Yaa kula tartamaya xil. Marwo Bashiir xilka guddoomiyaha baarlamaanka adduunka

Xil. Marwo Bashiir

Xigashada Sawirka, Youtube

Maanta waxaa la rajeynayaa in lagu dhawaaqo natiijada cidda ku guulaysanaysa xilka guddoomiyenimada baarlamaanka adduunka.

Dadka u tartamaya waxaa ka mid ah xildhibaanad ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya, Marwo Bashiir Xaaji.

Marwo oo bilihii u dambeeyey wadday olole ay ku doonaysay in ay xilkaas qabato ayaa waxaa ku taageeray labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, laakinse markii dambe waxaa soo baxay warqad la sheegay in loo qoray baarlamaanka adduunka om lagu sheegay in ay ka baxday tartanka.

Xil. Marwo waxay u sheegtay BBC in aysan ka bixin tartanka, isla markaana aysan ogayn sababta keentay in warqad tartanka ay uga baxayso la qoro.

Inkastoo la filayo in maanta oo Jimce ah lagu dhawaaqo natiijada, misna waxaa jira xildhibaannada baarlamaanka qaarkood, kuwaasoo raja weyn ka lahaa in Marwo aan la hagran, laakinse hadda u muuqda inay aad uga niyad jabsan yihiin.

Xildhibaannadaas waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo "xildhibaan kasta waxaa laga jaray $200 oo loogu tala galay in ololaheeda lagu taageero. Intaa waxaa dheer inay galaangal ka dhex samaysay qaybaha kale ee bulshada” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

"Waxaa ayaan darro ah haddii, ilaahey ma keenee, ay gabadhaas libin ka keeni weyso tartankaas isaga ah oo ay ku soo jirtay bilaha badan oo dadaalka intaas le’eg oo isugu jira tamar iyo dhaqaale iyo soo jeed badan, guddoomiyaha golaha shacabka ayaa qaadaya mas’uliyadda haddii ay soobixi weydo” ayuu yii raaciyey Cabdiraxmaan CabdiShakuur.

Yaa la tartamaya marwo?

Sanadkaan qabashada xilka madaxweynaha ee Baarlamaanka Adduunka, waxaa si gooni loogu xiray haweenka Africa, taas oo fursad gooni ah siiyay gabdhaha xildhibaanada ah ee Marwo kamid tahay.

Kadib araaji ay qorteen tobanaan xubno haween ah oo ka tirsan baarlamaanada kala duwan ee Afrika, ugu dambeyn waxaa loo xulay afar haween ah inay noqdaan tartamayaasha rasmiga ah ee Booskaan.

Adji Diarra Mergane Kanouté, oo ka socota Senegal, Catherine Gotani Hara, oo ka socota Malawi, Tulia Ackson, oo ka socota Tanzania iyo Marwa Abdibashir Hagi, oo ka socota Somalia ayaa loo doortay inay u tartamaan booska madaxweynaha.

Adji ayaa haatan ah madaxweyne ku xigeenka Baarlamanaka Aduunka, halka Tulia ay tahay Madaxa qaybta siyaadda Africa ee Baarlamanaka Adduunka.

Marwo ayaa aaminsan inay leedahay khibrad ku filan oo ay ku qaban karto booska ay u tartameyso. "Waxaba ima dheera dadka u tartamaya," ayay tiri Marwo.

Inta u dhaxeysa 23 ka bisha October ilaa 27 ka bisha, ayay sheegtay Marwo in la isugu imaan doono magaalada Luanda ee dalka Angola, si ay doorashooyinku u bilowdaan.

IPU

Xigashada Sawirka, IPU

Muxuu yahay booskaan?

Baarlamaanka Adduunka ayaa la aasaasay sanadkii 1889 kii, iyada oo ay xubno ka yihiin baarlamanada 179 dawladood oo dunida oo dhan ah.

"Dadku waxay yaqaanaan Qaramada Midoobay oo kaliya, oo la shaqeeya hay'adaha fulinta, hay'adaha sharcidajintana waxaa la shaqeeya Baarlamanaka Addunka," ayay tiri xildhibaan Marwo oo la hadlaysay BBC da.

"Waa boos sare oo ay Soomaali [gaareyso] ma ahan inay Marwo oo kali ah gaareyso".

Baarlamaanka adduunka ayaa saameyn ku leh baarlamaanada kale ee dunida ee qaybta ka ah. Inta badan arrimo la xariira shuruucda ayuu kala shaqeeya baralamanada kale, iyada oo qofka madaxweynaha ka ah uu leeyahay go'aamo sare.

Soomaaliya oo muddo ku jirtay burbur iyo colaado ayaa ka maqneyd saaxadda ururo badan oo caalami ah, tartanka Marwo ee booskaan ayaa laga yaabaa inuu faa'iido u yahay Soomaaliya oo dib uga soo hor muuqaneysa madalo caalami ah.

Marwo

Xigashada Sawirka, Marwo

Waa tuma Marwo?

Marwo Bashiir waa xildhibaanad ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo laga soo doorto dawlad goboleedka Puntland.

ka hor inta uusan dhicin burburkii Soomaaliya ayay iyada iyo qoyskeedu u guureen qurbaha, iyada oo gaartay dalka Maraykanka, balse markii dambe u waxay u guurtay waddanka Canada oo ay ku qaadatay heerarka koobaad iyo kan labaad ee Jaamacadda sida ay u sheegtay BBC.

Marwo ayaa sheegtay inay u soo shaqaysay shirkad shidaal oo laga leeyahay Imaaradka Carabta, iyada oo markii dambana shaqo ka bilowday Soomaaliya oo ay qayb ka noqotay wasaaradda Batroolka ee Soomaaliya. Waxay sheegtay inay ka shaqaysay nidaamka isgaarsiinta ee shidaalka iyo macdanta Soomaaliya.

Marwo ayaa ka mid noqtay baarlamaanka 11 aad ee Soomaaliya, oo doorashadiisu ay daba dheeraatay.