Muxuu yahay geedka haddii xooluhu daaqaan ay ku dhimanayaan?

Xigashada Sawirka, Saciid Nadaara
- Author, Saciid Cabdullaahi Kulmiye (Nadaara)
- Role, Wariye
- Reporting from, Gaalkacyo
Xoola dhaqatada ku nool deegaanada Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujinaya xanuun ku dhacaya xoolaha, kaas oo neefka uu haleelo ku keenaya in uu dhaqso u naf baxo.
Qaar ka mid ah xoola dhaqatada ayaa aaminsan in xanuunkaasi ka dhasho cunista geedka loo yaqaan Xajiin, oo si weyn uga baxa dhul ballaaran oo ka mid ah gobollada Soomaaliya.
Shariif Xalane, oo aan kula kulanay deegaanka Dhardhaar ee degmada Bandiiradley, gobolka Mudug, ayaa sheegay in Geela iyo Ariga ay ku le'anayaan xanuunkan aan la garan, kaas oo ku dhaca marka ay daaqaan geedka Xajiinka.
"Xajiin baa la yiraahdaa Geedkaas, Illaahay qadartiis Xoolihii daaqay Geel iyo Ari way u le'anayaan, hadaan mindida dhaqso loola gaarin wuu bakhtinayaa," ayuu yiri Shariif Xalane.
Wuxuu intaa raaciyay "neefka daaqa shan bilood oo kale qabsinka ayuu xirayaa" .
Sababo la xiriira halista geedkaas, qaar ka mid ah xoola dhaqatada ayaa bilaabay inay ka guuraan dhulka uu ka baxo Geedka Xajiinka, si ay uga fogaadaan khatarta uu ku keeno xoolahooda.
"Labaatan sano muddo ah ayuu xoolaha ku laynayaa deegaanka aan joogno ilaa 30 Hallaad ayuu ku dilay jiilaalkii hore, jilaal kasta waa noocaas,...dhul ballaaran ayuu ku fiday oo xoolo badan ugu le'deen, markii Geelii baaba'ay qofkii neef u haray wuu kala baxay" ayuu yiri, Shariif Xalane.

Xigashada Sawirka, Saciid Nadaara
Dr. Cabdi Majiid Diirshe Duwe, oo ka mid ah dhaqaatiirta xoolaha, ayaa xaqiijiyay jiritaanka xanuunka. Wuxuu sheegay inuu ku dhaco xoolaha marka ay waqti dheer daaqaan geedka Xajiinka, gaar ahaan xilliyada abaarta, marka dhirta kale ee ay caadiyan daaqaan ay yaraato.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Geedkan xooluhu daaqayaan xanuuno ayaa ka dhasha, xanuunka ka dhasha waxa loo yaqaanaa calool qabsin,.. badanaa xoolaha waxa sababa inay cunaan xilliga abaarta ama marka naq ay waayaan, neefku marka uu cuno aad buu u jeclaanayaa, aad buu u cunayaa oo isaga badinayaa, haddii neefka biyo badan la siin waayo wuu u bakhtinayaa", ayuu yiri Dr. Cabdi Majiid Diirshe Duwe. Dr.
Duwe wuxuu ku booriyay xoola dhaqatada inay feejignaadaan, isla markaana xoolaha siiyaan biyo badan haddii ay dareemaan in xooluhu daaqeen geedka Xajiinka.
"Way jiraan habab lagula tacaali karo ama lagu daweyn karo, neefka geedka lagama ilaalin karo, waxan u soo jeedinayaa xoola dhaqatada in neefka la siiyo biyo badan marka la dareemo inuu daaqay meel Geedkan ku yaal, ama la siiyo daawooyinka caloosha socod siiya", ayuu yiri Dr, Cabdi Majiid Diirshe Duwe.
Dr. Cabdi Majiid Diirshe Duwe ayaa sheegay inay jiraan dad neefka siiya olyo iyo saliid, isagoo kula taliyay inay joojiyaan waxa khaldan ee ay siinayaan xoolahooda.
Xoola dhaqatada ayaa codsaday in baaris cilmiyeed lagu sameeyo sababta keenta in xooluhu xilliyo gaar ah dhimasho ku dhacdo marka ay cunaan geedka Xajiinka.
Geedka Xajiinka ayaa ka mid ah dhirta ka baxda deegaanada Soomaaliya, waxaana xooluhu aad u daaqaan xilliyada abaarta iyo jiilaalka, marka dhirta kale caleentu ka dhacdo, maadaama isagu uu qoyan yahay doog iyo diraac.

Xigashada Sawirka, Saciid Nadaara
Xaaladdan ka dhalatay geedkaan Xajiinka ah ayaa ku soo aadaysa xilli deegaanno badan oo Soomaaliya ah ay abaari ka jirta isla markaana saameynta geedka ay sii xumeyn karto bad-qabka xoolaha.













