Maxay madaxda Iimaaraadku u noqdeen bartilmaameedka Borobagaandada kooxaha xagjirka ah ee Al qaacida ay ka midka tahay

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, BBC Monitoring
Todobaadyadii la soo dhaafay dhowr urur oo Jihaadiyiin ah ayaa soo saaray bayaanno ka dhan ah Imaaraadka Carabta, iyagoo u cuskanaya sababo kala duwan.
Sababahaas waxaa ugu cad in Imaaraatka Carabta lagu eedeeyay in ay taageeraan falaagada Sudan ka dagaallanta ee RSF.
Hadaladan ku saabsan Imaaraadka ayaa ku soo aadaya xilli ciidamada RSF ay qabsadeen magaalada Al-Fashir ee dalka Sudan bishii lasoo dhaafay waxaana halkaasi ka soo baxayay warar sheegaya in ay dhaceen dilal baahsan.
Waxaa laga yaabaa in dacaayadaha ugu yaabka badan ee ka dhanka ah dalalka Khaliijka ay tahay hadal kasoo baxay Al-Qaacidada Yemen 7-dii Nofember, kaasoo Al-Qaacida ay ku sheegtay inay weerarro ku qaadayso qoyska maamula Imaaraadka Carabta iyo danaha ay ka leeyihiin caalamka.
Hadalkan ayaa Iimaaraadku wuxuu uu la barbar dhigay inuu ka mid yahay quwadaha dunida sida Israa'iil iyo Maraykanka
Ururka AQAP (Al-Qaacidada jasiiradda carabta) ayaa ku andacoonaysa in isla quwadahan adduunku ay ku amreen Imaaraadka inay soo farageliyaan Suudaan.
Sida ay qabaan dadka wax indha indheeya, waxaa jira dhowr arrimood oo kale oo ka careysiisay kooxaha jihaad doonka ah ee caalamka, sida soo celinta xiriirkii ay la lahaayeen Israa'iil oo lagu eedeeyay in ay taageereen ajande siyaasadeed oo aan la jaan qaadi karin fikirka Islaamka.
Imaaraatka Carabta ayaa hantideeda saliidda ah u adeegsaneysa in ay saameyn ku yeelato Liibiya, Yemen, Suudaan, Suuriya iyo dalal kale oo ay colaado ka jiraan in muddo ah, sidaas darteedna waxa ay noqdeen kuwo ay saaran tahay diiradda kooxaha jihaad doonayaasha ah.
Kooxdu waxay ka shakisan tahay in Iimaaraadka carabta ay ka shaqaynayaan ajende ay wataan Israa'iil iyo dalalka galbeedka.
Suudaan iyo Iimaaraadka

Xigashada Sawirka, SHAHED / AQAP
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xiisadda ka taagan Sudan waxay sii laba lixaadsatay markii todobaadyadii la soo dhaafay ay RSF qabsatay magaalada El Fasher.
Kooxaha jihaad doonka ah ee mayalka adag ayaa ku andacoonaya in Imaaraatka Carabta ay sidoo kale ku lug leeyihiin dilalka la sheegay in ciidamadaas ay u geysteen dad rayid ah oo muslimiin ah.
Shaqsiyaad aaminsan mabda'a Islaamka oo isticmaalaya hashtagyada afka Carabiga ah ayaa ku tilmaamay in Iimaaraadku uu "Tooreey sumeysan" dhabarka ka galiyay umadda Muslimka ah, halka qaarkood ay sheegeen in khilaaf kasta oo gobolka ka dhaca uu ka dambeeyo Imaaraadka Carabta.
Isla fariimahan oo kale dabayaaqadii Oktoobar, barta Telegram-ka ee 'Jihad al-Sham' ayaa si adag u dhaleecaysay Imaaraadka Carabta oo ay ka hadashay 'in la rido' qoyska xukuma Imaaraadka Carabta.
Wadaadka Islaamiga ah ee Suuriya ee saamaynta leh Abdul-Razzaq al-Mahdi ayaa Tel Aviv ku eedeeyay inay "taageerto" jabhadda RSF, halka kuwo kalena ay sheegeen in Imaaraadku uu faragelin ku hayo Suudaan ayadoo la fulinayo rabitaanka dalalka reer galbeedka.
Taageerayaasha kooxaha jihaad doonka ah ee Islaamiga ah ayaa Imaaraadka Carabta ku tilmaamay mid wax duminaya.
Suudaan ayaa si lama filaan ah dareenka u soo jiidatay muddo dheer ka dib. Kooxaha mayalka adag ee Islaamiyiinta ayaa si kulul u cambaareeyey Israa'iil dagaalkii ay ku qaadday Qasa.
Hadda oo fagaaraha Qaza uu xasilloon yahay, waxaa jira hadal hayn badan oo ku saabsan ku xadgudubka xuquuqda aadanaha ee Suudaan.
Saamaynta Jihaadiyiinta ayaa hadda Imaaraatka u isticmaalaya taa beddelka, taas oo ka cadhaysiisay taageerayaashooda.
Yemen iyo Iimaaraadka

Xigashada Sawirka, AL-MALAHIM
Garabka Yemen ee Al Qaacida, oo loo yaqaan Al-Qaacidada Jaziiradda Carabta (AQAP), ayaa inta badan sheegata mas'uuliyadda weerarrada argagixisada ee Yemen.
Al-Qaacida waxay ku andacoonaysaa in Golaha ku meel gaadhka Koonfureed (STC) ee ka hawlgala Yemen oo taageero ka helaya Imaaraadka Carabta ay bartilmaameedsanayaan.
Imaaraatka iyo STC ayaa hadda ah qaybaha muhiimka u ah dacaayadaha iyo fariimaha Al-Qaacida ee Yemen. Ciidanka STC waxay caadiyan kooxdu u taqaanaa "calooshood u shaqeystayaal Imaaraad ah".
AQAP ayaa muuqaal ay soo saartay 6-dii Oktoobar ku sheegtay in "jihaadka caanka ah ee ka dhanka ah gumeysiga Imaaraatka" uu yahay habka kaliya ee lagu dammaanad qaadi karo ilaalinta midnimada iyo sharafta Yemen.
Muqaalka ayaa sheegaya in Imaaraadku uu kaalin fududayn ah ka qaatay soo celinta xiriirka STC iyo Israa'iil, wuxuuna ku tilmaamay STC saaxiibka qarsoon ee cusub ee Israa'iil ee Yemen.
Laanta Yemen ee Al-Qaacida waxay sidoo kale ugu yeertaa STC 'wakiilka Sahyuuniyadda'.
Ujeedada ugu weyn ee dacaayadda ay Al-Qaacida ka faafineyso Jaziirada Carabta ayaa ah sidoo kale abuurista shabakado xogta keena iyo kuwo sirdoon oo ka mid ah safka jihaad doonayaasha kuwaasoo u shaqeeya sirdoonka Imaaraatka.
Fiidiyowgu waxa uu leeyahay caddaymo muujinaya in dadka xog-ogaalayaashu ay ku nool yihiin 'nolol raaxo leh' oo ay helayaan dhaqaale aad u badan, iyaga oo sidoo kale booqanaya Iimaaraadka.
Al Qaacidada Jasiiradda carabta oo ku dhawaaqday weerar ka dhan ah Iimaaraadka
AQAP waa kooxda jihaad doonka ah ee sida aadka ah uga soo horjeeda golaha ku meel gaarka ah ee reer galbeedka.
7-dii Nofember, AQAP, ayaa bayaan ay soo saartay, waxay ugu baaqday shacabka Imaaraadka Carabta iyo Muslimiinta caalamka inay beegsadaan danaha dowladda Imaaraatka si ay uga aargudaan xasuuqii ka dhacay Suudaan.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Iimaaraadka ay faragelin ku heyso dalka Sudan oo ay ka dambayso Israa'iil iyo quwadaha reer galbeedka.
Kooxda ayaa sheegtay in ay tahay 'waajib diini ah' oo saaran dhammaan Muslimiinta, haddii ay ahaan lahaayeen muwaadiniin Imaaraadka Carabta ah, kuwa ku nool Imaaraadka Carabta ama dibadda, 'in ay fuliyaan weerarro aan ka laba-labayn lahayn' oo ay beegsadaan qoyska iyo dawladda talada haysa.
Liibiya ayaa dhawaanahan ahayd mid aysan aad u saarnayn diiradda jihaad doonayaasha, balse taageerada muddada dheer ee Imaaraatka Carabta ay siin jireen kooxo siyaasadeed oo awood badan ayaa mararka qaarkood ka dhaliyay halkan doodo.
Shaki laga qabo baaxadda heshiiskii Abraham

Xigashada Sawirka, Telegram
Sida ku cad heshiiskii Abraham 2020, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, iyo Marooko waxay si buuxda u soo celiyeen xiriirkii ay la lahaayeen Israa'iil.
Kaddib markii uu qaboobay dagaalka Qaza, kooxaha leh afkaarta Islaamiyiinta ayaa aaminsan in Mareykanka uu ballaarin doono heshiiskii Abraham, isla markaana uu dalal kale ku riixi doono inay ku soo biiraan.
Ku lug lahaanshaha Imaaraatka Carabta ee heshiiskii Abraham ayaa si isdaba joog ah loo soo bandhigay, sida ku dhiirigelinta wadamada kale inay ku biiraan heshiiska ama lagu eedeeyay inay taageereen ajendayaasha Israel ee gobolka.
Heshiiskii Abraham waxa uu xoojiyey fikirkii soo jireenka ahaa ee kooxaha Islaamiyiinta, sida laga soo xigtay Maraykanka iyo xulafadiisa in ay maleegayaan in 'wadamada Carabta' ay u dhaqmaan sidii 'darbi difaac ah' oo ku wareegsan Israa'iil.
Xaaladdan oo kale, UAE waxaa sida caadiga ah loo soo bandhigaa sida ' client state', dal madax banaan, laakinse dal kale ku tiirsan) kaas oo u ogolaanaya Israa'iil in ay sii jirto.
Hogaamiyaha Al Qaacidada Jaziiratul Carab Ibrahim al-Qawi ayaa ku tilmaamay heshiisyada Abraham "khiyaano" ka dhan ah Islaamka iyo Muslimiinta, muuqaal la sii daayay Agoosto 2020. Bishii Oktoobar 2020, Abu Hamza al-Qurayshi, oo ah afhayeenka kooxda Islaamiga ah ee xagjirka ah, ayaa soo saaray hadal la mid ah.
Kadib weerarkii Xamaas ee 2023-kii Israa'iil, waxaa soo baxay muuqaallo dhowr ah oo jihaad doon ah oo beegsanaya waddamada Khaliijka sida Imaaraadka oo xiriir la sameeyay Israa'iil.
Waxa kale oo jira muuqaal la mid ah Al-Qaacida laga soo bilaabo Diseembar 2023 oo ku baaqaya weeraro ka dhan ah 'Sahyuuniyadda' iyo xulafadooda Carabta.
La dagaallanka borobagaandada
Mucaaradadda ay wadaan, ayaa kooxaha jihaad doonka ah waxay ku celcelinayaan eedeymaha ay u jeedinayaan boqortooyooyinka ka jira wadamada golaha iskaashiga khaliijka, waxayna ururada jihaad doonka ahi ku tilmaamaan hogaaminta wadamadan mid kalitalis ah oo ka soo horjeeda caqiidada Islaamka.
Waxay inta badan ku eedeeyaan Imaaraatka Carabta iyo dowladaha kale ee Islaamka in ay ogolaadeen dhaqan xumo ka baxsan Islaamka.
Joogitaanka saldhigyada ciidamada Mareykanka ee gobollada GCC iyo xiriirka dhow ee dhanka difaaca ee reer Galbeedka ayaan sidoo kale ahayn kuwo aysan ku qanacsaneyn kuwa leh fikradaha xagjirka ah ee Islaamiyiinta.
Kuwa leh afkaarta jihaad-doonka ayaa si gaar ah u neceb dhaxal-sugaha Sucuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan iyo hoggaamiyaha Imaaraatka Carabta Maxamed Bin Zayid, sababtoo ah waxay u arkaan fikirkooda casriga ah kuwo ka soo horjeeda qiyamka Islaamka.
Sannadkii 2023-kii, majaladda Al-Azeem Media Group ee taageerta ISIS ayaa sheegtay in mas'uuliyiinta Imaaraadka Carabta ay ku xireen maleeshiyaad xabsiyo buux dhaafay, waxayna faah faahin ka bixiyeen jirdilka la sheegay in loo geystay. Isla qodobkaas waxa uu Imaaraadka ku eedeeyay in ay "hubeeyaan" oo ay "kor u qaadaan anshax-xumada" ayadoo la wajahyo bay yiraahdeen siyaasadda Maraykanka iyo reer galbeedka ee ka dhanaka ah shareecada Islaamka.
Koobka Adduunka ee Qatar 2022 ayaa sidoo kale ahaa munaasabad ay mujaahidiintu si xoog leh ugu ololeeyeen ka dhanka ah qoysaska boqortooyada ee dalalka Khaliijka.
Hawlgalka ka dhanka ah jihaadiyiinta
Dhowaan ayay ahayd markii mujaahidiinta afkaarta Islaamka ku adag ay dowladda Imaaraadka Carabta uga digeen faragelinta ay ku hayaan dalka Suuriya, kaddib xarigga Jassim Rashid Al Shamsi oo u dhaq-dhaqaaqa Imaaraatka oo lagu xiray dalka Suuriya.
Qoraaga caanka ah ee Islaamiyiinta Us al-Sira fi al-Sham ayaa sheegay in "wafti amni" oo ka socda Abu Dhabi ay al-Shamsi dib ugu celin doonaan Imaaraadka oo laga keeni doono Suuriya. Waxa uu sheegay in Al-Shamsi lagu soo celiyay dalka Suuriya oo laga keenay Turkiga, iyadoo loo ballanqaaday ammaan.
Akoonno kale oo Islaamiyiin ah ayaa uga digay dowladda Suuriya in aysan xirin mujaahidiinta Islaamiga ah ee cadaadiska uga imaanayo Imaaraadka Carabta.
Kuwo kale ayaa fursadda u adeegsaday inay ka hadlaan kiiska hoggaamiyaha Jaysh al-Islam Essam Bouvidani, oo la sheegay in lagu xiray Imaaraadka Carabta bishii Abriil 2025.
Warbixinada xariga iyo dibin daabyada ka taagan Imaaraatka iyo wadamada GCC ayaa sidoo kale ah mowduuca inta badan ay ka hadlaan kooxaha islaamiyiinta ah ee Jihaad doonka ah.
Warbixintan waxaa qortay qaybta warqabadka ee BBC










