Sidee ayaad isaga difaaci kartaa weerarka Libaax-Badeedka?

Xeebta badda ee ay dadku ku dabaashaan

Wiilkan dhalinyarada ah ee u dhashay dalka Ruushka, ayaa dalbaday in loo fidiyo gargaar, markii uu kaligii ku dabaalanayay mid kamid ah xeebaha Hurghada ee ku yaalla xeebta Badda Cas ee dalka Masar.

Ninkan dhalinyarada ah, ayaa ku qaylinayay soo gaarsiinta gargaar, halka Libaax Badeed uu isku duubay, ka dibna uu u weeraray si ba'an.

Muuqaalka ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada. Muuqaallo cabsi leh oo ah Libaax Badeed dhadig ah, oo weeraraya dhibbanaha oo noloshiisa, uuna ku soo afjarayo laba daqiiqo gudahood.

Inkasta oo tiro maraakiib ah ay ku hareeraysnaayeen ruuxan dada yar, gaar ahaan kuwo ay leeyihiin Ruushka intii uu weerarku socday, haddana ma jirin cid si degdeg ah u dhaqaaqday si ay u badbaadiso ninkan dhallinyarada ah.

Tani waa dhacdadii labaad ee nooceeda ah. Sannadkii hore, laba dumar ah oo dalxiisayaal ah, ayaa dhibane u noqday weerar uu ku qaaday Libaax Badeed, dhacdo lagu tilmaamay mid la yaab leh oo naadir ah, gaar ahaan waxay ka dhacday xeebo gacmeed, u jira bariga in ka yar laba mitir.

Professor ku takhasusay deegaanka badda iyo cilmiga badaha ee machadka qaranka ee badda, Dr. Mahmoud Abdel-Rady Dar, ayaa BBC-da u sheegay "waxaa la og yahay in Libaax Badeedka uusan jecleyn inuu jooggo meelo bariga u dhow, ama biyaha dushooda sare, laakiin meel qoto dheer oo u dhaxaysa oo gaareysa 20 illaa 40 mitir. Halkaa noocyada qaarkood ay door bidaan inay ku jiraan biyaha guntooda hoose, sida illaa iyo 50 mitir.

Daar waxa uu intaa ku daray “Libaad Badeedku waxa uu ka mid yahay bahda Kalluunka ku nool Badda Cas, meelna ugama soo socdaalo inuu meel kale ku weeraro, waa Kalluun ku nool qeybo kala duwan oo katirsan Badda Cas.

Waa maxay sababaha uu ugu soo dhowaado Libaad Badeedka xeebaha?

Dr. Dar ayaa sheegay inay jiraan saddex arrimood oo ay ugu horreyso waa afkaar xili hore la asteeyey, in dalxiisayaasha qaar ay xoogaa cunto ah u tuuraan Libaax Badeedka si ay u sawirtaan, sidaas darteedna ay uga soo baxaan meelaha ay ku nool yihiin, si ay cunto fudud uga helaan maraakiibta dalxiiska. Arrintani waa meesha ay ka imanayso khatarta, sababtoo ah waxay beddelaan habdhaqanka u baadi goobta quudkiisa kalluunkan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dar ayaa intaa ku daray in kadib markii ay sameeyeen wacyigelin, qaar kamid ah kalluumaysatada ay joojiyeen inay wax ka badalaan hab-dhaqanka kalluunkan, iyagoo markii danbe Kalluunkani ay dib ugu noqdeen oo ay cunto ka raadiyeen deegaankooda dabiiciga ah.

Sababta labaad, sida uu sheegay Dr. Dar, waxa weeyaan in maraakiibta qaar ay badda ku soo tuuraan neef bakhtiyey oo Ido ama Lo’ ah, sidaas awgeedna ay soo raacaan libaaxyo si ay u cunaan. Tirada shilalka noocan oo kale ah waa mid yar oo la maarayn karo.

Sababta saddexaad oo ah tan ugu muhiimsan, Libaax Badeedku waxay dhalaan ukumo, laakiin ukuntoodu waxay ku dillaacaan jirkiisa gudihiisa, gaar ahaan Libaax Badeedka nooca dhadigga ah, sidaas awgeedna waxaa caloosheeda ka soo baxa Libaad Badeed yaryar.

Professor ku takhasusay cilmiga noolaha badda, ayaa wuxuu xaqiijinayaa in Libaax Badeedku ay la nool yihiin nooca Dhadiga ah, kuwa Labka ah illaa waqtiga dhalmada soo dhawaato, ka dibna ay ka guuraan oo ay waxay baadi ka goobtaan biyaha meel u dhaw xeebta ama bariga oo badqab u leh hannaanka dhalashada. Sidaa darteed, haweenku waxay kormeeraan meelahaas hal maalin ka hor dhalista, si ay meesha uga digtoonaadaan cadawga dabiiciga ah. Waxay u badan tahay in tani ay ahayd sababta weerarka uu u haleeley dhalinyarada Ruushka.

Axmed Cabaas oo ah Milkiilaha Doon Kalluumaysi oo qabtay Kalluunka dilaaga ah ayaa sheegay in Caloosha ay ka heleen uur aad u badan. Taas oo xaqiijinaysa sax ahaanshaha waxa uu Dr. Mahmoud Abdel-Radi tilmaamay, in weerarkan foosha xun uu qayb ka ahaa socdaal kormeer ah oo uu ku tagay goobtii uu ku dhashay ee biyo-gacmeedka.

Digniin lasoo gudbiyey xilli hore

Dr. Abdel-Radi ayaa sheegay in dad goob joogayaal ah ay arkeen Libaad Badeedka oo kusoo wajahan xeebta, maalin ka hor shilka soo gaaray dalxiisayaasha Ruushka. Digniin adag ayaa la rabay in la bixiyo. Waxaa lagama maarmaan noqotay in dadkii arkay ay si deg deg ah u soo sheegaan halka ay ku sugan yihiin, maamulkuna uu ka hortago dhaq-dhaqaaqa badda ee ka socda goobtaas.

Abdel-Radi ayaa waxa uu sheegay in inkasta oo shilalka Libaad Badeedku ugaarsadaa bini’aadamku ay aad u yar yihiin, haddana waa in lagu baraarugo in biaha May, June iyo August ay yihiin bilaha uu dhalo Libaax Badeedka, kooxuhuna ay waajib ku tahay inay si deg deg ah uga taan hawl galaan ilaalinta xeebaha.

Libaax Badeedka, ayaa waxay door bidaan inay joogaan qiyaas qoto dheer oo gaareysa 4 ilaa 6 mitir, si ay u dhammaystiraan hawlaha dhalmada. Haddaba, waa in wacyi gelin la siiyaa dadka dalxiisayaasha ah, maraakiibta dalxiiska iyo kuwa xeebaha taga, si loogga fogaado dhacdooyinkan halis ku ah dadka.

Dalxiisayaal ku dabaalanaya xeebta

Sideed isaga ilaalin kartaa Libaax Badeedka badda kujira?

Waxaa baraha bulshada lagu faafiyay hadallo ay ka mid yihiin, “Waa in aad cabsidaada xakameysaa oo aad eegtaa indhaha Libaax Badeedka, si uu u ogaado in aadan ka baqin”, taasoo keentay in aad looggu qoslo, in kasta oo uu shilku aad u weynaa iyo dhibka muuqaallada la socday.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira tilmaamo dhab ah oo ay soo saareen saynisyahano, oo ay ku jiraan inaadan kaligaa galin biyaha badda meelo aadan si fiican u aqoon. Ama hoos u dhaca marka qorraxdu soo baxdo, si loo muujiyo waxa biyaha hoostooda ku jira, sida uu xaqiijiyay Dr. Abdel-Radi.

Wuxuu intaas ku daray in waaberiga iyo maqribka ay yihiin waqtiyada aan wanaagsaneyn in la galo badda, sababtoo ah waa xilliyada uu Libaax Badeedku dhax mushaaxayo xeebaha.

Saynis yahanadu ayaa waxay xaqiijiyeen inay wanaagsan tahay marka loo dhaadhaco badda, gaar ahaan meelaha khatarta ah, in aanu qofku jirkiisa ur uusan soo saarin, biyahana aanu ku kaadin, haddii uu dhiigu ka yimaadona aanu badda hoos u sii galin. Si kasta oo ay ahaataba, sababtoo ah Libaax Badeedku waxay leeyihiin dareen wax urin ah, waxay kasoo dhex dareemi karayaan hal dhibic oo dhiig ah 100,000 oo litir oo biyo ah.

Haddii ay dhacdo in uu ku soo weeraro Libaax Badeed, waxa ugu horreeya ee uu kalluunkani samayn doono, ayaa ah inuu ku tijaabiyo dharbaaxo jirkaaga kasoo gaartay xagga hore ee sanka.

Mid kamid ah saynis yahanada badda, ayaa muuqaal fiidiyoow ah oo lagu faafiyay barta Youtube-ka ku sheegay inay wanaagsan tahay in sanka laga dhufto kalluunka, oo ah meesha ugu nugul kalluunka weyn ee loo yaqaano Libaax Badeedka, markaa wuu kaa kaa jeesanaysaa ama waxaad heli kartaa wakhti aad ku baxsato.

Oo waa inaad si dhab ah u qaadataa talooyinkan, sababtoo ah markaa waxaad la kulmi doontaa khatar ah dhimasho deg deg ah, oo qaadan karta dhowr daqiiqo gudahood.