Trump oo u hanjabay Ruushka, sheegayna tallaabooyinka uu qaadayo

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanku uu u diri doono Ukraine "hubka ugu tayada wanaagsan" iyada oo loo sii marayo waddamada NATO, isagoo sidoo kale ugu hanjabay Ruushka cunaqabateyn adag haddii aan heshiis lagu soo afjarayo dagaalka la gaarin muddo 50 maalmood gudahood ah.
"Waxaan dooneynaa inaan hubinno in Ukraine ay awooddo inay sameyso waxa ay rabto inay sameyso," ayuu Trump yiri kadib kulan uu la yeeshay madaxa NATO Mark Rutte oo uu kula kulmay magaalada Washington.
Rutte, waxa uu xaqiijiyay in Maraykanku uu go'aansaday in uu " siiyo Ukraine waxa lagama maarmaanka u ah iyagoo sii mariyana Nato" iyo in reer Yurub ay qaadi doonaan kharashka ku baxaya.
"Waddamada Yurub ayaa Kyiv u diri doona nidaamyadooda difaaca hawada ee Patriot – kuwaas oo Ukraine u adeegsan doonto ka hortagga weerarada cirka ee dhimashada leh ee Ruushka iyadoo Mareykanku bixin doono qalab beddel ah" ayuu yiri Trump.
Rutte iyo Trump midkoodna ma faah faahin hubka loo diri doono Kyiv balse Rutte ayaa sheegay in heshiiska ay ku jiraan "gantaalada iyo rasaasta".
Si kastaba ha ahaatee, madaxweynuhu wuxuu sheegay in "hubka ugu sarreeya" ee qiimahoodu yahay balaayiin doollar "si degdeg ah loo deyn doono goobaha dagaalka" si loo taageero Ukraine.
"Haddii aan maanta ahaan lahaa Vladimir Putin... waxaan dib uga fikir lahaa in aan si dhab ah uga wada hadalno arrinta Ukraine," ayuu yiri Rutte, Trump-na madaxa ayuu u ruxay .
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa bartiisa X, ee horrey loo oran jiray Twiter, ku sheegay inuu la hadlay Trump kadib kulankii uu la yeeshay Rutte, isagoo uga mahadceliyay "dadaaladiisa uu ku taageerayo Ukraine iyo rabitaankiisa uu uga shaqeynayo joojinta dilalka iyo dhisidda nabad waarta oo caddaalad ku dhisan."
"Waxaan ka wadahadalnay waxyaabaha lagama maarmaanka ah iyo xalalka Madaxweynaha si dadka looga ilaaliyo weerarada Ruushka una xoojino mowqifkeena, waxaan diyaar u nahay inaan ka shaqayno si wax ku ool ah oo macquul ah in la gaaro nabad"ayuu yiri
Dhanka canshuuraha, Trump wuxuu sheegay in Mareykanka uu ku soo rogi doono 100% canshuuraha labaad ee lagu beegsanayo saaxiibbada ganacsiga ee Ruushka haddii aan heshiis nabadeed lala gaarin Ukraine muddo 50 maalmood ah .
Tani waxay la micno tahay in waddan kasta oo ganacsi la leh Ruushka uu wajihi doono canshuurtaas haddii uu rabo inuu alaabtiisa ka iibiyo Mareykanka.
Tusaale ahaan, haddii Hindiya ay sii wado iibsashada saliidda ee Ruushka, shirkadaha Maraykanka ee iibsada alaabada Hindiya waa inay bixiyaan 100% canshuur soo dejinta ah, marka alaabtu gaarto Maraykanka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Tani waxay ka dhigi doontaa badeecooyinka kuwa aad qaali u ah, taas oo u horseedi karta shirkadaha Mareykanka inay doortaan inay alaabtaas ka iibsadaan meelo kale oo raqiis ah – taasoo sababi karta in Hindiya lumiso dakhli badan.
Ujeeddadu sidoo kale waa in lagu wiiqo dhaqaalaha Ruushka. Aragti ahaan, haddii Moscow aysan awoodin inay lacag ka hesho iibinta shidaalka dalal kale, markaas sidoo kale waxay heli doontaa lacag yar oo ay ku maalgeliso dagaalka ay kula jirto Ukraine.
Maadaama saliidda iyo gaaska dhoofkoodu uu ka dhigan yahay ku dhawaad saddex meelood meel dakhliga Moscow, iyo in ka badan 60% dhoofinta guud, cunaqabateynta 100% waxay si dhab ah u waxyeeleyn kartaa dhaqaalaha Ruushka.
Inkastoo faahfaahinta ku saabsan cunaqabateynta iyo heshiiska hubka NATO ay ahayd mid kooban, Isniintii waxay ahayd markii ugu horreysay ee Trump ballanqaado qalab ciidan oo cusub oo loogu talagalay Ukraine tan iyo markii uu dib ugu laabtay Aqalka Cad.
Warbixinta sidoo kale waxay ahayd mid la xasuusto sababo la xiriira dareenka adag ee laga dareemay madaxweynaha Mareykanka, iyadoo hadalladiisa ku aaddan Vladimir Putin ay si isa soo taraysa u sii adkaanayeen.
Ma aha markii ugu horreysay ee Trump uu si maldahan u muujiyo in Kyiv ay wax ka leedahay mas'uuliyadda go'aanka Ruushka uu ku qaaday duullaanka ballaaran ee uu ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022.

Xigashada Sawirka, Reuters
Hase yeeshee, inta badan wuxuu u muuqday mid ka niyad-jabsan horumar la'aanta ku saabsan joojinta colaadda , taasoo uu horey u rumaysnaa in si sahlan loo xallin karo.
Mar wax laga weydiiyay xiriirka uu la leeyahay Putin, Trump wuxuu sheegay in labadoodu ay aad uga hadlaan "in arrintan la sameeyo" laakiin wuxuu ka dhawaajiyay inuu aad uga xun yahay xaqiiqda ah in "Wicitaanadii aadka u wanaagsan" ee uu la yeesho madaxweynaha Ruushka ay inta badan ku xigto duqeymo ba'an oo cirka ah oo lagu qaado Ukraine.
"Marka taas ay dhacdo saddex ama afar jeer waxaad odhaneysaa: hadalku wax micne ah ma leh," ayuu yiri Trump.
"Ma doonayo inaan ku magacaabo dilaa, laakiin waa nin adag. Sanadihii la soo dhaafay ayaa la caddeeyey, dad badan ayuu khiyaanay – Clinton, Bush, Obama, Biden," ayuu intaas ku daray. "Aniga iima khiyaanin. Waqti gaar ah hadalku waxba ma taro, ficil ayaa loo baahan yahay."
Laba wareeg oo wadahadallo joojinta dagaalka ah oo u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine aya dhacay horraantii sanadkan, balse ilaa hadda kulan kale lama qorsheyn — taasoo Moscow ay ku eedeysay Kyiv.
Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa hadda ku qaabilaya ergayga Maraykanka Keith Kellogg ee Kyiv, wuxuuna goor sii horreysay oo isniin ah bogaadiyay "kulan wax ku ool ah" - isagoo sheegay inuu "ga mahadcelinayo" taageerada Trump.
Kremlin-ka isla markiiba kama hadlin ku dhawaaqista - laakiin faallooyinka ka soo baxaya Moscow waxay u muuqdeen inay muujinayaan dareen nafis ah.













