Libaax magaalo ku dhex fakaday

Xigashada Sawirka, Reuters
Libaax qaanqaar ah oo ka soo baxsaday gaari gaar loo leeyahay oo uu saarnaa ayaa ku dhex fakaday waddo aad u saxmad badan oo gawaaridu madaxa iskula jiraan, magaalada ku taalla koofurta Pakistan ee Karachi maalmo ka hor, arrintaana waxay keentay naxdin iyo anfariir muddo laba saacadood ah, ka dor inta aan dib loo qaban, sida ay boolisku sheegeen.
Libaaxa waxaa gaariga ku waday qofkii lahaa markii uu ku dhex fakaday magaaladaas dekedda leh saacadaha ay dadku waddooyinka aadka u isticmaalaan sida booliska laga soo xigtay.
“Koox naga mid ah ayaa halkaa degdeg u gaadhay. Ilaah baa mahad leh, hadda gacanta ayaan ku haynaaisagoo bed qaba, mana jirto cid khatar ku jirta” ayuu yiri kormeere Mukhtyar Soomro oo ah kormeere ka tirsan ilaalada duurjoogta.
Libaaxa baxsaday ayaa galay dabaq dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla disme halkaa aan ka fogeyn, laakinse ka hor intii uusan dabaqa gelin ayuu muddo gaaf wareegayey waddada.

Xigashada Sawirka, EPA
Dad halkaa joogay waxay sheegeen in gaadiidku ay isku xirmeen, ayadoo ay sidoo kale yimaadeen gaadiid ay wateen suxufiyiinta iyo dad aad u fara badan oo doonayey bal in ay mar qura isha la helaan Libaaxaas baxsadka ahaa.
Mid ka mid ah fiidiyowyada la wadaagayey ayaa laga arkayey libaaxa oo nin ka mid ah dadkii halkaa isugu soo baxay dhowr talaabo eryaday, laakin aan waxyeello u geysan.
Waaxda duurjoogta waxay sheegtay inay dib loogu celiyey libaaxa halkii uu ku jiray, bacdamaa ay mamnuuc tahay in libaax lagu hayo meel la deggan yahay. Muddo saacad ah ayey ku qaadatay kooxaha ka shaqeeya ilaalada duurjoogta inay soo qabtaan libaaxa.
“Shaqsigii libaaxa lahaa waa la xiray kiis ayaana lagu soo oogi doonaa” ayuu ku yiri hadal qoraal ah sarkaal sare oo booliska ka tirsan, Shiraz Nazir.

Xigashada Sawirka, Social media
In guryaha lagu haysto duurjoogta dad cunka ah ma aha wx caadi ka ah Pakistan, halkaasoo ganacsatada tujaarta ah lagu yaqaanno inay leeyihiin seerayaal u gaar ah, mararka qaarna ay dadka hortooda kula cayaaraan xayawaanka.
Muuqaalka libaaxa ayaa lagu wadaagay baraha bulshada, ayadoo dadku ay walaac ka muujinayeen, laakin dad kale ayaa jira kuwaasoo si fudud ay arinta ula muuqatay.
Sannadkii 2017 ayaa nin xabsig la dhigay ka dib markii uu libaax u soo kaxaystay sida xayawaan rabaayad ah, isagoo gaari ku marsiinayey waddooyinka Karachi. Arrintaas waxay sidoo kale soo jiidatay in dad aad u badan ay baraha bulshada kaga sheekaystaan.
Dalka Pakistan waxaa ka jira ganacsi suuqa madow ah oo lagu kala gato duurjoogta, laakinse ciqaabo adag ayey mudan kartaa ciddii lagu helo ayadoo ka baayac mushtaraynaysa duurjoogta.













