalka ah.

Talaadadii, waxay ka digeen in gacan ku dhiiglaha baxsaday uu galay geerash bannaan, halkaas oo uu ka xaday qori xilli ay is rasaaseeyeen mulkiilihii geerashkaas.

Xubnaha qoyska ka soo jeeda saaxiibtiisii hore ee uu dilay, Deborah Brandão, ayaa ku jiray xaalad ay ilaalinayeen boolisku 24 ka saac ee maalintaba.

Baxsashada iyo xadhiga Cavalcante ayaa si aad ah looga hadal hayaa dalkiisa Brazil, halkaasoo dadka isticmaala baraha bulshada ay u dabaaldegeen soo afjarida ugaadhsiga ninkan.

Waraysi ay siisay shabakada wararka Brazil ee G1, Brandão walaashii waxay sheegtay in xadhigiisu uu "nafis badan uu keenay".

"Waxaan ka baqaynay inuu ka aargoosto qoyskayaga," Silvia Brandão ayaa u sheegtay warbaahinta. "Aad ayaan u baqaynay sababta oo ah waa la qiyaasi karaa waxa uu awoodo."

Marka laga soo tago dilka Brandão, Cavalcante ayaa lagu eedeeyay in uu dilay sida oo kale wiil dhallinyaro ah oo ay saaxiib ahaayeen deyn darted, taas oo ka dhacday badhtamaha Brasil ee Tocantins 2017.