Wiil Somaali ah oo qaxootiga ka dhoofay balse dheef kula soo noqday

Cabdi Aadan Khaliif

Xigashada Sawirka, MOwliid Xujaale

Qoraalka sawirka, Cabdi Aadan Khaliif
    • Author, Moowliid Xujaale
    • Role, Weriye Madaxbannaaan

In ka badan labaatan sano ayuu Cabdi Adan Khalif ku noolaa xerada Qaxootiga ee Dadaab, ma haysan fursad shaqo iyo mid waxbarasho toona balse nasiib wanaag markuu dalka Ingiriiska dib-u-dejin ka helay ayaa muddo shan sano gudohooda wuxuu la soo laabtay Haya'ad waxbarasho oo ay ka faa'iideystaan dhalinyarada ku sugan xeryaha Kenya.

"Mar walbo waxaan raadin jiray fursad aan wax ugu qaban karo dadkii aan ka soo tagay, waayo waan xusuustaa nolosha adag ee aan kusoo koray," ayuu yiri Cabdi.

Sannadii 2011 ayaa Cabdi loo soo dhoofiyay dalka Ingiriiska, muddo yar kadib waxuu ka shaqo bilaabay hay'adda Refugee Action oo ka shaqeysa dib-u-dejinta qaxootiga kana caawisa isdhexgalka buslshada.

Sida ay sheegtay hay'adda UN-ka u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, Boqolkibo 77 qaxootiga kunool Kenya waa Caruur & Haween. In ka yar sadex meelood, hal meel oo ah caruurta da'ada iskuulka gaartay ayaan fursad u helo waxbarashada dugsiga sare. Boqolkiiba 13 kaliya oo Dhalinyarada ayaa waxbarasho heer jaamacaded hela.

Sannadii 2015-ka ayuu Cabdi, isagoo howlihiisa shaqo ku jira, fursad u helay inuu ka hadlo munaasabad looga hadlaayey arimaha qaxootiga, halkaas oo uu kuso bandhigay xaalada ka jirta xeradii uu kusoo barbaaray gaar ahaan rajo xumada mustaqbalka dhalinyarada.

Kadib markay xafladii dhammaatay ayaa qaar ka mid ah kasoo-qeybgalayaashii lasoo xiriiray Cabdi oo weydiiyay sida ay u caawini karaan dhalinyarada ku xanniban xeryaha ee aan haysan fursad waxbarasho sare. Halkaas ayaa waxaa ka dhashay fikirka lagu asaasay hay'add uu horsed ka yahay oo la magac baxday "HELP Dadaab"

HELP Dadaab oo ka diwaan gashan dalka UK ayaa waxay xoogga saartay sida ay ugu raadini lahayd fursado waxbarasho dhalinyarada qaxootiga joogo oo dugsiga sare dhameeyay balse aana haysan waxbarasho dheeraad ah.

Arday

Xigashada Sawirka, Assad/UNHCR

Qoraalka sawirka, Arday

Cabdi oo kaashanaya shaqsiyaad gaar ah oo tabarrucaad ballan qaaday ayaa waxuu la xiriiray Machadka Cambridge International College oo ku yaalla dalka UK, kaasoo ogolaaday inuu Koorsooyin qiimo dhimis ku siiyo.

Sannadkii ugu horeeyey waxay deeq waxbarasho oo heer dibloma ah siiyeen 33 arday oo rag iyo haween isugu jira balse sannadkan oo ah kii 5-aad waxaa lasiinayaa 105 arday oo shan ka mid ah yihiin ardaydii horey oo loo bilaabaayo jaamacad shahaadada heerka koowaad.

Hay'adda maadaama ay wax dhaqaalo dowlad ama UN ka helin, Cabdi isagu wax mishaar ah kuma shaqeeyo, waqtiigiisa iyo cilmigiisa ayuu ugu deeqaa.

"Aniga riyadaydu waxay tahay inaan mustaqbal waanaagsan u dhiso dhalinyaradaas meesha ku jiraan marka waan ku faraxsanahay inaan si bilaash ah ugu shaqeeyo," ayuu yiri.

"Guud ahaan ku dhowaad 300 arday ayaa ka faa'iideysatay, sanad waliba way sii kordheysaa tirada, waxaana rajaynaynaa inaan hay'addan gaarsiino gobolka bariga Afrika oo dhan," ayuu raaciyay.

Xeryaha qaxootiga Dadaab oo ku yaalla waqooyi bari Kenya waxaa ku nool dad kor u dhaafaya 250,000 oo qof, oo badankooda ah Soomaalidii ka so qaxday dagaalkii sokeeye ee sanadkii 1991.