Muxuu caafimaadku ka qabaa ilka-dawacada, dalqada la jaro iyo saliida gawaarida oo la isku daweeyo?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Ahmed Cadceed
- Role, Freelance Journalist
'Nin buka boqol u talisay' - waa maahmaah Soomaaliyeed oo ka turjumeysa sida qof waliba xil iyo door dhaqtarnimo uga qaato marka uu xanuunsado qof qoyskiisa kamid ah.
Xogaha ugu halista iyo dhibaatada badan ee ay Soomaalidu faafiso waxaa ka mid ah talooyinka caafimaad ee ay bixiyaan dadka aan lahayn aqoon caafimaad. Adiga oo doonaysa inaad caaawiso qofka ayaad dhibaato kale u keensan karta ama ugasii dari kartii tii awalba haysatay.
Cabdullaahi Maxamed Cumar Waa nin dhalin yaro ah oo dhibaato kasoo gaartay talo caafimaad oo uu siiyay saaxiibkiis oo aan dhaktar ahayn.
“Waxaan la joogay yar saaxiibkay ah oo Addis Ababa igusoo dhaweeyay," ayuu yiri Cabdullaahi oo dib u goconaya wixii ku dhacay. "Waxaan qabay xabeeb dabiici ah balse saaxiibkay uma sheegin...maalinkii dambe ayuu yiri waa in xal laguu helaa, kadibna wuxuu ii geeyay haweeynay meel makhaayad ah shidanaysa"
"Wuxuu islaantii ku yiri ninkan xabeebta kasoo bi’i, kadibna waxay gashay meel gadaal ah, waxbey isku soo qasqastay wayna ii keentay, waan cabay,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Cabdullaahi wuxuu sheegayay inuu markaas kaddib laba todobaad matagayay, ayna saameysay cunto cunistiisa.

Xigashada Sawirka, Sadaam
Maxay dhaqaatiirtu ka yiraahdeen arrinkaan?
Diktoor Cabdixakiim Salaat Nageeye, waa dhakhtar ku takhasusay cudurrada maqaarka wuxuuna ka shaqeeyaa isbitaalka jaamacadda Jasiira ee magaalada Muqdisho. Diktoor Cabdixakiin wuxuu si joogta ah ula kulmaa dad ay dhibaato kasoo gaartay talo qaldan oo uu siiyay qof aan aqoon u lahayn cudurrada maqaarka.
"Bukaan ayaad u qoraysaa dawo. Bukaanka dawada waxaad ugu qortay markaad fiiriso warbixinta aad ka qaadday iyo haddii uu baaritaan jiro baaritaanka aad ka qaadday markaad isku darto kadib ayaad dawada u qoraysaa,” ayuu yiri diktoor Cabdixakiim.
“Laakiin qofkii aad dawada u qortay intuu boxo ayuu qof uu hayo xanuunkii mid u eg balse aysan isku mid ahayn ayuu u qoraa dawadii aad siisay,”.
Dhaqtarka ayaa sidoo kale sheegay in marar badan ay la kulmaan bukaan qaba cudurrada maqaarka oo la siiyay talo aan cilmiyeysnayn kadibna qofkii ay ugasii darto, isaga oo tusaale usoo qaatay in dadka qawadka qaba lagu daweeyo saliid fariin/bareeg.
“Waxaa la iikeenay qof inta saliidaas jirkiisa meel ka mid ah lagu shubay uu jirkii go’ay,”
Arrin kale oo halis ah ayaa ah kareemada kiimikada laga sameeyo ee haweenku marsadaan, kuwaas oo iyaga oo aan shaybaar lagayn la isku daro waxyaaba halis ah.
Dhanka kale dhaqtar Maxamuud Cali Kaahiye oo ah dhakhtar guud kana hawlgala degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in dhibaatooyinka ugu badan ay dadka kasoo gaaraan daweynta aan cilmiyeysanayn sida ilkaha caruurta laga bixiyo iyo dalqaha.

Xigashada Sawirka, Dr Cabdixakiin
Caruurta yaryar ee ay ilkuhu usoo baxayaan ayaa lagu yaqaan in ay gacanta afka geliyaan, waxayna taas ka qaadaan sida uu sheegay diktoor Maxamuud, calool xanuun iyo shuban uga yimaad gacmaha aan nadiifta ahayn ee ay afka gelinayaan caruurtu. Balse hooyooyinka ayaa aaminsan in ilkuhu ay keenaan shubanka isla markaana waxaa loo geeyaa qof aan aqoon caafimaad lahayn kaas oo ka bixiya ilkaha.
Sababta ay tani u noqotay wax la aamino ayuu diktoor maxamuud ku tilmamaayay in marka ilmaha laga saaro ilkaha ee dhaawac loo yeelo uu ilmuhu joojinayo gacanta uu afka geliyo si uusan dhaawaca isaga damqin, saas darteedna jeermiskii soo raacayey gacanta aan nadiifta ahayn uu sidaas kaga badbaadayo.
Taas baddelkeeda waxay dhakhaatiirtu ku talinayaan in nadaafadda lagu dedaalo hadii uu shubaku ilmaha ku dhacana loo geeyo dhakhaatiirta ee aan laga bixin ilkaha.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ilkaha oo la bixiyo waxaa ka dhasha laba dhibaato; marka kowaad waxaa dhacda in ilmuhu dhiig boxo weliba uu dhiiggu gudaha u galo sidaasna uu ku geeriyoodo, iyo qalabka lagu bixiyo ilkaha ama dalqaha lagu gooyo oo aan nadiif ahayn, kuwaas oo “caabuq ku keena qofka” ama in qalabkani uu faafiyo cudurada sida cagaarshowga iyo waxyaabo la mid ah maadamaa dad xanuunna kale qaba isla qalabkan hore loogu adeegsaday.
Diktoor Maxamuud ayaa tusaale usoo qaatay dhacdo naxdin leh oo uu nala wadaagay.
“Waxyaabaha xusuustayda aan ka go’in waxaa ka mid ah, cunug dhashay oo aad u yar oo lagasoo baxshay ilko, kadibna soo dhiig baxay dhiigiina uu weliba gudaha ugu laabtay isla markaana goorya nalasoo gaarsiiyey uu dhiiggii ka dhamaaday, inta aan la gaarin in dhiig lagu shubana uu ilmihii dhintay,”.
Waxaa kale oo uu ka sheekeeyay, ilma caruur ah oo matagayey kadibna lagu muday irbadda matagga joojisa ilaa uu heer khatar ah ka gaaray.
“Waxaa kale oo aan xasuustayda ka bixin, hooyo inta ilmaheeda ka matagay, farmashi geysay kadibna la siiyey irbad matag joojin ah, markii la siiyeyna ay xaaladiisii gashay khatar ilaa uu qalal gaaaray oo qoortiisii gadaal u dhacday,” ayuu sii raaciyey diktoor maxamuud oo ka sheekaynayey dhacdooyinka uu la kulmay ee ku saabsanaa talo ama tallaabo caafimaad oo uu sameeyay qof aan aqoonteeda lahayn.










