Ra'iisul wasaarihii hore ee Israa'iil oo shaaca ka qaaday qorshe Falastiiniyiinta la isugu geynayo "magaalo xero ah"

Xigashada Sawirka, EPA
Dowladda Israa'iil ayaa si weyn loogu dhaliilay qorshe ay uga dhiseyso wax ay ugu yeertay magaalo bani'aadanimo dhulka burbursan ee Rafax ee koonfurta Gaza. Waxaa loogu talogalay in la dajiyo 600,000 oo barakacayaal Falastiin ah kuwaas oo aan loo ogolaaneyn in ay ka baxaan. Labo raysalwasaare oo hore Israa'iil u soo xukumay, Yair Lapid Erhard iyo Ehud Olmert ayaa arrintaas ku tilmaamay in ay tahay xero dadka lagu haynayo.
Raysalwasaarihii hore Israa'iil Ehud Olmert ayaa si weyn u dhaliilay soo jeedinta wasaaradda difaaca Israa'iil ee ah in magaalada loogu yeero "magaalo bani'aadannimada" laga dhiso Rafax.
Olmert wuxuu sheegay in Israa'iil ay dhibaato ka geysaneysay Gaza iyo Daanta galbeed, haddii halkaas laga dhiso xerana ay arinta kaga sii dareyso.
"Waa xero dadka lagu haynayo. Waan ka xumahay," waan ka xumahay" ayuu yiri Ehud markii la weydiiyay qorshaha wasiirka difaaca Israa'iil.
Wasiirka ayaa sheegay in Falastiiniyiinta aan loo ogolaaneyn in ay ka baxaan xerada marka laga reebo in ay aadayaan dalal kale.
Wasiirka Difaaca Israa'iil Katz waxa uu amray in militeriga bilaabaan naqshadda qroshaha looga dhisayo "magaalada bani'aadannimada" koonfurta Gaza si halkaas loo dajiyo 600,000 ee ugu horeeya kaddibna Falastiiniyiinta oo dhan.
"Haddii Falastiiniyiinta la geeyo "magaalada bani'aadannimada", waxaad dhihi kartaa tani waa isir sifeyn. Weli ma dhicin," ayuu yiri Olmert. Waa "fasiraad aan sinna looga fursan karin" isku-day kasta oo xero loogu dhisayo boqolaal kun" ayuu yiri.
Olmert uma arko ololaha ay hadda Israa'iil ay wado in uu yahay isir sifeyn sababtoo ah wuxuu sheegay in rayidka oo laga saaro meel si dagaalka looga fogeeyo ay tahay wax sharci ah marka la fiiriyo qeynuunka caalamiga.
Mashruuca lagu dhisayo magaalo laysugu keeno Falastiiniyiinta waa qorshe uu wato raysalwasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo in Israa'iil aysan goobahaas ka bixin.
Olmert wuxuu BBC-da u sheegay in uu aaminsan kuwa dhahaya waxaa lagu taageerayaa bani'aadanimada in ay yihiin kuwa hadda dhahaya waa inaan taageero bani'adanimo siinin hadii kale waxaan ka baxeynaa golaha wasiirada .
"Kuwa sameynaya waa kuwa dhahaya waa in aan Meesha ka saarnaa dhammaan Falastiiniyiinta ku nool Gaza"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Marka ay xero u dhisaan in ka badan kala bar dadka Gaza, markaa waa lagama maarmaan in aan fahano qorshaha in meeshaas aysan munaasab u aheyn Falastiiniyiinta. Waa in la masaafuriyaa"
Qareennada xuquuqda aadanaha Israa'iil iyo dadka wax indhaindheeya waxay ku tilmaameen in qorshaha uu yahay naqshada dambiyada laga galo aadanaha, qaarkoodna waxay ka digeen haddii la hirgeliyo, "in ay ka dhigan tahay xasuuq".
Israa'iiliyiinta kale ee ku tilmaamay magaaladan loo dhisayo Falastiiniyiinta in ay tahay meel dadka lagu ururinayo ayaa la weeraray iyagoo lagu eedeeyay in ay la barbardhigeen Naziga Jarmalka.
Olmert oo Israa'iil raysalwasaare ka soo noqday intii u dhexeysay 2006-dii ilaa iyo 2009-kii ayaa BBC-da u sheegay in uu dalkiisa u welwelsan yahay.
"Waxaan si weyn uga welwelsanahay natiijada suuragalka ah ee la xiriirta xasiloonida iyo deganaashaha dalka Israa'iil, taasina waa sababta ay aan u doonayo in cod dheer aan ku gaarsiiyo Israa'iil iyo kuwa daneeya".
Olmert wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin xagjiriin wasiirada taageeray dagaalka Gaza iyo Daanta galbeed iyagoo ogolaaday in si weyn laysugu fidiyo dhulka la qabsanayo. "Kuwan iyagaa cadow isku ah" ayuu yiri.
"Xanuunka ka jira Gaza iyo gabood-falka kuwa la dajinayo Daanta Galbeed waxay sii hurinayaan carada loo qabo Israa'iil taas oo aan lagu joojin karin Yahuud Naceybka" ayuu sii raaciyey.
"Ra'yiga gudaha Israa'iil wuxuu isbeddalayaa marka Israa'iil ay dareento cadaadis caalami ah" ayuu yiri Ehud oo ku baaqay sidoo kale faragelin caalami ah. Wuxuu sidoo kale dhaliilay warbaahinta Israa'iil isagoo sheegay in ay ku guuldareysteen in ay ka hadlaan dhibaatada loo geysanayo Falastiiniyiinta.
Olmert wuu taageeray qorshihii lagu weeraray Xamas kaddib weeraradii 7-dii Oktoobar ee sanadkii 2023-kii, balse wuxuu sheegay markii dowladda Israa'iil ay si cad oo aan fiicneyn uga baxday wadaxaajoodyada dagaalka lagu dhameynayo in uu go'aan ku gaaray kaddib in dalkiisa uu galayo dambiyo dagaal.
"Waa ceeb iyo qalbijab" dagaalkaas oo markii hore ahaa in lays difaaco wuxuu noqday wax kale, wuxuu go'aansaday in uu ka hadlo. "Maxaan sameyn karaa si aan u beddalo hab dhaqanka, tan koowaad in aan garto kuwa aadka u xun, tan labaad in aan dhaliilo oo aan xaqiijiyo in bulshada caalamka ogaadaan in ay jiraan codad kale oo dadka Israa'iil leeyihiin" ayuu yiri Ehud.
Inkastoo Gaza la burburiyay haddana Olmert waxa uu weli aaminsan yahay in uu jiro xal labo dal ah. Waxa uu kala shaqeynaya wasiirkii hore arrimaha dibadda Falastiin Nasser al-Kidwa sidii loo riixi lahaa, xitaa wuxuu aaminsan yahay in la gaari karo xal taariikhi ah oo lagu dhameeyo dagaalka Gaza, laguna beddesho in xiriirka Sacuudiga caadi laga dhigo haddii Netanyahu uu awoodo, uuna doonayo.













