Hogaamiyaha calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee magaalada Bakhmut oo sheegay in la go’doomiyay ciidammadii Ukraine

Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidammada waddanka Ruushka iyo calooshood u shaqeystayaal la socda ayaa ku sii siqaya wadadii ugu dambaysay ee laga soo galo magaalada Bakhmut ee dalka Ukraine taas oo muddo go’doon ku jirtay, warkan ayaa soo baxay Jimcihii markaas oo Ruushku uu gaaray guushii ugu weyneyd ee uu gaaro muddo lix bilood ah kaddib dagaal qaraar oo uu dhiig badan ku daatay.
Madaxa ciidammada sida gaarka ah loo leeyahay ee Ruushka ee Wagner ayaa sheegay in magaalada oo la duqeeyey ay hadda ku dhowdahay in gebi ahaanba ay burburtay, iyadoo hal meel oo laga baxo ay u furan tahay ciidammada Ukraine.
Weriyeyaasha wakaaladda wararka ee Reuters oo ku sugan galbeedka magaalada ayaa arkay dadka reer Ukraine oo qodaya dhufeysyo cusub oo ay ku difaacayaan magaalada, waxaana taliyaha qaybta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine oo muddo bilooyin ah ku sugnaa gudaha magaalada uu sheegay in lagu amray inuu baxo.
Guul laga gaaro magaalada Bakhmut, oo ah magaalo ay dagaalka kahor ku noolaayeen 75,000 oo qof, ayaa siin doonta Ruushka guushii ugu horreysay ee tan iyo xilliga qaboobaha markaas sannadkii la soo dhaafay ay u yeereen boqollaal kun oo ka tirsanaa ciidammada kaydka.
Ruushka ayaa sheegay in arrintan ay noqon doonto tillaabo loo qaaday sidii lagu qaban lahaa aagga ku xeeran deegaanka Donbas, taas oo hadaf muhiim ah u ah dagaalka soconaya.
Ciidammada Ruushka iyo kuwa Ukraine ayaa ku dagaallamaya waddooyinka magaalada Bakhmut – balse Ruushku muusan la wareegin gacan ku haynta magaaladan ku taal bariga, waxaa sidaasi sheegay maayir kuxigeenka magaalada.
Oleksandr Marchenko ayaa sidoo kale BBCda u sheegay in 4,000 oo qof oo rayid ah ay ku nool yihiin guryo cooshado ka samaysan iyagoon heli karin gaas, koronto iyo biyaba.

Xigashada Sawirka, Reuters
Mr Marchenko ayaa sheegay in “uusan jirin dhisme” uusan burbur soo gaarin magaaladuna waa ay burburtay inteeda badan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bakhmut muddo bilooyin ah ayuu ka socday dagaal, xilli ciidammada Ruushka ay isku dayayaan inay la wareegeen gacan ku haynta magaalada.
“Dagaal ayaa ka soconaya meel u dhaw magaalada sidoo waxa uu dagaal ka socdaa waddooyinka magaalada,” ayuu yiri Mr Marchenko.
Ciidammada Ukraine waxay bilihii ugu dambeeyay ee 2022 dib ula wareegeen inta badan dhulkii laga qabsaday balse ciidammada dalkaasi ayaa muddo saddex bilood ah wada dagaalka si ay u difaacaan magaalada.
Waxay sheegayaan in magaaladu ay leedahay qiimo aan buurnayn oo istiraatijiyadeed laakiin khasaare weyn oo halkaas ka dhaca ayaa go'aamin kara sida uu dagaalka u jihaysan doono.
Hogaamiyaha Wagner Yevgeny Prigozhin, oo lagu arkay isaga oo ku labisan dareeska militariga mar muuqaal laga soo duubay, ayaa ugu baaqay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky inuu amro inay isdhiibaan ciidammadiisa ku sugan magaalada Bakhmut si loo badbaadiyo nolosha askartiisa.
Calooshood u shaqeystayaal ka tirsan shirkadda gaarka loo leeyahay ee Wagner ayaa hareereeyay magaalada Bakhmut. Hal dhabbe oo keliya ayaana u haray,” ayuu yiri.
Kaamarada ayaa muujisay saddex nin oo reer Ukraine ah oo la qabtay – waa oday garkiisu uu cadyahay iyo laba wiil - kuwaas oo ku baryootamaya in loo ogolaado inay guryahooda dib ugu laabtaan.
Dhismayaasha ka dhexmuuqanaya video-ga ayey wakaaladda wararka ee Reuters ku tilmaamaysaa in muuqaalkan lagu duubay deegaanka Paraskoviivka, oo ah tuulo 7 kilomitir waqooyi ka xigta magaalada Bakhmut.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Labada dhinacba waxay sheegayaan in dagaalka ka socda magaalada Bakhmut uu gaystay khasaare lixaad leh.
Xukuumadda Kyiv ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay weli joogaan magaalada, iyadoo dhanka kale qirtay in xaaladdu ay ka sii dartay toddobaadkan.
Volodymyr Nazarenko, oo ah taliye ku xigeenka ciidamada ilaalada qaranka Ukraine, ayaa u sheegay warbaahinta NV ee Ukraine in xaaladdu ay aad u xuntahay, iyadoo dagaalku uu socday “habeenkii oo dhan”.
"Dadka ka dhimanaya maba u xisaabsano oo waxa ay soo wadaan duullaanka ay ku doonayaan inay ku qabsadaan magaalada. Howsha ay ciidamadeenna ka wadaan Bakhmut ayaa cadowga ku qasabtay inuu soo gaaro khasaare wayn, mitir kasta oo ka mid ah dhulka Ukraine wuxuu u dhigmaa boqolaal naf oo cadowga ah," ayuu yiri.
"Waxaan u baahanahay hub badan intii suurtagal ahba, halkan waxaa jooga Ruush badan waxaanan jeclaan lahayn inaan helno hub badan oo aan ku burburinno."
Taliyaha qaybta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ee ka hawlgala gobolka Bakhmut, Robert Brovdi, ee loo yaqaan "Madyar", ayaa muuqaal uu soo dhigay baraha bulshada ay kuwada xiriiraan waxa uu ku sheegay in cutubkiisa lagu amray inay si degdeg ah uga baxaan magaalada.
Waxa uu intaasi ku daray in muddo 110-maalmood ah uu ka dagaalamayey halkaasi, mana uusan sheegin sababta keentay in la siiyo amarka uu halkaasi uga baxayo.










