Muxuu Shiinuhu isaga mamnuucay manaafacaadka xoolaha ee looga dhoofin jiray dalal ay Soomaaliya ku jirto?

Xoolaha laga dhoofiyo Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Social

Shiinaha ayaa dalkiisa ka mamnuucay xoolaha laga keeno dalalka Afrika, Aasiya iyo Yurub ee lasoo dhoofiyo kuwaas oo ay kamid yihiin Idaha, Ariga, Digaagga iyo nooc deerada ka mid ah, sababo la xiriira cudurrada xoolaha ku dhaca sida busbuska iyo xanuunnada kale ee afka uga dhaca xoolaha.

Mamnuucidda, oo ay ku jiraan badeecooyinka warshadaysan iyo kuwa aan la farsamayn, ayaa timid ka dib markii Ururka Caafimaadka Adduunka uu shaaciyay macluumaad ku saleysan xanuunno ka dillaacay dalal kala duwan, sida lagu sheegay ogeysiisyo isdaba joog ah oo uu soo saaray Maamulka Guud ee Kastamka Shiinaha.

Mamnuucidda dalka hilibka ugu badan ee caalamka soo dejista ayaa saameynaysa dalalka Ghana, Soomaaliya, Qadar, Congo (DRC), Nigeria, Tanzania, Masar, Bulgaria, East Timor iyo Eritrea.

Qiyaas la sameeyay sanadkii 2023 ayaa lagu sheegay in ilaa 70% xoolaha Soomaalida oo isugu jira geela, lo'da, ariga iyo idaha oo qiimahooda sannadkii lagu qiyaasay $1 Bilyan loo dhoofiyo Boqortooyada Sacuudiga.

Mar aan isku daynay inaan arrintan wax ka weydiinno dowladda Soomaaliya ayaysan inoo suurtogelin inaan jawaab ka helno.

Shiinaha ayaa sidoo kale sheegay in uu joojiyay idaha, ariga iyo manaafacaadka kale ee xoolaha ee uga imaan jiray Falastiin, Pakistan, Afgaanistaan, Nepal iyo Bangaladesh sababo la xiriira xanuunkan busbuska xoolaha ku dhaca ah oo dillaacay.

Waxay sidoo kale xannibtay soo dejinta manaafacaadka kale ee xoolaha ee Jarmalka ka dib markii uu dillaacay cudur kale oo xoolaha ku dhaca.

Maxaan ka ognahay xanuunka busbuska ee xoolaha?

Busbuska idaha iyo riyaha ayaa ah cudur fayras ah oo isaga gudba xuduudaha, kaas oo keeni kara khasaare wax-soo-saar la'aaneed, oo kaliya aan khatar ku ahayn hab-nololeedka beeralayda balse sidoo kale saameeya ganacsiga.

Marka la eego faafitaankii ugu dambeeyay ee laga soo sheegay Caucasus, Xiriirka Ruushka iyo Bartamaha Aasiya, waxay noqotay mid sii kordheysa oo muhiim ah in kor loo qaado wacyiga iyo u diyaargarowga dhakhaatiirta xoolaha iyo xirfadleyda xoolaha, kuwaas oo ah ka jawaabeyaasha ugu horreeya.

Hay'adda FAO ee Yurub iyo Bartamaha Aasiya ayaa bixisay tabobar dhanka internetka ah oo ku saabsan ka hortagga iyo maaraynta busbuska ariga.

Waxaa xilligaasi ka faa'iideystay Ururka Yurub ee Xirfadlayaasha Waxbarashada Xoolaha (VetCEE).

Xanuunnada ku dhaca xoolaha

Xigashada Sawirka, Social

Xanuun sanadkii hore lagasoo sheegay xoolaha Soomaaliya

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bishii August ee sanadkii hore, deegaanno ka mida dhulka miyiga ee gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa laga soo sheegay inuu ka jiro xanuun ku dhacaya xoolaha.

Xanuunkaan oo loo yaqaanno Jadeeco Madow, dadka qaarna u yaqaanaan ku Habso ayaa maamulka Galmudug waxaa uu sheegay in uu kaga yimid dhanka dalka Itoobiya.

Sida uu xilligaas BBC-da u sheegay Dr Suleymaan Maxamed Saalax Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Galmudug ahna Dhaqtar bartay daaweynta cudurrada ku dhaca xoolaha calaamahadaha lagu garto waxaa ka mid ah:

  • Qandho badan iyo tabar darro
  • Dheecaan sanka uu neefka ka sii deynayo
  • Afka oo neefka uu burburayo
  • Shuban iyo neefta oo dhibeysa
  • Dhogorta oo madoobaanesyo
  • Maahsanaan neefka la soo darseeyso

Waxaana jirta in marka uu xoolaha xanuunkan ku dhaco uu neefku toddobaad kadib dhimanayo.

Dhinaca kale muran la xiriira dhoofka xoolaha ayaa dhawaanahan kajiray Soomaaliya.

Warar aanay BBC-du u xaqiijin karin si madax banana ayaa sheegaya in dhoofka xooolaha Soomaaliyeed ay dowladda Soomaaliya u xirtay ganacsadde Ajanbi ah, arrintaasoo ay qeylo dhaan ka muujiyeen ganacasatada xoolaha iyo xildhibaano ku dhow ilaa 100 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya .

Xildhibaannada oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray warqad ku saabsan cambaareeyn ku aadan dowladda Soomaaliya oo ah in qof Ajnabi ah si gaar loogu xiray dhoofinta xoolaha Soomaaliyeed.

Xildhibaanada ayaa dhanka kale ka digay in haddii dowladda ka laaban weydo go'aankaas ay qaadi doonaan tallaaboyin kale.