Baraf dilay qaxooti Suuriyaan ah

15 qaxooti Suuriyaan ah - oo qaarkood carruur yihiin - ayaa la helay ayagoo barafoobay oo sidaa ku dhintay, mar ay isku dayayeen inay ka gudbaan dhulka buuraleyda ah ee xuduudda Lubnaan.
13 meyd ayaa Jimcihii la helay, laba kalena Sabtidii ayaa la helay, ka dib markii nawaaxigaas uu ku dhuftay baraf duufaan watay.
Saraakiil ka tirsan Lubnaan ayaa meydadka helay, ka dib markii la soo gaarsiiyey in koox qaxooti ah ay ku dhibaataysan yihiin meel u dhow Masnaa.
Warar deegaanka ka imaanaya waxay sheegayaan in dadkaas ay goobta kaga tageen qolooyin tahriibinayey.
Labo ka tirsan qolooyinkaas ayaa la qabtay.
Dhowr qof oo qaxootiga ka mid ah ayaa la badbaadiyey, waxaana ku jiray wiil yar oo la helay isagoo garan la' meel uu u dhaqaaqo.
Kooxda ayaa qaaday isla marinkii ay hore u qaadeen boqolaal kun oo Suuriyaan ah oo ka cararayey dagaalka dalkooda ka socda.
Lubnaan oo ay ku nool yihiin ilaa 4 Malyan oo qof ayaa qaadatay ilaa hal malyan oo Suuriyaan ah, tan iyo markii uu dagaalku billowday 2011.
Maamulayaasha Lubnaan ayaa soo rogay xannibaado cusub 2015, ayagoo isku dayaya inay xadiddaan tirada qaxootiga dalkooda imaanaya.










